Sign in to follow this  
General Duke

Somali National Forces target terror militias.

Recommended Posts

Muqdisho: Dagaalo ka socda Magaalada Muqdisho ,ka dib markii weerar lugu qaaday ciidamadii ku soo tababartey Itoobiya.

23. juli 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo xoog leh ayaa ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,sida ay sheegayaan Wararka AllPuntland ka soo gaaraya Magaalada Muqdisho.

 

Dagaaladan ka socda Magaalada Muqdisho ayaa udhaxeeya ciidamada dawladda Soomaaliya ee dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya & Kooxaha ka soo horjeeda ,waxa ayna sheegayaan warar Madax banaan in ay kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya soo qaadeen dagaaladan.

 

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa weeraradan lugu qaaday markii ay bilaabeen howlgalo culus ,kuwaasoo ay ku soo beegsanayaan Guryo looga shaki qabo in ay joogaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

 

Dagaalada ayaa wali socda ,waxaana laysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxa ayna Wadada Warshaduhu tahay goob waqtigan holceysa.

 

Wadadan waxaan saakaba lugu diyaariyey Miinooyin & waxyaabaha Qarxa oo dhulka lagaliyey ,waxaana goor dhaw la qarxiyey waxyaabahaasi ,inkastoo aan ilaa hada la heyn faahfaahin ku aadan khasaaraha ay geysteen.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa horey usheegtay in ay ciidamadan qaadayaan howlgalo ay amniga Muqdisho wax kaga qabanayaan ,ayadoo markale Maamulka gobalka Banaadir maanta hadalkaasi ku celiyey ayna ciidamadu markii ay magaalada soo galeenba ay ku dhaqaaqeen talaabooyin Milateri.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this