Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

War deg deg ah!! Jowhar..........

Recommended Posts

War deg deg ah!! Jowhar; Qaar kamid ah wakiillada wasiirada arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD oo Gaaray Jowhar.

 

- Monday, November 28, 2005 at 16:52

 

Jowhar(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhawayd soo gaareen xubno isugu jira wasiiro iyo wakiillo ka socda dalalka urur goboleedka IGAD.

 

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dawladaha arimaha dibadda dalka Itoobiya Taladha Aludu , waxaana kamid ah safiirka dawladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo wakiil ka ah wasiirka arimaha dibadda Kenya maadaama la kala diray golihii wasiirada dalka Kenya .

 

Waxaa kaloo wafdigan ka mid ah safiirka Uganda iyo marti sharaf kaleeto ,maalinta bari ah ayaa la filayaa inay yimaadaan wakiilladii ka socday dalalka Ereteria iyo Suudaan .

 

Maalinta bari ahna waxaa sidoo kale la rajaynayaa inuu qabsoomo shirkii wasiirada arimaha dibadda uga furmi lahaa magaalada Jowahr ee looga hadli lahaa arimaha ay kamid yihiin horumarinta iyo gacan qabashada dalka Soomaaliya.

 

Wafdigan waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Jowhar wasiirka arimaha dibadda dalka Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiiru dawlaha arimaha dibadda Ibraahim Jeebbo iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Dheere.

 

Dad wayne aad u fara badan oo lalminayay calamada 7da dal ee ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa illamaa iyo maanta tubnaa laga bilaabo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo bartamaha magaalada Jowhar.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha wufuudda urur goboleedka IGAD kala soco AllPuntland.

 

CCC Farayaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar kamid ah wakiillada wasiirada arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD oo hordhac ah ayaa Gaaray Magaalada Jowhar.ee caasimada ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed.

 

167.jpg

 

-Posted to the Web Nov 28, 11:13

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhawayd soo gaareen xubno isugu jira wasiiro iyo wakiillo ka socda dalalka urur goboleedka IGAD.

 

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dawladaha arimaha dibadda dalka Itoobiya Taladha Aludu , waxaana kamid ah safiirka dawladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo wakiil ka ah wasiirka arimaha dibadda Kenya maadaama la kala diray golihii wasiirada dalka Kenya .

 

 

Waxaa kaloo wafdigan ka mid ah safiirka Uganda iyo marti sharaf kaleeto ,maalinta bari ah ayaa la filayaa inay yimaadaan wakiilladii ka socday dalalka Ereteria iyo Suudaan .

 

 

Maalinta bari ahna waxaa sidoo kale la rajaynayaa inuu qabsoomo shirkii wasiirada arimaha dibadda uga furmi lahaa magaalada Jowahr ee looga hadli lahaa arimaha ay kamid yihiin horumarinta iyo gacan qabashada dalka Soomaaliya.

 

 

Wafdigan waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Jowhar wasiirka arimaha dibadda dalka Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiiru dawlaha arimaha dibadda Ibraahim Jeebbo iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Dheere.

 

 

Dad wayne aad u fara badan oo lalminayay calamada 7da dal ee ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa illamaa iyo maanta tubnaa laga bilaabo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo bartamaha magaalada Jowhar.

 

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha wufuudda urur goboleedka IGAD kala soco Idamaale.com

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

wardegdega.gif

 

Wasiiro iyo wufuud Ka Socota IGAD oo Jawhar Imanaya!!!

 

(Jawhar}28.11-05 Wafdi ka socda wasiirada arimaha dibada ee wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ku soo jeeda magaalda Jawhar.....

 

xubnaha sida rasmiga ah loo shaaciyey inay imaanayaan magaalada Jawhar ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada ee wadanka Itoobiya Siyuum Musfin, iyadoo wasiiro kalena la filayo inay maanta yimaadaan magaalada Jawhar.

 

Socdaalkan wafuudan ka socota IGAD ayaa waxay tahay iyadoo lagu wado in maalinimada beri ah halkaasi lagu qabto kulanka wasiirada arimaha dibada ee wadamada IGAD.

 

war fidiyeenada halkaa haatan ku sugan , ayaa soo sheegaya in halkaasi ay ku sugan yihiin xubno aad u fara badan oo ka socda DFKMG ah, Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe iyo waliba dadweyne aad u fara badan, waxaana garoonka la surey calamada wadamada IGAD ee todobada ah.

 

Widhwidh Online...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafuud ka socota Itoobiya iyo Kenya oo maanta yimid Jawhar.

 

Jawhar- 28.November.2005 Wafdi ka socda wasiirada arimaha dibada ee wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ku soo jeeda magaalda Jawhar.

