Sign in to follow this  
General Duke

Galgaduud: More useless clan fighting between Ahlu Clan Shabaab clan

Recommended Posts

Xarakatul shabaabul Mujaahidiin iyo Ahlu sunna oo Guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhashay Galcad.

 

Ceeldheer,(WNT):-Afh ayeenka Xarakatul shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage(Sheekh Cali dheere)oo Goordhaw shir Jaraa'id u Qabtay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaaladii Maanta ka dhacay degmada Galcad ee Gobolka gal-gaduud.

 

Sheekh Cali dheere ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab la wareegeen Gacan ku haynta degmada Galcad isla markaana kooxihii ka horjeeda ka qabsadeen Hub aad u farabadan sida uu hadalka u dhigay.

 

"allah ayaa Mahada iskaleh Mujaahidiinta gacanta ayay ku dhigeen Degmada Galcad iyaga oo ka qaniimeystay Hub Gaalada AMISOM ugu deeqeen kooxaha ashahaado la dirirka ah ee dagaalka kula jirnay"ayuu yiri sheekh Cali dheere.

 

Sheekh Cali dheere ayaa intaasi ku daray in dagaalada sii wadi doonaan ilaa inta dalka laga sifeynayo kooxaha ka horjeeda.

 

 

Sidoo kalena Afhayeen u hadlay Culuma'udiinka Ahlu sunna oo Lagu Magacaabo Sheekh C/llaahi Sheekh C/raxmaan ayaa dhinaciisa sheegay in guulo wax ku ool ah dagaaladii Maanta ka gaareen.

 

Isaga oo intaasi ku daray in iminka Ciidamadooda gacanta ku hayaan degmada Galcad.

 

Balse warar aynu ka helnay degmada ayaa sheegaya in wali dagaalo ka socanayaan isla markaana si dhab ah loo sheegi karin cida gacanta ku haysa.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Nairobi- Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin oo guulo ka sheegtay dagaal maanta ka dhacay deegaan hoostaga Galgaduud.

Posted: 8/13/2009 2:07:00 PM

Shabelle: DHUUSAMAREEB

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahdiin ayaa guulo kala duwan waxaa ay ka sheegteen dagaal maanta ku dhexmaray deegaan hoostaga Galgaduud.

 

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Qaadi oo Caawa Bahda Warbaahinta shir ja’aaid u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud uu ahaa mid lagu soo qaday ciidamada Maamulkooda.

 

Waxaa uu sheegay Abuu qaadi in dagaalkaasi ay ku dileen sida uu sheegay 23 ka mid ah ciidamadii dagaalka kula jiray islamarkana ay haatan gacanta ku hayaan deegaankii maanta dagaalku uu ka dhacay.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage oo ka hadlay dagaalkii maanta dhexmaray ciidamada dhaq dhaqaaqa Al Shabaab iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Galcad ayaa sheegay in dagaalkaasi dhinacooda ay ku guuleysteen islamarkaana ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

 

Waxaa uu sidoo kale Sheegay Sheekh Cali Dheere in ay hub kala wareegeen sida uu sheegay ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee kula dagaalamay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

 

 

 

Si kastaba ka ahaatee dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Galcad ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn qaasaraaha dhabta ah ee uu geystay sababo la xariira is gaarsiinta deegaankaasi oo aad u liidata,waxaan ajirin ilo madax banaan oo kala xaqiijinaya cida sida rasmiga gacanta ugu heysa deegaankaasi.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo ka socda Tuulo ka tirsan Mazaga-way iyo qeyb ka mid ah Isgaarsiintii Sh/Dhexe oo g'an

Dagaalo xoogan ayaa ka soo cusboonaaday Tuulo ku dhow Deegaanka Mazaga-way ee Gobolka G/gaduud, waxaana dagaalka saameyn ku yeeshay deegaano dhowr ah oo u dhow tuulada lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Galcad.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dhex bilowday Maleeshiyaad deegaanka oo taageersan Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Xarakada Alshabaab oo saaka weerar ku qaaday.

 

Deegaanka lagu dagaalamayo ayaa ah xadka Gobolka Sh/Dhexe uu la wadaago G/gaduud, waxaana Isgaarsiinta qeyb ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe tahay mid hawada ka maqan.

 

Xarakada Alshabaab oo ka dagaal qaaday Degmada Ruunirgood ayaa la sheegay inay Hawada ka saareen Isgaarsiinta Degmadaas oo xiriirisa deegaano dhowr ah oo dhaca G/gaduud sida Mazaga-way iyo Galcad.

 

Ilaa iyo hada waxaa aad u adag qasaaraha rasmiga ee ay geysanayaan dagaalada ku sii baahaya G/gaduud ee u dhaxeeya Ahlu Sunah iyo Shabaabka, waxaana ay ku soo beegmayaan xilli dhowaan dagaal uu ka dhacay Degmada Xeebta ku taal ee Ceeldheer.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this