Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland troops arrest masjid Salahudin Imaam

Recommended Posts

Ciidanka Sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PIS-ta ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku xirey labo nin oo wadaad ah gelinkii danbe ee shalay,iyadoo habeenimadii xalay uu halkaas ka dhacay mudaharaad looga soo horjeeday xariga wadaadadas.

 

Labada qof ee la xirey ayaa waxaa ku jirey imaamka Masaajidka Salaaxudiin oo lagu magacaabo Sheikh Ismaaciil Khaliif Mire,waxaana uu xilligaan ku jira xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

 

Mudaharaad socday mudo kooban ayaa isla habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada,waxaana dhigaayay dadweyne ka careysnaa xariga loo geystay wadaadadan ayadoo markii danbana uu isku bedelay banaanbaxa mid rabshado ah kadib markii dadka mudaaharadayay ay dhagxaan ku tureen Saldhiga Booliska bartamaha.

 

Ciidanka Booliska ayaa rasaas ku furey dadka si ay u kala ceyriyaan,waxaana mudo yar kooban kadib istaagay mudaharaadka.

 

Lama yaqaano sababta ka danbeysa xariga labada wadaad oo mid kamid ah dhaawac soo gaarey xilliga la xiraayay,iyadoo lagu dabiibaayo Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

 

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ah mid degan,mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay dhacdadaan.

 

Horseed Media

 

Categories: Puntland, Somali News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

I read the story this morning, this case has been developing for weeks now. Do you have any commentary on this issue? And what's the mood in Galkacyo, will the residents forget and move on or will there be further chaos like in Awdal recently? Despite my location, I'm not reer Mudug lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's a security issue, no one is above the law and this Imaam if I am not mistaken made some weird comments a while back. The mood in the city is calm from what I hear but we shall see how things develop.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada PISta Dawlada Puntland Oo Xabsiga Dhigay Shiikh Cismaacil Khaliif Mire.

Posted by Ali on September 20th, 2010

 

Galkacyo(Puntlandi.com)= Magaalada Galkacyo ayaa waxaa laga dareemayaa xaalada kacsanaan markii ciidamada sirdoonka Dawlada puntland gacanta ku dhigeen shiikh Cismaacil Khaliif Mir oo ahaa iimaamkii masjidka Salaaxu diin.

Qabashada wadadka kadib ayaa waxaa bilawsay rabshado ay sameeyeen ehelada wadaadka kuwaa oo ay ugu soo horjeeden xariga wadaadka.

Gudaha magaalada ayaa waxaa soo gaaray ciidamo dheeraadaa kuwaa oo loogu talagalay in ay ka hortagaan rabshado magaalada ka dhaca.

 

Ali Ahmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is he being linked with alshabaab or is it just allegations and is he from south galkacyo or north galkacyo, what are the weird comments is he against the puntland administration or did he openly support attam?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammada sirdoonka Puntland oo Gaalkacyo ku xiray labo wadaad iyo mudaharaadyo looga horjeedo oo dhacay

 

Isniin, September 20, 2010 (HOL) − Mudahaaradkan ayaa socday mudo saacad ku dhow ,waxaana uu yimid ka dib markii ciidamada sirdoonka Puntland ay xabsiga u taxaabeen labo ka mid ah culumada ugu caansan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Labada wadaad ee la xiray ayaa mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaaa Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire ,kaasi oo imaam ka ahaa masaajidka Salaaxudiin ee Galkacyo.

 

"Boliska waxey xireen labadaan wadaad oo u dhashay degmada ,lamana yaqaan waxa loo haysto ilaa iyo hada " ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadkii ka qayb galay mudharaadka oo HOL la hadlay.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegay in ciidanka ay dhaawac u gaysteen mid ka mid ah labada wadaad,kaasi oo hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo cistbitalka degmada.

 

Ciidanka ayaa rasaas ku furay dad badan oo isugu soo baxay afka hore ee saldhiga si ay u kala cayriyaan,waxaana dadka ay ka caraysnaayeen xariga ka dhacay halkaasi.

 

"Waxaa jira dad ku waxyeeloobay mudaharaadkii xalay ,waxaana mudaharaadku u socday mudo ku dhow hal saac " ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed.

 

Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay maamulka oo la xiriira xariga labadan wadaad,waxaana mudaharaadkan uu ahaa mid saamayn ku yeshay degmada intii uu socday,inkastoo xaalada ay dagantahay maanta.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso,Soomsaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Boliska waxey xireen labadaan wadaad oo u dhashay degmada ,lamana yaqaan waxa loo haysto ilaa iyo hada " ayuu yiri Maxamed Cali oo ka mid ah dadkii ka qayb galay mudharaadka oo HOL la hadlay.

Well no one really knows why they are arrested I did not say wadaads are above the law but they do have rights like every citizen of your clan state , or does the pis just arrest random people just for the sake of the security :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I am not sure why you are making so much noise? We live I. The toughest Spmali neighbourhood and not afraid to deal with tough issues head on. Unlike some who bark loud but have no bite. Go set up the navy ya secessionist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

...and is he from south galkacyo or north galkacyo,

^

Produce of a diseased mind.

 

Xaaji, why does it matter where in Galkacyo they are from, or for that matter, where in the world they are from?

 

Qaadka calool maran loogu fariisto dhibaatadaan oo kale ayuu leeyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just wondering galkacyo is so diverse you know anything is possible these days in a city of two regional clan states.

 

Mr Somalia ma mirqaan baad u bahnayd I bet si fiican ba loogu mirqaama in galkacyo Miyanay jabbanayn reer mudugu. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this