Sign in to follow this  
Liibaan

Shirkii SSC uga Socday Buura-Wadal oo Maanta la soo Xiray Warcadna ka soo Baxay

Recommended Posts

Liibaan   

nuqul1.jpg

 

nuqul2.jpg

Shirkii SSC uga Socday Buura-Wadal oo Maanta la soo Xiray Warcadna ka soo Baxay

 

 

Bismilaahai Raxamaani Raxiim.

 

Gollaha issimadda SSC

 

Shirkii issimadda SSC ee holhol iyo buura-wadal.

 

 

 

 

waxaa shir iswaraysi iyo wadatashi ah ku yeeshay magaaladda buura-wadal dhmaan issimadda ***********, shirkaas oo horaantii lagu qabtay Magaalada hol hol gogol uu dhigay Garaad jaamac Garaad ismaaciil.

 

issimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka gardarada ah ee jamhada soomaali-diidka ahi ku soo qaadeen qaybo ka mida ah deegaanadooda, duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysan yahay xeryaha qaxootiyada ee kenya, Ethopia, Yemen, iyo xaruumaha gobolada kale ee somaliya.

 

Waxaa nasiib daro ah in wadamada daneeya arimaha somaliya iyo hay,adaha caalamigu ayan wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa Tabaalaysan islamarkaana aaney dhaleecayn jabhadii kadanbaysay falal danbiyeedkaa loo gaystay shacabka reer laascaanood.

 

saddexdii bilood ee u dambeeyey waxaa xaruunta deegaamada SSC ee laascaanood ka biaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka dambeeyaan maamulkaasi, si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhika shacabka reer laascaanood, waxaa xabsiyadda magaalooyinka mandheera, Burco, Caynaba, iyo laascaanood ku xidh xidhan Ganacsato, Odoyaal, siyaasiyiin, iyo Culimo Owdiin aan Wax dambe ah Galabsan.

 

Waxaa kaloo la barakiciyey walaalahaygii soomaaliyeed ee kasoo haajiray Colaadaha ka aloosan Gobolada lKoonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada, haddaba Waxaanu la socodsiinaynaa UN, urur Goboleedka IGAD, AU, Arab League, Dowladda Faderaalka iyo Cidkasta oo Danaynaysa Nabadgalyada Geeska Africa hadii aanay xal loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raag iyo riiq dheeraada yeeshana wajiyo badan.

 

Hadaanu nahay Guddiibja Goboladda SSC Waxaanu mar walba u Taagnahay Wadda noolasha umada soomalyeed, ka shaqaynta daris wanaaga iyo nabadgelyada, arintaa waxaa marag cad u ah in xoolo dhaqatadii ka soo guurtay goboladda Togdheer iyo Waqooyi Galbeed ay maanta si nabadgelyo ah ku daaqayaan deegaamada SSC.

 

Haddaba Waxaa muuqata in aanay jabhadaasi wax dana ah kalahayn dadkooda maadama dadka ay ka dhexayso Ceelka, Carshinta iyo Cowkuba, Hasse yeeshee Marnaba uma dulqaadan doono in dadkayga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maaul si xa loogu hello dhibaatooyinka haysta dadkayga Waxaanu si wada jir ah isula qaadanay qodobadaan:

 

!: Waxaanu samaynay Guddi la yiraahdo qusuusi.

 

2: Qusuusigu Waxay ka koobnaanayhsaa 21 xubnood, sadex ka midi dumar yihiin.

 

3: Qusuusigu Waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan ma badalaan hogaanka lagu soo dhisay Nairobi.

 

4: Qusuusidu Waxaa soo xulaya beelaha Waxaana ansixinaya issimada.

 

5: Qusuusidu Waxay iska dhexdooranayaan Gud. ku xigeen iyo xoghayn.

 

6: Qusuusida Waxay mudadooda ku egtahay sanad iyho badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.

 

7: Qusuusiga Waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 casho laga bilaabo maalinta gudoonkani soo baxo.

 

8: qQusuusiga Waxaa kala diri kara issimada saxeexay cod 2/3.

 

9: Shurudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

 

FG: issimadda ayaa kala hadlay Puntland hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay ula kulmaan Qusuusida.

 

Wacyi gelin

 

Waxaa la dirayaa laba wafdi oo ka kooban issimada Cuqaasha iyo xubo ka mida qusuusida Waxaana loo kala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage e lagu jiro iyo siddi looga bixi lahaa.

 

Dhaqaalaha

 

dhaqaalah Waa laf dhabarta lama huraanka ah ee loo baahan yhahay waana arin aan, la'eenteed suuroobi karin Waxqabad rasmi ah, Waxaana la isku Raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka Gudihiisa, Wixii Faahfaahin ah ee intaa dheer Waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

 

Puntland

 

sida la wada ogsoon yahay sadexdii maamul ee ukala dambeeyay Puntland midba midka kale waa uga dacay iyo hagardaamo badnaa waxaana sahleen in laqabsado laguna fido qaybo ka mid ah deegaamada SSC, Waxaana Curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deemada, sidda darteed dhaqab iyo shacab baa waxaa uu cadaatay in xukuumada hada jirtaa anay diyaar u ahayn waxkaqabadka howshaa, hadaba waxaanu go,aansanahay in xaajadaa loo jawaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan, xukuumadda waxaan ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho howshan maanta lagudoomiyey.

 

Waxaa Marnaba la ilaawi karin Taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland isku dayadii lacuryaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobollada SSC hadana Waxaa looga baahan yahay Taageero hiil iyo hooba ah.

 

Magacyadda issimada Saxeexay,

 

1: Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad....................

 

2: Garaad saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.........

 

3: Garaad Jaamac Garaad ismaaciil..............

 

4: Garaad Cabdilaahi Garaad soofe......................

 

5: Suldaan Siciid Cismaan Cali..................

 

6: Garaad abshir saalax Maxamed.................

 

7:Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur.............................

 

8: Garaad Cali buraale Hassan..........................

 

9: Boqor Cabdilaahi Ahmed Cali.........................

 

10: Garaad Cabdisalaam hassan Maxamed.

 

11: Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare..............

 

12: Garaad Saleebaan Buraale ow aadan................

 

13: Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed....................

14: Ugaas Faarax Maxamuud Cali.

 

Wabilaabi Towfiiq.

 

Jaamac Maxamed Nuur (Jeele)

Madasha Shirka Buurawadal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this