Sign in to follow this  
Suldaanka

BBC SOMALI

Recommended Posts

normal_MVC-162F.JPG

[Hargeisa's Ahmed Saciid Egeh and Mogadishu's Hassan Barrise in Hargeisa]

 

-------

LAANTA AFKA SOMALIGA EE BBC-DA OO AHMIYAD GAAR AH SIISAY DOORASHADA GOLAHA

 

Har(HRG)- Maamulka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa

Doorashada Baarlamaanka Somaliland u muuqda inuu siiyay Ahmiyad gaar ah,isaga oo u soo diray Koox Weriyayaal ah.

 

Doorashada Golaah Wakilada Somaliland oo la filayo inay qabsoonto

Khamiista Saadambe ayaa waxa Caasimadda ku sugan Weriyayaasha kala ah

Cabdisalaam Hereri, Xasan Bariise, Yuusuf xasan Mursal iyo Axmed Siciid Cige oo hore u sii joogay.

 

Weriyayaashani waxa ay toos u gudbin doonaan Wararka iyo Macluumaadka la xidhiidha doorashada Golaha Wakilada Somaliland, iyada oo labadii doorasho ee Somaliland ee Goleyaasha Deeganka iyo Madaxtooyada ay Laanta Afka Soomaaliga ka iman jireen waxaan ka badnayn laba weriye oo weliba uu ku jiro Axmed Siciid Cige oo hore u sii joogay dalka.

 

 

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo

Share this post


Link to post
Share on other sites

300_300_ucid2.jpg

 

HWN-(Hargeysa)-Waxa saaka isu soo bax ballaadhan sameeyey taageerayaasha xisbiga UCID waxaanay isugu soo baxeen fagaaraha beerta xoriyada, halkaas oo kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID oo ku labisan dharka hidiyo dhaqanka iyo calaamada xisbiga UCID ayaa halkaa ku soo bandhigay ciyaaraha dhaantada iyo iyagoo sita boodhadhka musharixiinta u tartamaaya doorashada golaha wakiilada.

300_Ucid1.JPG

 

Isu soo baxan oo aad u heersareyey ahaa maalintii ugu danbeysay ee xisbiga UCID ku soo bandhigo ayaa waxa kala soo qeyb galay gudoomiyaha xisbiga Enginer faysal cali waraabe oo halkaa qudbad uu dhaliil ugu jeediyey halkaas ka soo jeediyey iyo mid uu ugu mahadnaqay ciidamada qaranka ee falkii argagixiso inay qabtaan ku guuleystay, waxaanu gudoomiyuhu hadalkii kamid ahaa sida tan: waxaan u mahad naqayaa ciidamadii nabadgelyada iyo ciidamadii qaranka ee ka guuleystay argagixisada laynoo soo diray inay dalkeena khalkhal galiyaan waxaa halkaa inooga muuqanaysa in cadowgeenu aad u shaqeynayo hase yeeshe ilaahay gacanta sare ina siinayo waxa uu gudoomiyuhu intaa raaciyey hadii ciidanka bileysku haysto daryeel inaataa ka badan oo uu dawlada dhaqaale ka haysto tababar fii! can oo uu ka haysto saanad wanaagsan inay intaa ka shaqo wanaagsanaan lahaayeen sida aan xogagaal u ahay way cadilan yihiin oo aanay kala sareyn xitaa aanay nidaam haysan, dadka ugu sareeyaana aan lagu gayn tacliin ee lagu geeyey qabiil oo aanay jirin cid uu ka haybadaystaa, waxaanu intaa raaciyey dadkaa la qabqabtay loo aanaynin dadka ehlu diinka dadkani waa argagixiso waana SWL oo gadh labaxday surwaalna inoo gaabsatay oo fasaqeysa dadka wanaagsan ee culimada.

 

300_ucid3.JPG

Waxa uu dhaliil xoogan u soo jeediyey xukuumada madaxweyne rayaale isagoo sheegay inaanay shacbiga u adeegayn, sababtii madaxweyne rayaale u sameeyey 47 wasiir ee aduunku layaabay ayaa hada cadaatay ninkan madaxweyne rayaale waa nin ildheer oo sidaynu moodaynay maaha ee uu inaga shisheeya waxa 47 wasiir u sameystay inay u soosaaraan 47 waxba matarayaal oo wakiila, si aanay isku bedelin wakiiladii hore ee waxba matarayaasha ahaa ee gacanta hoos dhiganaayey atuu ku yidhi ninkasta soo saar 47 waxbamataraal oo amarka kaaqaata oo markuu iswaalana aad ku tidhaahdid anaa wax kaa dhigay waxa taa daliil u ah marka hargeysa laga tago waxa ololihii wada wasiirada iyo haweenkii wasiirada waxay wataan lacagtii dalka.

 

 

 

Waxaanu sheegay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka faysal cali warabe mar uu lahadlayey marwada madaxweynaha isagoo yidhi waa inay marwada madaxweynuhu ku eekaataa shaqadeeda oo faraha ha kala baxdo arimaha siyaasada …….. !hadii madaxweynuhu awoodii ku wareejiyeyna ha noo sheegto markaa waanu u sharciyeyndoona ama waan u diidi doona, waxa uu madaxweyne kuxigeenku ku dhawaaqay in labada gobo lee saaxil iyo awdal inay xaaran tahay inay cidkale ay ka soo baxdo labada gobol ………!rayaalaba waxa ka daray kan madaxweyne kuxigeen ku sheega, waxa kale uu uu dhaliilay xadhiga musharaxa xisbiga UCID ee gobolka awdal oo uu sheegay in xaqdaro uu ku xidhan yahay waxaana halkaa inooga muuqata in gobolka awdal sharci keena ka bax! san lagu maamulo oo qoyska madaxweynuhu sida uu doono uu ka yeelayo khatarna ay gaadhsiin karaan wadanka waxa cad inaanu rayaale doorashada aanu raali ka ahayn in meesha laysugu imanaay ay tahay kursigiisa oo wada kasta oo noo furana waan u maraynaa inaan dalka ka xoreyno casaabadan.

