Sign in to follow this  
General Duke

AU security chief meets President , PM Speaker in Mogadishu....

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxa nabadgelyada iyo amaanka Midowga Africa oo Muqdisho wada hadalo kula yeeshay madaxda ugu sareysa dowladda.

 

20. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Madaxa nabadgelyada iyo golaha amaanka ee Midowga Afrika Saciid Dijinet iyo Madaxa howlgalada ururkaaasi ayaa maanta safar aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xarunta Madaxtooyada kula shiray Madaxweynaha dowladda KMG, Rai'iisul Wasaare Geeddi iyo afhayeenka Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe.

 

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada ciidamada Midowga Afrika iyo tan nabadgelyo ee ka jirta magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in wafdigan ay arrimo dhowr ah ay ka wada hadleen Madaxweyne Yuusuf, Prof. Geeddi iyo afhayeenka Baarlamaanka, iyagoo isla soo qaaday xaaladda amni ee gobolka Banaadir iyo sidii dalka loo keeni lahaa ciidamada Midowga Afrika ee harsan, waxayna labada dhinac ay isla garteen in la soo dedejiyo keenista ciidamada kale ee harsan.

 

Arrimihii ay isla garteen wafdiga iyo dowladda KMG ah ayaa waxaa loo xil saaray in Wasaaradda gaashaandhiga dowladda KMG ah maadaama arrimo ciidan ay yihiin arimihii ugu waaweynaa ee ay labada dhinac ka wada hadleen.

 

Wafdigan ayaa kormeero ku soo kala bixiyay xarumaha ay degan yihiin ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan Ciidamada Ugandha oo qeybtii ugu horeysay dalka soo gaaray, waxayna wafdigan markii ay ujeedadoodii dhameysteen ay dib ugu laabteen dalka Itoobiya.

 

Kulankan oo aan wax faah faahin ah laga bixin ayaa waxaa uu ahaa mid aan saxaafadda gudaha iyo dibada intaba aysan ka war heyn imaanshahooda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I will try to dig up pics sxb. I think ****** ubahnee is scatching his head. Isn't Abdullahi supposed to be dead? According to ******* ubahnee he is.

______________

 

The guy has a username, use it if you want to respond instead of twisting to insult.

 

[ March 21, 2007, 01:11 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this