 

seyume5.gif

 

xubnaha sida rasmiga ah loo shaaciyey inay imaanayaan magaalada Jawhar ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada ee wadanka Itoobiya Siyuum Musfin, iyadoo wasiiro kalena la filayo inay maanta yimaadaan magaalada Jawhar.

 

 

wafdi4.jpg

 

wafdi.jpg

 

Socdaalkan wafuudan ka socota IGAD ayaa waxay tahay iyadoo lagu wado in maalinimada beri ah halkaasi lagu qabto kulanka wasiirada arimaha dibada ee wadamada IGAD.

 

wafdi.jpg

 

Wariyaha SBC ee magaalada Jawhar Axmed Xasan Mahad oo haatan ku sugan magaalada Jawhar ayaa soo sheegaya in halkaasi ay ku sugan yihiin xubno aad u fara badan oo ka socda DFKMG ah, Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe iyo waliba dadweyne aad u fara badan, waxaana garoonka la surey calamada wadamada IGAD ee todobada ah.

 

wafdi3.jpg

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Madax darajadooda hooseyso oo yimid magaalada Jowhar kadib markii ay isku aminiwayeen madaxdii sar sare ee urur goboledyka Igad

 

Waxaa maanta siweyn looga sugaayey in ay ka soo dagaan eraboorka Jowhar wasiirada arimaha dibada Igada tasoo markii danbe laga wayey diyaradii keentay iyagoo ay ka soo dageen markii danbe koox darajadooda hooseyso kuwaas uu hogaaminaayey wasiira dowlaha arimaha dibada Itoobiya Taladha Aludu ,Safiirada Kenya ee arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo safiir dalka Ugaandha u fadhiyo dalka Kenya.

 

Waxaana soo xadirin wax masuul ahana u soo dirsan dowladaha Jabuuti, Eratareya iyo Sudaan .

 

Xubnaha labada gole ee Jowhar ayaa waji kabaxii labaad ku dhacay kadib markii ay rabeen in ay u dhigaan dhoolatus siyaasadeed garabka kale ay siyaasad ahaan isaga soo horjedaan ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oh everything was going so well and you have to ruin it for me with your garbage. Couldn't you post it as a new topic.

 

Now there is a grey cloud hanging around my thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafuuda IGAD oo ku soo qul qulaya magaalada Jowhar.

 

 

 

Jowhar

 

Diyaarad khas ah oo siday Wafdi uu hogaaminayo wasiiru dowlaha arimaha dibada dalka Etiopía Atto Takadha Alamu ayaa maanta abaarihii 5:15pm soo gaaray magaalada Jowhar.

 

Mudo 15daqiiqo ka dib ayaa markale waxaa soo caga dhigatay diyaarad ka timi dalka Kenya oo siday wafdi balaaran oo isagu jiray dalalka Kenya iyo Uganda oo ay kala hogaaminayeen Embazador Maxamed Cabdi Afey iyo safiirka Uganda ee dalka somalia.

 

Waxaa wafdiga kenya ka yimi ka mid ahaa safiirka Midowga Afrika u fadhiya somalia Embazador Kamoso, wafuudaani ayaa waxa ay u yimaadeen shir ka dhici doona maalinta berito ah magaalada Jowhar oo loogu talo galay dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

 

Hadaba waxaa halkaasi kusoo dhaweyey madax katirsan DFKMG ee Somalia oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil iyo maamulka G.Sh.Dhexe shacabkooda iyo madaxdiisa oo uu horkacayey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

 

Soo dhayantaani ayaa waxaa ka qayb galay ardayda dugsiyada iyo dhamaan dadweynaha reer Jowhar jawigana waxa uu ahaa mid aad u heer sareeyey iyadoo ay haweenka soomaaliyeed halkaasi ka qaadayeen heeso soo dhawayn ah, halka dhalinyarada Hidaha iyo dhaqankana ay cayaaro kusoo bandhigayeen.

 

Wafuudaani marka ay yimaadeen ka dib ayaa waxaa loo galbiyey magaalada Jowhar oo garoonka u jirta qiyaastii ilaa 16km, waxa ay toos u abaareen guriga Ra´iisul wasaaraha halkaasoo ay casho ku lahaayeen.

 

Berito ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan dalalka Sudan iyo Djabuti halka dalka Eratariya uu ka cudur daartay ka qayb galka shirka IGAD oo ka dhacayo magaalada Jowhar.

 

Waxaa la filayey inay yimaadaan wasiiro arimo dibadeedyada dalalka ku jira IGAD balse aysan imaan iyadoo dalka Kenyana aanan lahayn wasiirka arimaha dibada maadaama uu kala diray madaxweynahooda.