 

Waxalayaaba in nin wasiiri xadka katalaabay uu tagay gaashamo oo uu dawladii Ethiopia u tahay dadka hawd iyo reseav area waxaan UDUB ahayn ha u ogolaanina inay u codeeyaan…. Waxaana maanta dala xukumaaya wasiiradan u soo uruursaday ayaa dalkii xukumaaya waxaana loo baahan yahay inaynu foodkeena aynu kaga xoreyno.

 

Qudbada gudoomiyaha xisbiga mucaaridka faysal cali waraabe oo aad u dheerayd waxa uu ku soo gabagabeeyey dalka waxa ucida UCID! Dawlkada yaa ucida UCID-baa ucida walaal foodkiina na siiya hadii aan nahay UCID

Share this post


Link to post
Share on other sites

300_Silanyoaljazira.JPG

[Ahmed Siilaanyo and media]

 

Hargeysa-(HWN)-Banaanbaxii ugu cuslaa ee ka dhaca Gobolka Hargeysa, waxa isugu soo baxay Dad Lagu Qiyaasay Half Million Qof oo ilaa lixdii Galabnimo Tubnaa Beerta Xorriyadda Hargeysa, Waana Dhoola tuskii ugu Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye oo Muujiyay Aqlabiyadda Xoogan ee uu haysto.

 

225_Kulmiye2.JPG

 

Waxa gelinkii danbe iyana dhoolatus balaadhan oo sameeyey taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE iyagoo isugu soo baxay fagaaraha beerta xoriyada halkaas oo ay isugu soo baxeen qaar ka mida musharixiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka hargeysa oo ay taageerayaashu ay siteen musharixiinta sawiradoodii iyo calanka kulmiye iyo ay lulayeen, dhoolatuskan oo aad loo soo agaasimay waxa beerta xoriyada kala soo qebgalay qaar kamida taageerayaasha iyo madaxda xisbiga waxaana kala soo qeyb galay gudoomiyaha xisbiga mucaarka maxamed maxamuud siilaanyo oo halkaa qudbad aad u qurxoon halkaa ka soo jeediyey waxaanu halkaa hanbalyo ugu diray ciidamada bileyska ee falkii argagixiso ku guuleystay iyo kan kii ka horeeyeyba.

 

300_Kulmiye1.JPG

 

Waxaanu gudoomiyuhu qudbadii uu halkaa ka soo jeediyey waxay u dhacday sida tan:waxaan maanta joogna geba gebadii ololaha doorashada golaha wakiilada ee aynu mudada bisha ay ku soo dhex jirnay waxaanu mahadnaq balladhan u soo jeediyey dhamaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan ololaha ay soo galeen iyo taageerada ay xisbiga u muujiyeen waxaanu taageerayaasha iyo shacabweynaha kula dardaarmay inay doorashadu ay si nabada ay ku dhacdo oo aynu xil iska wada saarno dhamaanteen in dunidii ina wada eegayso taas oo ictiraafkeeni ku xidhan tahay qiimeenteeni dadnimo iyo dalnimo waa inay si hufan waxaanu intaa ku daray inay dhinaceeni aynu ka dedaalno oo sida ugu wanaagsan iyo wejiga ugu wanaagsan aynu uga soo baxno.

 

300_kulmiye3.JPG

 

Ayaa mahan ugu danbeeyey waxaynu wada ogsoonahay inaynu maqalnay warar laga naxo iyo qaar lagu farxo oo ina soo gaadhay oo dunida ku faafay in dad cadow u ah Somaliland xornimadeeda madax banaanideeda iyo dimuqraadiyadeeda inay ku dhaqaaqeen falaal lid ku ah nolosheena iyo mustaqbalkeena arintaa waanu dhalaacaynanaa waxaanu cadaynanaa hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE inay hormood ka noqono wax alla wixii is hortaagaya nabadgelyada jiritaanka iyo geedi socodka dimuqraadiyada waxaanu mahad naqbalaadhan u soo jeediyey gudoomiyahu ciidamadii ka hawl galay arintii eek u guulaystay isagoo oo uu sheegay gudoomiyuhu inay ka aqbali doonin cid marnaba wax yeesha aayaha iyo dhalinyarada oo wax yeesha.

 

300_kulmiye4.JPG

 

Waxaanu intaa ku daray in xukuumadeena talada haysaa ee xisbiga UDUB oo dhaliilo badan ku kacay ay maanta ka shifantay oo ah inuu doonayo intuu kari karo inaan doorashadaa markay umadii ka soo horjeedsatay iska hortaagaan oo ay adeegsadaan hantidii qaranka awoodihii kale ee qaranka sida TV-ga qaranku leeyahay iyo RADIO-ga jaraa’iid oo ay dadka dhex dhexaadka ahi ay cadeeyeen inaanay warbaahintu aanay dhex ahayn, maalintii dhaweynd shirkii jaraa’iid ee uu madaxweynuhu qabtay jaraa’iidka madaxa banaan uu ka saaray oo uu yidhi kama qeyb galaysaan inaanay dawlada maanta joogta maanta ma ogola inay doorashadu ay dhacdo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this