Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabab Speaker: there's no quarrel between us

Recommended Posts

Maaddeey   

December 22, 2009 Markacadeey

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh.Cali dheere) Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa si weyn u beeniyay warar maalmahaan danbe si weyn loo hadal hayay kaasoo ku saabsanaa in ururkaasi uu khilaaf soo kal dhaxgalay, islamarkaana ay u kala jabeen laba garab.

 

Afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlaayay idaacada BBC-da ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay warkaasi sheegaya in Al-Shabaab labo koox u kala baxeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in warkaasi ay faafiyeen wax uu ku sheegay kooxda murtidiinta ah oo uu ula jeeday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

"Waxaan taasi u arkaa Tabardardooda iyo beentooda ayay noo sheegeen, ee waxba naga dhimi mayso wararkaas ay faafinayaan, dhamaana maamulada Al-Shabaab waa mid taagan oo shaqeynaya" ayuu mar kale yuiri Sheekh Cali dheere oo sheegay in warkaasi waxba ka jirin islamarkaana uu qeyb ka yahay warar been ah oo uu sheegay inay faafinaayaan Dowladda KMG ah.

 

Sheekh Cali dheere beenintiisa ayaa ku soo aadaysa xilli maalmahaan danbe si weyn warbaahinta qaar ay u hadal hayeen inay Al-shabaab ay labo koox u sii kala baxday, waxaana wararkaasi ay tilmaamayaan in koox lagu magacaabo Milatu Ibraahiim ay ka farcantay ururka Al-shabaab, islamarkaana ay ku dagalameen Degmada Dayniile labadaasi dhinac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by xiinfaniin:

Marba hadday ka jawaabeen, waxbaa jira.

:D Weriyahaa warsaday oo yiri warkaas maxaa ka jira, 'no comment' inuu yiraah miyaad rabi lahayd? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waxa soomalidu sheegto wax unbaa ka jira ninyahow :D

 

Waxaa la leeyahay qolodii wax qarxisay ma jecleysan warkii siyaasadaysnaa ee Cali Dheere sii daayey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this