Sign in to follow this  
Xudeedi

Badhan: Alumni Reunion Ceremony for Graduates of Alfurqan High school (pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro

 

9661.jpg

 

Badhan : Galabnimadii Khamiista ayaa maamulka dugsiga sare ee Al-Furqaan wuxu kulan casho iyo afur isugu jira u qabtay arday hore uaga qalin jebisey isla dugsiga oo hadda fasax jaamacadeed ku jooga magaalada Badhan.

 

 

Furitaankii kulanka ayaa maamulaha dugsigaas Md.C/casiis Axmed Saalax wuxu hanbalyo iyo bogaadin u jeediyey ardayda dadaalkooda iyo sida ay uga dhex muuqdaan jaamacadaha ay wax ka bartaan , kuwaas oo ku tilmaamay iney kaalimo sare ka keenaan natiijooyinka imtixaanka , waxana uu carabka ku dhuftay in tirada ardayda ee shantii dafcadood ee dugsiga sare ee Al-Furqaan ka qalin jebisey ay gaadheyso 92 arday ( 68 wiil iyo 24 gabdhood ), kuwaas oo 95 % ay wax ku bartaan jaamacadaha dalka sida : Muqdisho University faraca PL , East Africa , PSU oo dhaman ku wada yaal PL, sidoo kalena Camuud iyo Hargeysa University oo SL ku yaal , iyo kuwa dalka dibadiisa sida : dalka Malaysia , Suudaan , Ugandha, Ethiopia , Yemen , iyo South Africa. Ardayda sanadkii hore ka qalin jebisey ayuu maamuluhu sheegay in sideed ka mid ahi deeq waxbarasho ka heleen jaamacado kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Gabadho.JPG

 

Ujeedada kulankan ayuu maamuluhu ku tilmaamay iney tahay in :

 

 

1)la xoojiyo xidhiidhka ardayda dhexdeeda , iyo weliba xidhiidhka ardayda iyo bareyaashooda, iyo sidii ardaydu dhamaan uga wada qayb qaadan lahaayeen farriin wadaagga dugsiga ( Al-furqaan E-mail Group ) oo ah meel ay ku wada xidhiidhaan dhamaan ardayda dugsiga ka qalin jebisey ee daafaha aduunka ku nool.

 

 

2)La dhiirri geliyo ardayda sidii ay waxbarashada heer sare uga gaadhi lahaayeen , ka dibna ay dalka dib ugu soo noqdaan si ay uga qayb galaan horumarkiisa.

 

 

3)Fursad loo siiyo ardayda kulan ay isku waraystaan , xogna u kala qaataan , si ardayda cusub loogu iftiimiyo sidii ay u heli lahaayeen xidhiidhka jaamacadaha , doorashadoodana u sixi lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Guud-2.JPG

 

Kelmedda maamulaha ka dib waxa halkaas filim ku soo bandhigay xubno ka tirsan ardayda oo kala ah Khaalid Siciid Shiikh iyo C/kariim C/raxmaan Jaamac , waxana weheliyey Inj. Maxamed Axmed Cali oo dhowaan ka yimid dalka Suudaan , sidoo kalena ka warbixiyeen tirada ardayda halkaas joogta , fursadaha jaamacadeed iyo ururka ardayda Sanaag iyo waxqabadkiisa.

 

 

Ugu danbayntiina waxa kulankaas lagu soo geba gebeeyey kelmed uu ardayda u jeediyey Shiikh Faysal Xuseen Mire oo ka mid ah culimada iyo aqoon yahanka gobolka ee sida weyn loo qadariyo. Iyo casho afur ah oo ay soo maamushay hay’adda wadaniga ah ee Salaam Development Society (SADSO).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Waalidiinta Dugsiga Al-Furqaan oo Dhismaha Fasal ku Kordhiyey

 

 

Iskuulka & Horn Relief oo Qalabaysay Fasalkaas.

 

 

Bilowgii sanad dugsiyeedkan 2010/2011 ayaa waalidiinta dugsiga Al-Furqaan iyo maamulku waxay isla qorsheeyeen baahida loo qabo dhismaha hal fasal oo lagu kordhiyo dugsiga sare , arintaas oo lo xilsaaray gudida iskuulku iney lacag ka ururiso waalidiinta .

 

muddo bil ah oo kharajkaas la ururinayey ayaa waxa lagu guuleystey in la bilaabo fasalkaas , kharajkiisii oo dhamaystiranna la diyaariyo , halka hay'adda Horn Relief na ay ku deeqday kuraasta iyo miisaska fasalkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this