Sign in to follow this  
Biixi

Maxkamadaha oo ku soo jeestay hogaamiye Kooxeedka Indhacadde iyo Shirkadda Banaadir

Recommended Posts

Biixi   

Waxaa laga yaabaa inuu qoraalkan run aheyn, maadaama uu meel kaliya ku qoran yahay...

 

********************

 

Maxkamadaha oo ku soo jeestay hogaamiye Kooxeedka Indhacadde iyo Shirkadda Banaadir

Posted to the MOL July 18, 2006, 9:59 am

 

 

Waa Tilaabo Muhiima oo Mugdigii laga qabay Fikirka Maxkamadaha ka saaraysa meesha ayey leeyihiin Bulsho waynta soomaaliyeed Tilaabada kasoo baxday Midowga Maxaakimta Islaamiga ah ayaa baaqay in hubka iyo awoodda millatari laga wareejiyo Sh Yuusuf Siyaad (Indho Cadde) iyo Shirkadda Banaadir ee uu Madaxda kayahay Alxaaji Abuukar Alcaddaani.

 

 

Hadalkaan oo kasoo yeeray Guddiga Fulinta ee Maamulka Maxaakimta, uuna horkacayo Mudane Shariif Axmed ayaa waxaa lagu wargaliyey Xubnahaasi inay hubkooda iyo Maamulka deegaanka ay gacanta ku hayaan kuso wareejiyaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ah, Maadaama aysan Gobolka ka talin karin Gacmo badan oo aan is lahayn.

 

 

Indhacadde ayaa xubin wayn ka ahaa dagaalkii Maxkamaduhu lagaleen isbahaysigii “ladagaalanka Argagaxisada iyo soo ceelinta nabaddaâ€. Sheekh Indhacade ayaa horay meesha uga saaray inuu isagu yahay hogaamiye kooxeed. balse bulsho waynta Soomaaliyeed in badan oo kamida ayaa beeniyey fikirka Sh Siyad, waxayna aaminsanaayeen inuu yahay shakhsi aan ka duwanayn hogaamiyayaashii talada laga tuuray, ayadoo ay intaa usii dheertahay inuu xoog ku maamulo deegaan uusan lahayn. Sumcad xumada Sheekh Indhacade oo loo arko inuu xoog ku xukumo deegaan usual kasoo jeedin ayaa dhaawac kunoqotay Maxkamadaha Islaamiga ah, waxayna qabaan dad badani in Sh Indhocadde lagu wato qaab qabiil, ayagoo la xiriirinaya madaxda sarsare ee Maamulka Maxkamadaha oo ay Sheekha isku beelyihiin.

 

 

Isku soo duuduuboo waxaa muuqata in talaabadaan hubka iyo talada Gobolka Marka looga xayuubinayo Indhacadde ay Magac iyo Xurmo gaara siinayso Wadaadada Gacanta ku haya Koonfurta Somaaliya, waxayna meesha kasaaraysaa Madmadowgii kujiray hanaanka maxkamaduhu kusocdaan.

 

 

Indhacadde ayaa isaguna dhiciisa soo dhaweeyey hadalka talo ka xayuubinta ah ee kasoo yeeray Maxkamadaha, waxaa kaloo lafilayaa in sidaas oo kale Shirkadda Banaadir oo Maamuli doonta dekadda wayn ee Muqdisho, aysoo dhawayn doonto isla go'aankaas.

 

 

 

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

 

 

Galkacyo,Puntland,Somaliya

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great news, if they fullfill this then the courts will prevail and they will have the support of everyone.

 

The occupation must end..IndaCade must go...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this