Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf IndaCade attacks Sharif Ahmed? complete failure

Recommended Posts

Indhacade VS Sh. Shariif

29 Sep 29, 2008 - 7:34:46 PM

 

Yusuf Indhacade oo sheegta inuu yahay xoghayaha difaaca ururkii Maxkamadihii Islaamiga ah ayaa shir jaraa'id uu qabtey ku xusey in aysan waxba ka jirin hadal Gudoomiyaha Isbaheysiga garabka Jabuuti Sheekh Shariif ku sheegey in ka bixitaanka ciidamada Ethiopia gobolka Hiraan aheyd mid kamid ah heshiisyadii lagu gaarey shirkii wadanka Jabuuti ka dhacey.

 

Yusuf indhacade ayaa shirkiisa jaraa'id ku xusey in ciidamada Ethiopia gobolka Hiraan kaga baxeen cabsi balse aysan jirin, beena tahay iney heshiis ku baxeen isaga oo sheegtey inuu goob joog ahaa.

 

Indhacade ayaa wareysigiisa ku sheegey in hadalka Sh. Shariif yahay mid hagardaamo badan u gaystey shacabka Somaliyed ayna tahay inuu toobad keeno waa sida hadalka u dhigeye.

 

Dagaal oogahaan u xuubsiibtey ururka Maxaakiimta ayaa BBC-da waydiisay sababta keentey inuu sheegto inuu goob joog ka yahay meel walba oo dagaal ka dhaco ayaa isku difaacey in wadanku yahay mid isku furan meel walbana lagu gaari karo gaari.

 

Gudoomiyaha Isbaheysiga Asmara Sh. Shariif oo Idaacada BBC-da Somalia horey ula hadley ayaa sidoo kale cambaareyey xirnaashaha Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga oo dhinac dhigey arrintaan falalka burcad badeedka kawado xeebaha Somalia kuwaasoo ku tilmaamey kuwa aan shacabka Somaliyed dan u aheyn.

 

Shariif ayaa ku baaqey in la joojiyo dhiiga macno darada ah ee shacabka Somaliyed oo daadanaya isaga oo tibaaxey in AMISOM shacab kaga dhimaneyn Somalia.

 

Warar hoose oo Garowe Online horey u heshey ayaa sheegaya in Yusuf Indhacde xoogaga ciidamada Ethiopia kula dagaalamaya gobolka Hiraan beelaha ay ka kooban yihiin u diideen inuu gobolkooda yimaado.

 

Kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan gobolka Hiraan ayaa waxaa siyaasad ahaan hurmuud u ah Cumar Xaashi oo ka tirsan garabka Isbaheysiga Asmara ee fadhgiisu yahay wadanka Jabuuti.

 

Garowe Online+ BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhacade ayaa wareysigiisa ku sheegey in hadalka Sh. Shariif yahay mid hagardaamo badan u gaystey shacabka Somaliyed ayna tahay inuu toobad keeno waa sida hadalka u dhigeye.

 

Dagaal oogahaan u xuubsiibtey ururka Maxaakiimta ayaa BBC-da waydiisay sababta keentey inuu sheegto inuu goob joog ka yahay meel walba oo dagaal ka dhaco ayaa isku difaacey in wadanku yahay mid isku furan meel walbana lagu gaari karo gaari.

:D:D:D

 

This clown is gonna liberate people

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar hoose oo Garowe Online horey u heshey ayaa sheegaya in Yusuf Indhacde xoogaga ciidamada Ethiopia kula dagaalamaya gobolka Hiraan beelaha ay ka kooban yihiin u diideen inuu gobolkooda yimaado.

 

Kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan gobolka Hiraan ayaa waxaa siyaasad ahaan hurmuud u ah Cumar Xaashi oo ka tirsan garabka Isbaheysiga Asmara ee fadhgiisu yahay wadanka Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

iska hadalku mafiicna yaa dhaha. Waa laba nin oo isku mabda' laakin inay xishood iyo restraint muujiyaan weeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this