 

Ethoopiyan Airline oo ahayd diyaaradii siday wafdiga dowlada Itoobiya ayaa ah markii ugu horeeysay mudo ka badan 15sanno inay soo caga dhigato dalka somalia iyadoo xubno ka mid ah dowlada federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ku eedeeyeen dowlada itoobiya inay hub iyo saanad milateri siiso dowlada federaalka ee xarunta u ah magaalada Jowhar.

 

Dowlada Etoopiya ayaa iska fogeeysay eedaymahaasi looso jeediyey kuna tilmaantay mid xaqiiqda ka fog, waxayna sheegeen in somalia ay yihiin dal diris la ah oo ay saaxiibo yihiin.

 

Tan iyo markii dowlada lagu soo yagleelay dalka Kenya ayaa waxaa soo baxay inay saaxiib yihiin dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdulaahi Yuusuf iyo dowlada Itoopiya oo ay dhawaana qodobo dhawr ah kala saxiixdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Qaybtii dhimanayd wufuuddii urur goboleedka IGAD oo saaka yimid Jowhar.

- Tuesday, November 29, 2005 at 09:36

 

Jowahr(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay saaka halkaasi kasoo dageen wufuud uu kamid yahay wasiirka arimaha dibadda dalka Jabouti Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin ka socota dalalka Ereteria iyo Suudaan.

 

Wasiirka warfaafinta dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa saaka noo shegay in dhammaanba wufuuddii la sugayay ay soo gaareen magaalada Jowhar , shirkuna uu bilaabanayo.

 

Md: Xayir wuxuu kaloo noo sheegay in wafdiga saaka soo gaaray magaalada Jowhar uu kamid yahay ergayga gaarka ah ee xogayaha guud ee qaramad midoobay u magacaabay arimaha Soomaailya Francios Fall oo ka qayb galaya shirka urur goboleedka IGAD.

 

Wasiirka warfaafinta wuxuu kaloo sheegay in shirkaan looga hadli doono dibna loogu eegi doono wixii u qabsoomay DFKGS iyo baahida hortaalla ee ay kamid tahay hub ka dhigista iyo dib u dhiska dalka.

 

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisoo kala ah oo ka dhaca dalka Soomaaliya tan iyo intii ay bur burtay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

 

Shirkii ugu danbeeyay ee ay yeeshaan wasiirada arimaha dibadda IGAD wuxuu ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya , waxaana lagu falan qeeyay arimaha kusaabsan hub ka dhigista.

 

Shirkan ayaa qodobada lagu soo qaadi doono waxaa kamid ah sidii urur goboleedka IGAD ay u bilaabi lahayd qorshe kusaabsan nabadaynta dalka iyo hub ka dhigista malleeshiyaadka hubaysan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwii ugu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxaana si rasmi ah u furmay shirkii Wasiirada arimaha Dibada ee IGAD.

Posted to the Web Nov 29, 07:02

 

 

Diblumaasiyiintan ayaa waxay isugu jiraan wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD iyo wadamada daneeya arimaah Soomaaliya.

 

Wafdigan soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasadir Francois Lonseny Fall, Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga ee wadanka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf, wasiirka dawlaha dalka Ugandha, danjiraha Talyaaniga ee arimaha Soomaaliya Mario Reveli, Danjiraha Xukuumada Ingiriiska ee wadanka Kenya Devid Bell, Ambasadoer Ahmed oo ka socdey Xukuumada Yamen, Mr.Eric oo ka socdey midowga Yurub, Max’ed Cali Form oo ka socdey midowga Afrika gaar ahaan xafiiska qaabilsan arimaha Soomaaliya, Amb.Bathel Abdow Kiplaget oo ahaa gudoomiyihii shirkii Soomaalida ee lagu qabtey dalka Kenya, iyo xubno ka socdey wadamada Suudaan iyo Eretareeya.

 

Sarakan xubnahan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kulanka maanta ka furmay magaalada Jawhar ee ay yeelanayaan wadamada urur goboleedka IGAD.

 

Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwuu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

 

 

Waxaa lagu tilmaami karaa Dawlada Soomaaliya u dhalatay waxay heshay aqoonsi caalami ah, Wasaarada arimaha dibada ee Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay iyaguna ku dhawaaqeen in ay siyaasadoodii Soomaaliya ay wax ka badalayaa wakhti dhowna ay qoraal ka soo saari doonaan.

