Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi arrives in Nairobi: pics

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo soo gaaray magaalada Nairobi

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 12/02/07

 

Midig Buubaa, gudomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Harun oo isu diyaarinaya soo dhaweynta ra'iisul Wasaaraha

 

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka kmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Wilson Airport, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa”, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Axmed Haaruun, Safiirka Somalia ee dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko, Taliye kuxigeenka Booliiska Md. Bashiir Goobe iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Federaalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sii gudbi doona dalka France halkaasoo uu uga qeyb gali doono shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Paris oo ay isugu imaan doonaan dowladaha Afrika ee ku hadla Afka Fransiiska iyadoo dowlada Somalia lagu martiqaaday inay ka qeyb gasho shirkaasi.

 

 

 

 

 

 

Prof. Geedi ayaa 24saac ee soo socda u duuli doona dalka France si uu ugu qeyb galo shirka dowladaha afrikaanka ee ku hadla afka faransiiska, waxaana lagu wadaa inta uusan ka bixin magaalada Nairobi inuu shir jaraa’id ku qabto dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Somalia guud ahaan iyo heerka ay marayso dowladiisa.

 

Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa maalmahaanba ku hawlanaa magacaabista dhamaystirka hay’adaha kala duwan ee dowlada Federaalka sida Safaaradaha IWM, iyadoo shalayna ay golahiisa wasiirada Baasiyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo sidii dalka Somalia loogu qaban lahaa shir ay isugu imaanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

Dhanka kale waxaa maanta shirkii odayaasha beelaha uga soo dhamaaday magaalada Muqdisho Hotel Kaah kaasoo ay ku qaadanayeen siminaar ku saabsan sidii ay isugu keeni lahayeen beelaha kala dhib sheeganaya ee dhibaatada dhex martay taasoo lagu wado in dhawaan shirkaasi la iclaamiin doono goorta iyo halka lagu qaban doono.

 

 

Safiirka Somalia ee Kenya Md. Ameriko oo soo dhaweynaya Ra'isul Wasare Gedi

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Buubaa iyo Ra'iisul Wasare Geedi

 

Diinaari iyo Prof. Geedi

 

Midig Safiirka Somalia ee Kenya M. Ali Ameriko, dhexda Wariye Siidi, Bidix Afhayeenka Dowlada Md. C/raxmaan Diinaari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this