Sign in to follow this  
Taako Man

PM Geedi Meets with more mogadishu CLan elders, leaders: PICS

Recommended Posts

Beesha Waqooyi Xamar oo si weyn u taageertay qorshaha dowlada Federaalka

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 24/01/07

 

 

 

 

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, Siyaasiinta iyo dhalinyarada beesha Wacbuudhan ****** iyo dhanka kale Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa waxa looga hadlay doorka ay ku yeelan karaan dib u heshiisiinta iyo nabad kusoo dabaalida guud ahaan dalka Somalia gaar ahaan caasimada Muqdisho oo ay beeshu deegaan ahaan ugu badan tahay.

 

Ugu horeyn waxaa ka hadlay odayaasha dhaqanka oo dhamaantood ra’iisul Wasaaraha ku dhiiri giliyey inay garab taagan yihiin dowlada Federaalka isla markaana ay si weyn u taageerayaan hadafka iyo ulajeedada dowladooda, waxayna u sheegeen ra’iisul wasaaraha inay diyaar la yihiin wax kastoo awaamiir ah ayna difaaci doonaan cadow kastoo soo weerara haday ahaan lahayd hiil iyo howl.

 

Sidoo kale waxaa isna hadalkii qaatay siyaasiga ruug cadaaga ah isla markaana ah gudoomiyaha siyaasada beesha Waqooyi Xamar ee xiligan loo magacaabay Md. Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo sheegay in loo baahan yahay inaaysan dowladani noqon kuwii horey ugu burburay magaalada Muqdisho isagoo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dowlada federaalka lala garab istaago wax alaale waxay u baahan tahay wuxuu kaloo ku daray in dowlada lagu soo biiran doono maleeshiyaad ay la wareegayso dowlada federaalka oo tababar loo furi doono.

 

 

 

 

Xildhabaan Xuseen Caraale oo ah xildhibaan kasoo jeeda Beesha Waqooyi Xamar ayaa ku nuuxnuuxsaday in beesha ay aad ku mahadsan yihiin sida weyn ee ay u taageereen dowlada Federaalka wuxuuna ku dhiiri giliyey inay lasoo deg degaan waxqabadkooda oo aysan ku ekaan hadal ee uu noqdo mid si dhab ah loo fuliyo isagoo sheegay in dowlada ay ka sugayso balanqaadkoda.

 

Ugu danbayntii waxaa hadalkii qaatay Prof. Cali Maxamed Gedi oo u sheegay beesha Waqooyi Xamar in looga baahan yahay waxqabad dhab ah oo ay la yimaadaan oo aysan hadal afka laga sheego aysan suuragal ahayn loogana baahan yahay inay ficil dhab ah muujiso si buu yiri loogu daydo.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday beesha Waqooyi Xamar oo ku dhiiri giliyey inay bilaabaan dib u heshiisiin oo ay isku keenaan dhamaan beelaha Xamar ugu danbeyntiina ay iskeenaan Soomaali oo dhan si buu yiri loo gaaro in beelaha dhamaan ay wada gaarto dib u heshiisiin ka aslaaxda Gayiga Somalia.

 

Beesha Waqooyi Xamar oo balan qaadyo badan u fidisay dowlada Federaalka ayaa haday suuragaliso balanqaadkeeda suuragal ka dhigi doonto mid lagu daydo oo keeni doonta in la helo Qaranimo Somaaliyeed oo loo dhan yahay.

 

 

Wacbuudhan_gedi1.JPG

Wacbuudhan_gedi2.JPG

Wacbuudhan_gedi.JPG

Wacbuudhan_gedi3.JPG

Wacbuudhan_gedi4.JPG

Wacbuudhan_gedi5.JPG

Wacbuudhan_gedi7.JPG

Wacbuudhan_gedi6.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

^^ I think xiin would rather have Geedi don the red-and-white Cimaamad that Indha Cadde and Aweys were fond of wearing. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by xiinfaniin:

LOL@Geed's tusbax.

 

Waligaaba tusbax qaado wallee waa lagu hayyaa maraan fogeyn
:D
.

:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Everyone knows that Clan leaders are docile folks, who didn’t even catch up with the 20th century forget about the 21st century.

 

If they are indispensable to bring peace, then they would have done something in those 16 years of full chaos. Where were they then?

 

We should drop this backward mentality of clan leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Clan elders have been instrumental in peace in Somaliland and Puntland, and will play a major role in the South, insha Allah. Our Somali elders are a treasure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this