Sign in to follow this  
Saalax

SOMALILAND: Dhakhaatiirtii u Horraysay oo Dalka Gudihiisa ku Qaatay Tababarka Qalabka

Recommended Posts

Saalax   

SOMALILAND: Dhakhaatiirtii u Horraysay oo Dalka Gudihiisa ku Qaatay Tababarka Qalabka Caafimaadka Ee Ultrasound-ka

 

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Sagaal [9] dhakhtar oo ka kala yimi degaanada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyinkii, kadib markii ay dhammaysteen tababar la xidhiidha mishiinka uurku jirta (UltraSound) oo ay muddo lix toddobaad ah ku qaadanayeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Tababarkaasi oo ay fulintiisa iska kaashadeen Jimciyadda samafalka ee Manhal iyo machadka caalamiga ah ee (Afro Asian Institute of Medical Science).

 

Xaflad loo sameeyay shahaado guddoonsiinta dhakhaatiirtaasi oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxa ka qeybgalay Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri iyo Md. Ibraahim Diiriye Xayd, masuuliyiinta hay’adda Manhal iyo sarkaal ka socday hay’adda WHO.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Manhal Mr. Cabdillaahi Carab oo ka hadlay xafladddas, ayaa sheegay in hay’adoodu tahay mid samafal oo ka shaqeysa dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

 

Mr. Cabdillaahi Carab waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tababarka ay dhammaysteen sagaalka dhakhtar oo uu xusay inay ka kala yimaaddeen degaano kala duwan, isla markaana juhdi badan u soo galeen sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen tababarka mishiinka uur ku jirta oo uu ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh adeegga caafimaadka bulshada.

 

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa kaloo uu sheegay in ay ka faa’iidaysteen in ka badan 200,000 qof mashruuca dawaynta iyo qalliinka indhaha ah oo Manhal ka fulisay gobollada dalka Somaliland dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, "Waxa kaloo aannu baadhis iyo dawayn indhaha ah u samaynay ardayda dugsiyada dalka oo tiradoodu gaadhayso ilaa 9000 arday, waxana noo qorshaysan in aanu 50.000 arday oo wax ka barta dugsiyada dalka. Waxaan idiin sheegi karaa in dedaalka mashruuca caafimaadka indhaha ee Manhal inuu yahay mid looga yimaad dalalka Geeska Afrika oo dhan, waxana mandaqadda ugu horreeya dhinaca indhaha Cisbitaalka Manhal," ayuu yidhi Mr. Carab.

 

Madaxa mashruuca tababarka dhakhaatiirta Mr. Maxamed Ibraahim, ayaa isaguna si weyn ugu mahadceliyey hay’adda Manhal oo uu sheegay inay dedaalka weyn u gashay sidii loo hirgelin lahaa tababarkan oo lagu baranayey habka loogu shaqeeyo mishiinka lagu baadho uur-ku-jirta oo ah mid baahi weyn loo qaybay.

 

Waxa kaloo uu ammaan ballaadhan u jeediyey dhakhaatiirta qallin-jebiyey oo uu tilmaamay inay ahaayeen dad xul ah oo waayo-aragnimo caafimaad oo hore lahaa, waxaanu ku boorriyay in aqoontii ay korodhsadeen ugu adeegaan bulshadooda.

 

"Waxa tababarkan waxa loo qabtay waxa baahi weyn looga qabaa xarumaha caafimaadka ee dalka mishiinkan uur-ku jirta (Altra Sound) waxa darruuri ah in mishiinkan loo baahan yahay in loo helo dad u dhashay dalka oo ku shaqayn kara ugu yaraan goob kasta hal qof, ilaahay mahadii wuu guulaystay tababarkani waxa ka soo baxay midho fiican, waxaanan ku ammaanayaa hay’adda Manhal oo la garab taagnayd wax kasta oo tababarkani u baahnaa," ayuu yidhi Maxamed Ibraahim.

 

Xidhiidhiyaha mashruuca ka hortaga Indho la’aanta ee WHO Dr. Xanaan Choudhury oo ka hadlay xafladdaas, ayaa sheegay in hay’addiisu cisbitaalka Manhal kala shaqeyso sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga ka hortafga indho la’aanta ee ay ku hawlan yihiin, waxaannu sheegay inay sii wadayaan iskaashiga shaqo ee ka dhexeeya hay’adda Manhal.

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Md. Mahdi Cismaan Buuri oo isagu munaasibadda soo gunaanaday, ayaa aad u soo dhaweeyay dhakhaatiirta tababarka dhammaystay, waxaannu u soo jeediyay inay dalkooda u shaqeeyaan.

 

Afro-Asian xaruntiisan magaalada Hargeysa waa farac ka mid ah machadka caalamiga ee Afro-Asian Medical Science oo saldhiggiisu yahay dalka Pakistan.

 

Oodweynenes.cm/Hargeysa Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this