Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Rehabilitation of the All Governmental Offices In Lasanod

Recommended Posts

Laascanood (Qaran)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay dibuhabayn ku socotay Guriga Gobolka Dawlada Hoose iyo Maxkamada Gobolka,dibuhabayntaa oo ay bixisay Dawlada Somaliland kadib markii ay la wareegtay gacan ku hanyta Gobolka Sool kalana wareegtay maamulka Puntland.

 

Dibuhabaynta lagu samaynayay goobaha Dawlada ayaa keentay kadib markii maamulka Somaliland uu bixiyay dhawr mashruuc oo wax lagaga badalayo qaabka xafiisyada Dawlada ee kuyaal magaalada Laascaanood kuwaas oo ahaa kuwo aad u dayacan.

 

Axmed Cabdi Timir oo ahaa gadhwadeenka hawsha mashruuca dibuhabaynta Guriga Gobolka Sool kana mid ah ganacsata Gobolka oo aan la kulanay ayaa waxaan wax ka waydiinay sida ay hawshu ku bilaabatay iyo cidda mashruucan sida tooska u fangaranaysay?.

 

Hadaba Axmed oo su’aashaa ka jawaabayaa ayaa waxa uu yiri waxa aan kamid ahaa shaqsiyaad ganacsato ah kuwaas oo lagu kala magacaabay dhawr mashruuc oo wax looga kala qabanayo xafiisada Dawlada ee ku yaal magaalada Laascaanood kuwaas oo dayactir iyo dibu habayntoona aan helin tan iyo Dawladii dhexe ee dalka waxaana mashruucan bixiyay Dawlada Somaliland ee maaha mid hay’ado bixiyeen.

 

Hadaba goobaha dawlada oo horey u ahaa meel marka aad aragto aadan maankaaga uusan kusoo dhacayn waa xarun dawlaeed oo teetal sare leh oo ahayd meel si wayn uburburswanayd waxna uusan ka qaban maamulka Puntland intii uu gacanta ku hayay Gobolka ayaa hadda waxa ay umuuqataa meel lagu tilmaami karo xafiis Dawladeed oo wax wayna laga qabtay walina uu hadda socdoto hawsheedii.

 

 

Qarannews

Laascanood

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this