Sign in to follow this  
Jumatatu

Apology to Al-xaaj Muse Sudi

Recommended Posts

Jumatatu   

Cartoon%20mouse_afey_kibligat.gif

Keenya oo maanta Cudurdaar ka bixinaysa Xarigii loo geystay qaar ka mid Xubnaha dawalada Fedraalka Soomaaliya.

 

Wasaaradda Arimaha dibadda Keenya ayaa maanta cudur daar ay ka bixiso xarigii dhawaan ay dowladda Kenya kula kacday xubno ka tirsan DFKMG.

 

Sida uu Warbaahinta u sheegay Xildhibaan Macalin Jiis oo ka mid ahaa xubnihii dowladda FKMG ee lagu xiray sabtidii tagtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu sheegay in maanta wasaaradda arimaha dibadda dalka Kenya ay ka sugayaan si rasmi ah in ay cudur daar uga bixiso xariga loo geystay isagoo tilmaamay in hore ay u jireen xiriiro hoose oo iyagu lala soo sameeyay oo dowladda Kenya ay kaga cudur daaraneyso waxii dhacay, waxa ay nagu qanciyeen buu yiri in sarkaalkii amray xariga noola geystay in uu Kenya hadda u xiran yahay isla markaana loo heysto dambiga ah xadgudubka uu kula kacay mas'uuliyiin Soomaaliyeed.

 

Xildhibaanku waxa uu intaasi daba dhigay in ay aad u soo dhaweynayaan hadii Kenya ay garwaaqsatay in qalad ay ka gashay DFKMG ee Soomaaliya, markii horena waxa noola xiray waxa ay aheyd buu yiri fikirkeena.

 

Macalin Jiis sidoo kale waxa uu ka hadlay gudoomiyaha Baarlamanka FKMG ee Soomaaliya Shariif Xasan iyo xildhibaanada kulamo mudooyinkaan u socday oo ku saabsanaa bal qaabka loo imanayo magaalada Muqdisho isagoo cadeeyay in ugu dambeyn maalinta Arbacada ee soo socota ay xildhibaanadoodu ay ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay si diiran ugu soo dhaweeyaan magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan Macalin Jiiis waxa uu intaasi ku daray in gudoomiyaha Baarlamanka kulan uu la qaatay danjirayaasha Britain iyo Mareykanka ee magaalada Nairobi ay markaasi cudurdaar ka siiyeen hadal hore loogu soo jeediyay oo ku saabsanaa hotelka uu ka degen yahay magaalada Nairobi waqtiga uu ka dhamaaday isla markaana uu baneeyo.

 

Danjirayaasha waxa ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin hadalkaasi, wadamada IBF tana ay u balanqaadayaan in wax qarasha ah aan lagu soo dalaceyn dowladda inta ay dagan yihiin magaalada Nairobi.

 

Wadamada dhaqaalaha ku bixinayay shirka Soomaalida mudada labada sano ka badan ayaa iminka wada dhex dhexaadin hoose oo ay ku doonayaan in ay xaliyaan Khilaafka xoogan ee u dhaxeeya labada Gole ee DFKMG Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in waqtiyada soo socda sidoo kale kulamo ay la qaataan Ra'isulwasaare Geedi iyo C/laahi Yuusuf oo lagu wado in maanta uu soo gaaro magaalada Nairoib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this