Sign in to follow this  
Juje

Saciid Tahliil waxaa dilay nimanka wadaadada sheeganaya Nabadoon Axmed Diiriye

Recommended Posts

Juje   

murderdn3.jpg

 

Nabadoon Axmed Diiriye: "Masiibada dalka Soomaaliya heysata waa nimanka wadaadada sheeganaya, Saciid Tahliilna waxaa dilay nimankaas"

 

hornafriksicid1.jpg

 

 

Mugadishu Thursday, 5 February 2009 SMC

 

Magaalada Muqdisho dadka degan ayaa maanta hadal-heyntooda waxay ahayd mid ku saabsan dilalka micno darrada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoona dhiillada ka jirta Muqdisho saakay ahayd mid aad u kacsan oo la dareemayo inuu dhashay kacdoon ka dhan ah kooxaha gacan-ku dhiiglayaasha ah ee jooga Muqdisho.

 

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka hadlay arrimo ku saabsan dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dilalkaasi ay geystaan niman sheeganaya wadaado oo jooga suuqa Bakaaraha.

 

"Bakaaraha Itoobiyaan ma joogo, ciidan Dowladeed ma joogo, Ugaandhees iyo Burundi ma joogaan, waxaa jooga oo dadka leynaya waa nimanka wadaadada sheeganaya" ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye oo ka hadlayay dilkii shalay loo geystay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda HornAfrik marxuum Saciid Tahliil Axmed, wuxuuna sheegay in mas'uuliyada wixii ka dhaca suuqa Bakaaraha ay dusha u ridanayaan nimanka sheeganaya wadaadada bacdamaa aysan dad kale ku sugneyn.

 

Nabadoonka waxaa kale oo uu sheegay in masiibada Soomaaliya heysata ay ugu weyn tahay kooxaha wadaadada, isagoo shaaciyay in dhibaatada Muqdisho ay timid xilligii lixda bilood, "Nabiga NNKH kaddib lama arag wadaado dagaal gala, dhibaatada ugu weyn Soomaaliyana waa raggan sheeganaya wadaadada, Soomaalida waxaan leeyahay ha aragto wadaadadaas oo meel ha uga soo wada jeestaan" ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye.

 

"Soomaaliya maata cadowgeeda ugu weyn waa wadaadada ee ha iska qabteen, ninkay rabaan waa xirayaan, waa dilayaan, iyagoo kahor gaaleysiinaya" ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado caadifadda, isla markaana la raaco waxa ay diinta Islaamka ka qabto.

 

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Imaam Cumar Macallin: "Suuqa Bakaaraha wuxuu noqday kawaanka lagu dilo Muslimiinta"

 

Mugadishu Thursday, 5 February 2009 SMC

 

Iyadoo maalinimadii shalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha lagu dilay Agaasimihii Idaacadda HornAfrik marxuum weriye Saciid Tahliil Axmed, ayaa waxaa maanta Idaacadaha Muqdisho oo iyagu baroor-diiq u sameynaya marxuumkaasi waxay hawada u fureen dhageystayaashooda ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

 

Imaam Cumar Macallin Abuukar oo ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho una soo joogay dhacdooyinka had iyo goor ka dhacaya dalka gudihiisa gaar ahaan falalka ka dhacaya magaalada Muqdisho, isagoo suuqa Bakaaraha ku tilmaamay in lagu dilay shaqsiyaadka muhiimka ah magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyay Agaasimihii Idaacadda HornAfrik Allaha u naxariistee Weriye Saciid Tahliil Axmed.

 

Waxa uu sheegay Imaamka oo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho inuu isagu goob joog u ahaa isla markaasina hortiisa lagu dilay shaqsiyaad muhiim ah oo ay ka mid yihiin Cabaas Maxamed Ducaale Afhayeenkii ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

 

"Horteyda ayaa lagu dilay Allaha u naxariistee Cabaas Maxamed Ducaale oo ahaa ganacsade taakuleyn jiray Muslimiinta Soomaaliyeed" ayuu yiri Imaam Cumar Macallin Abuukar oo dhinaca kale sheegay inay jiraan falal la doonayo in lagu khaarajiyo dadka waxgalka ah ee magaalada Muqdisho degan, isagoo tilmaamay kooxaha dilalka geysta inay diyaariyeen liis ay ku qoran yihiin dad fara badan oo uu sheegay Imaamka inaanu ogeyn xitaa inuu isagu ka mid yahay.

 

"Allaha u naxariistee C/Kariin Sh. Ibraahim oo aniga iga taqwo badnaa muxuu galabsaday oo loo dilay, horteyda ayaa madaxa xabbad looga dhuftay, wuxuu ahaa nin daryeela agoonta iyo dadka masaakiinta ah" ayuu yiri Imaam cumar Macallin oo sheegay in dadka Muqdisho degan ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah gacan-ku dhiiglayaasha baabi'inaya dadka qiimaha ku leh bulshada dhexdeeda.

 

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Abshir Bacadle: "Diinta si xun loo fasiray waxay la mid tahay miino si qaldan loo rakibay, war yaan Weriyayaasha laga dhigan miino baare"

 

Mugadishu Thursday, 5 February 2009 SMC

 

Abwaan Abshir Faarax Nuur (Bacadle) oo ka mid ah Abwaanada Muqdisho ku nool, isla markaasina ay si weyn u yaqaanaan reer Muqdisho ayaa maanta ka hadlay dilka loo geystay Agaasimihii Idaacadda HornAfrik marxuum Weriye Saciid Tahliil Axmed, isagoona marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi ka qeyb qaatay halgankii dalka ka dhacay ee sida uu sheegay looga saaray dalka ciidamada Itoobiyaanka.