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ambasador Francois Lonseny Fall ayaa lagu wadaa In saacadaha Soo socda uu u duulo Dalka Somaaliya

Somaliweyn -Nairobi-Kenya- 29/11/05

 

 

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasador Francois Lonseny Fall ayaa lagu wadaa In saacadaha Soo socda uu u duulo Dalka Somaaliya Gaar ahaan Magaalada Jawhar.¨

 

Francois Lonseny Fall wuxa uu sheegay in u aad ugu faraxsan yahay Kulanka Kadhacaaya Magaalada jawhar ee ay yelanayaan Urur Goboleed ka IGada waxa kaloo u sheegay Fall lagu tilaami karo Kulankaas mid muhiim u ah oo looga hadlaayo xaalada Soomaaliya isagoo xusey Mr fall inaanay jirin urur ama koox si gaar ay u saaran tahay masuuliyada Soomaaliya, balse wuxuu qirey in wadamada urur goboleedka IGAD si weyn loogu mahadcelinayo dadaalkoodii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka soo bilaabey Eldoret ilaa iyo Mbgati.

 

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasador Francois Lonseny Fall wuxuu intaasi ku darey in wadamada IGAD ay si gaar ugu dhuundaloolaan Soomaaliya ayna leeyihiin masuuliyaad gaar ah taasi oo uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ku sii taageeri doonto sidii ay u fuli lahaayeen masuuliyadahaas ayna ku dadaalayaan Sidii Somaali Loo nab dayn lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladaha Somalia Iyo Ethiopia Oo Heshiis Rasmi Ah Kala Saxiixday.

 

Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 29/11/05

 

Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa gaaray heshiis rasmi ah oo ay wada saxiixen Wasiirka Arimaha Dibada dfkmg Somalia Cabdulaahi shiikh Ismaaciil iyo wasiiru dowlaha dalka Ethiopia Dr. Takedha Alemu shirkaani oo ka dhacay hoolka wayn ee loogu talogalay inay ku shiraan IGAD ee magaalada Jowhar.

 

Somalia_itobiya_heshiis.jpg

 

Labada wasiir qalinka ku duugay dhowr qodob ah oo kala ahaa Siyaasada, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada, ilaalinta Xuduudaha, Sayniska Bankiyada, Dhaqanka iyo Amaanka.

Shirkaani ayaa daba socday shir ay yeesheen labada dal oo hordhac ahaa oo maanta lasoo af jaray, hadaba waxaa maanta lagu wadaa in uu bilaawdo shirkii IGAD oo maanta ay soo gaarayeen qaarkii maqna iyadoo la filayo inay soo galaan iyadoo dhawaana ay yimaadeen wafuud ka socota dalka Djabouti.

 

Qaar ka tirsan xubnaha dowlada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer ku eedeeyey inay cadaw ku yihiin Dowlada Ethiopia islamarkaana ay hub iyo saanad milatery siiyaan dfkmg ku sugan magaalada Jowhar.

 

 

Somalia_itobiya_heshiis1.jpg

 

Dowlada Ethiopia ayaa iska fogeeysay eedeeynta ay usoo jeediyeen qaar ka tirsan wasiirada iyo xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

Somalia_itobiya_heshiis2.jpg

Somalia_itobiya_heshiis3.jpg

Somalia_itobiya_heshiis5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diblumasiyiintii ugu badneyd oo maanta soo gaarey Jawhar!!!

 

igad_jaw2.jpg

 

Jawhar- 29.November.2005

 

Wafuud kala duwan oo ka socotey beesha caalamka ayaa maanta soo gaarey magaalada Jawhar kuwaasi oo lagu tilmaameyinay

diblumaasiyiintii ugu badneyd ee abid soo gaarta magaalada Jawhar.

 

Diblumaasiyiintan ayaa waxay isugu jiraan wadamada ku jira urur Goboleedka IGAD iyo wadamada daneeya arimaah Soomaaliya.

 

Wafdigan soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Ambasadir Francois Lonseny Fall, Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga ee wadanka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf, wasiirka dawlaha dalka Ugandha, danjiraha Talyaaniga ee arimaha Soomaaliya Mario Reveli, Danjiraha Xukuumada Ingiriiska ee wadanka Kenya Devid Bell, Ambasadoer Ahmed oo ka socdey Xukuumada Yamen, Mr.Eric oo ka socdey midowga Yurub, Max’ed Cali Form oo ka socdey midowga Afrika gaar ahaan xafiiska qaabilsan arimaha Soomaaliya, Amb.Bathel Abdow Kiplaget oo ahaa gudoomiyihii shirkii Soomaalida ee lagu qabtey dalka Kenya, iyo xubno ka socdey wadamada Suudaan iyo Eretareeya.

 

Sarakan xubnahan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kulanka maanta ka furmay magaalada Jawhar ee ay yeelanayaan wadamada urur goboleedka IGAD.

 

Diblumaasiyiintan maanta soo gaarey magaalada Jawhar ayaa waxaa lagu tilmaamey inay yihiin kuwuu badnaa ee Soomaaliya yimaada tan iyo burburkii xukuumadii dhexe Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

 

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this