Sign in to follow this  
General Duke

Somali news: Sharif Xasan Osman Ato arrive in Baidoa.

Recommended Posts

Gudoomiyaha Barlamanka iyo wafdigii uu hogaaminayey oo gaaray Baydhabo

 

 

waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay goor dhawayd soo gaaray Gudoomiyha Barlamanka Soomaliya Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigii

 

uu hogaaminayey ,ayna ka mid yihiin wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cismaan Xasan Caato,wasiirka gaadidka cirka iyo dhulka Ibraahim Kiish Buur,

 

wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyin ka tirsan labada gole ee DFKKMS ,kuwaas oo qaarkod iyaga laftigoodu dhowaan soo gaaray

 

magaalada Baydhabo,iyo dadweyne aad u farabadan kuwaas oo muddo dhawr cisho ah ku guda jiray tabaabushaha soo dhawaynta gudoomiyaha iyo wafdigisa

 

Sharifka iyo wafdigisa ayaa waxaa ay maanta ka soo duuleen magaalada Nairobi ee caasimada Kenya

halkas oo isaga iyo madaxweyne Cabdilahi aykaga

 

dhawaaqeen go'aankodii la xiriiray in shirka barlamanka ee loo dhan yahay in 26 bishan lagu qabto magaalada Baydhabo,

 

wixii warar ah oo soo kordha isha ku hay Horseednet.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Latest pictures from BAYDHABO JANNAAY

 

shariifka%20oo%20diyaarada%20ka%20soo%20

 

shariif,sheekh%20adan%20iyo%20xaabsade.j

sawirka%20shariif%20xasan%20baydhabo.jpg

reer%20baydhabo%20oo%20Cabdilahi%20Yusuf

 

ps: One thing I like about Waagacussub and Dayniile is they bring the latest from Somalia, like it or hate it smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

ps: One thing I like about Waagacussub and Dayniile is they bring the latest from Somalia, like it or hate it
smile.gif

Nuune, waagacusub.com sometimes its pictures are as bililiqo as its sometimes questionable amateurish articles and unsubstantiated reports from "waxaa la dhahay" sources. But dayniile.com is a bit different, they don't at least steal others pictures.

 

Those latest pictures you posted were originally posted on baidoa.com

 

Anyway, a few more pictures.

 

IMAG0012.JPG

 

gaduudow%20102.jpg

 

gaduudow%20122.jpg

 

gaduudow%20184.jpg

 

shb2.jpg

 

gaduudow%20171.jpg

 

gaduudow%20050.jpg

I like meeshee ciyaalka ku kor fadhiyaan, xidigta. Beautiful.

 

Sawiro kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Nice pics indeed. More news concerning Baidoa.

 

Wefdi xildhibaano iyo wasiiro jowhar katagay oo baydhobo gaarey

 

Febraayo 8, 2006 Markacadeey.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

Wefdigaan oo isugu jira wasiiro, wasiiro kuxigeen iyo xildhibaano ayaa waxaa horkacayey wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka mr. Cabdala Deerow *****

 

Wefdigaan oo si weyn loogu soo dhaweeyay gegida dayaaradaha baydhabo ayaa Waxay kasoo kictameen magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe ayagoo sida ay sheegeena hordhac ay uyihiin kulanka baarlamaanka oo 26ka February ka furmi doona magaaladaan.

 

Wefdigaan oo tira ahaan ka koobnaa ilaa 13 xubnood ayaa markii ay baydhabo soo gaareen waxaa ladajiyay hotelka Al qudus oo iyagu loo diyaariyay maalmo kahor

 

Imaashaha wefdigaan oo shalay kadib makii uu baydhabo soo gaarey gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan lashaaciyaay in maanta ay baydhabo soo gaarayaa wefdi jowhar ka imaanaya ayaa hadana maanta dadka reer baydhabo waxay kunoqotay filan waa oo waxayba soo caga dhigatay dayaaradii wefdigaasi siday abaarihii halkii saac oo inta badan dadkuna ay ahaayeen kuwo daalanaa oo guryahooda iska joogeen.

 

Xubnaha baydhabo soogaaray saakay ayaa waxaa kamid ah

 

1. W.dastuurka & arimaha federaalka Cabdala deerow isxaaq

 

2. w.dib uheshiisiinta iyo xiriirka jaaliyadaha sheekh adan sheekh madeer

 

3. w. tamarta maxamed nuuraani bakar

 

4. w/k. owqaafta iyo diinta cali sheekh maxamed

 

5. w/k. batroolka madoowe nuunow maxamed

 

6. w/k. dhaqan celinta maleeshiyooyinka ***** yacquub (Geescade)

 

7. kuxigeenka nidaamiyaha baarlamaanka Axmed cabdi cumar iyo cabdulaahi cabdi garuun oo isna ah wasiir ku xigeen iyo kuwo kale

 

guud ahaanba dadka ree baydhabo waxay ku howlan yihiin maalmahaan sidii ay ugu dhabeen lahaayeen in magaaladaan ay diyaar utahay ayada iyo shacbigeeda soo dhaweenta dowlada federaalka laamaheeda kala duwan ayadoo bilicda iyo amaanka magaaladuna uu aad u heersareeyo

 

 

 

 

 

Abshir maxamed nuur (mandeela)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Nice pictures indeed! I always liked Baydhabo it's a beautiful city, maashaallaah! Hopefully the residents of that city can pacify it. Ameen Inshallah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nuune, waagacusub.com sometimes its pictures are as bililiqo as its sometimes questionable amateurish articles and unsubstantiated reports from "waxaa la dhahay" sources. But dayniile.com is a bit different, they don't at least steal others pictures.

MMA, sxb I have noticed that too, I wouldn't compare the two sites waagacussub and dayniile, meesha wax fayyoow ma jiro gabi ahaanba, this steal and run thing is very common in most Somali Websites.

 

But I like Baidao.com, they got cool songs in Maay Language, Mohmed Ahmed Qomal is not caadi, he got classic music

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this