 

Isagoo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho, Abwaanka hadaladiisa waxaa laga dareemayay caro uu ka qaaday dilalka loo geysanayo dadka uu ugu horeeyo Weriye Saciid Tahliil Axmed, xilli la joogo markii la guran lahaa miraha halgankii ka dhacay magaalada Muqdisho, lana doonayay in ragga la midka ah Weriye Saciid Tahliil in laga abaal mariyo, isagoo sheegay in sababta uu ku dalbaday inuu ka hadlo dilka Weriye Saciid Tahliil Axmed.

 

"Waxaan doonayaa inaan sheego kuwii ka dambeeyay dilka Weriye Cabdi Tahliil, waa kuwo diinta si xun loogu fasiray, waa khawaarijtii uu Nabiga CSW noo sheegay" ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle oo isagu ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ula socda dhaqdhaqaaqa magaalada Muqdisho.

 

Mar uu ka hadlayay kooxaha dilalka ka geysta magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay Abwaanka in kooxaha gacan-ku dhiiglayaasha ah ay la baxeen magacyo kala duwan, kuwaasi oo ka soo qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga horjeeday Dowladda KMG ah iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

 

"Diinta sida xun loo fasiro waxay la mid tahay miino si qaldan loo rakibay, war yaan Weriyayaasha miino-baare laga dhigan" ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle oo dadka magaalada Muqdisho ugu baaqay inay ka hor tagaan kuwa banneystay dhiigga dadka Muslimiinta ah.

 

"Inta wadaad naga gooyay Gaalo nagama goynin" ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle oo sheegay in suuqa Bakaaraha haatan aanay joogin Itoobiyaan iyo Ugaandhees, balse waxa uu tilmaamay inay ku sugan yihiin kooxo been ka sheegaya diinta Islaamka iyo Kudhaqanka Shareecada Islaamka, "Ninka aan dooranay inuu na hoggaamiyo waa Sheekh Shariif, waa ninkii Guddoomiyaha u ahaa Maxkamadaha Islaamiga ah, rabitaanka kooxaha dilalka geysta dad badan ayay gaaleysiiyeen kaddibna ay dileen" ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

All these people, Bacdle, Diiriye and co, were the ones funding, encoureging, and clapping for the "wadaado". and now the "wadaados are the bad guys. hypocrets.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Nothing hypocritical about it sxb.

 

Individuals should be judged on their actions.

 

If there actions were good yesterday, and their actions turn bad today, that doesn't mean people should still support them on what they did yesterday.

 

No, individuals should be judged continuously on their actions.

 

Religious warlords, secular warlords, Ethiopian agents, criminals etc whoever did it should be brought to justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^^

 

Believe it or not, but they are good sellers.

 

They sell what the people want to hear, and have in their minds already...hence their popularity.

 

So you and I may not take them seriously, but in Mogadishu tens of thousands of people take them seriously.

 

In conclusion, they have a core of truth in their accusations.

 

Religious warlords are something we need to fight in its early phase before they set up their undesired regimes like the previous, secular warlords. In early 1991-1993, nobody thought that popular warlords like Muse Suudi, Cusmaan Caato, Qanyare, M.Dheere would turn into most hated and undesired tyrants. If only Mogadishu society acted quick, they would not end up oppressed and kept in agony for 17 years!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Bacadle & Diriye encouraged such action, the snake is out and they are complaining they helped raise it. Hypocrites indeed.

You nailed it Duke. Yestarday bakaaro was busniss place when people where still getting killed. Today it is a kawaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nothing hypocritical about it sxb

So what do you call hypocricy then if thisone is not?

 

just about 8 weeks ago, Alshabbab were heroes in the eyes of these people, and we know all along that they were hunting down people, and were bombing peacful cities such as Hargeysa, and Bosaso.

 

I'll tell you why Diriye, Bacadle and Co's changed possition now, Its because these groups are not usefull anymore, and its time to eradicate them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^^

 

Again, nothing hypocrital about it.

 

Individuals/factions should be judged on their actions.

 

If there actions were good yesterday, and their actions turn bad today, that doesn't mean people should still support them on what they did yesterday.

 

 

Individuals/factions should be judged continuously on their actions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

- Was their action good when they were bombing Hargaisa and Bosaso?

Pls tell us what do you mean their good action. What has changed about those groups other than the expirety of their mandate, and they are not useful anymore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

The bombing of Ethiopian targets in Hargaisa and Bosaso was certainly good, despite the very unfortunate collataral damage in civilian lives.

 

Why should they bomb Ethiopian targets in Mogadishu and Baidoba alone while Ethiopians roamed freely in Hargeisa and Bosaso?

 

Anyways, our criticism of Alshabab has different backgrounds.

 

You are apparently an ex-TFG/A.Yusuf supporter and hence your criticism.

 

I oppose them for other reasons and arguments.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The bombing of Ethiopian targets in Hargaisa and Bosaso was certainly good, despite the very unfortunate collataral damage in civilian lives.

 

I see now, so the killing of innocent 26 people was a good thing, and you call that a collataral damage, what a silly suggestion, so I wonder why you always change shirts my friend, once you decieved us by distancing your self from these groups, and now unfortunetly you ripped that shirt, and underneath it is the real savagery and haterade for peace and rule of low. I know where you comming from now, but please stick to one shirt, and don't be a "jirjiroole". Killing innocent people has no excuse what so ever, wheather its a TFG bullit, or an Alshabaab car bomb, at least the TFG did not massacre civilians in the name of Allah, while your comrates did exactly that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this