Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Warlords: Guuxa Todobaadka. Ruunkinet 14/06/03

Recommended Posts

Guuxa Todobaadka. Ruunkinet 14/06/03

 

Cismaan Caato: Haddii Alla idmahayo aniga madaxweyne doonimahayo laakin madaxweynaha Soomaaliya waa in uu aniga talada iga qaataa.

 

Cabdullahi Cosoble: War Qalaad qaska Hiiraan wad hana i sheegin Dubai ayaan kuu fadhiyaa. Haddii aad dhaqaale u baahato ka qaado xafiiska xawilaadda.

 

Cabdullahi Caddow: Waxaan hubaa haddii aniga la'ii doorto madaxweynaha Soomaaliya in ay wax walba hagaagayaan waayo wax badan baan ogahay. War adigu safiir ma rabta? War adiguna guddoomiyaha Bankiga ma rabtaa.. Hadee howsha ila wada.

 

Cabdullahi Yuusuf: Wallee wakhtigii aan talada Soomaaliya qaban lahaa waa la joogaa, ha iska hadleen kuwan kabaha waa weyn iyo kabaha yar yar sheegaya, talo kale ma hayaane. Caasimadda waa in loo raraa Puntland.

 

Cabdiqaasim Salaad: War wiilkan yar siyaasad waxba ka ma ogee, tolow lacagtii Carabta ayaan hayaa Soomaaliduna waa iska FOR SALE ee si fiican iila shaqeeya aniga.

 

Cumar Xaashi: Aniga meeshi dhaqaala leh ayaan ku jiraa, waana dardareynaa ciddii naga hortimaada.

 

Cabdinuur Darmaan: War odaygu waa bakhiil cidna lacag ma siinayo ee kaalaya wax cuna gaaja ayaa idiin dishaye. Ifka Xalane ciyaar mood. Waxa aan soo wada ayaa ka daran, lacagtii Maleesiyana waa timid ee la socda.

 

Jeneraal Cabdda Musse: Arri qad qad! Afmiishaarro xun xun baa isku kayn diray aniga iyo Cabdullahi Yuusuf. Ma barwaaqadan baan weligay filayay in ay i soo mareyso. War lacagtan ma canshuurtii dekedda Boosaasaa mise waa mucaawino dibabda nooga timid.

 

Cabdullahi Faax: Kala daadsanaanta beesha ayaan nagu qasabtay in aan ururro kale ku biirno ee dadkan nagama wanaagsana, nagamana aqoon badna. War guryaha ka soo baxa ee dadka waxa ay fahmeen fahma.

 

Mamamed Sheekh Gacmo Dheere: Haddii Habargedir ka maarantay talada jufada reer Xaaji Saleemaan waxaa noo dan ah in aan wax la qabsanno Cabdullahi Yuusuf. Bal eeg dekaddii aan gacanta ku haynay xitaa taladeeda nalama weydiinayo.

 

Muuse Suudi: Habarteedeey ka tahay qof aan ka kaba weynahay in uusan i xukumeyn ee Kaaraannaan ku sugaa ciddii xoog Xamar ku xukumeysa bal aan aragno.

 

 

Sheekh Adan Madoobe: War madaxnimada wanaagsanaa. Mar horey ayay ahayd in aan Shaatiguduud inqilaabno illeen aqoon yahayan looma baahnee.

 

Generaal Morgan: Wallee mar uun waan xukumi doonaa Kismaayo. Waa in aan garkeyga ku xiirtaa Kismaayo.. Kismaayo .. Kismaayo.. oh Kismaayo.

 

Barre Hiiraale: Waxaa noo dan ah in aan la heshiinno dadka deggan Jubbooyinka waayo waa dad aan hadaf siyaasadeed la hahayn oo aan weli u bisleyn maamulka, hoggaan siyaasadeedna aan lahayn.

 

Xaabsade: Maxaa loo lahaa Baydhabo Jannay, Jannaduba Xamar iyo Madaxtooyada Cabdiqaasim ayay taalaaye.

 

Maxamed Dheere: Muddullood iyo inta ay isku degaanka yihiin waa in aan xoog ku xukumaa jid kastaba aan u maree.

 

Jaamac Cali Jaamac: War ninkii aan dhihi jiray waa dugaag dadka qasha taageerayaasheydii ayuu iga leexsadaye maxaa ii dan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this