Sign in to follow this  
guraad

Kenya Oo Wafdi U Direysay Somaliland

Recommended Posts

guraad   

August 02, 2003. HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Ridwaan Xaaji “Nairobi”

 

 

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u ambabaxo Somaliland si uu ugu qanciyo maamulka halkaas ka dhisan inay ka soo qeybgalaan shirka Soomaalida uga socdo dalka Kenya.

 

 

Dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalida, guddiga farsamada IGAD iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa maanta kawada qeybgalay shir ka dhacay howlka weyn ee shirarka dib u heshiisiinta.

 

 

Shirkan waxaa ka soo qeybgalay Muuse Suudi oo markii ugu horeysay la fariistay hogaamiyayaasha Soomaalida tan iyo intii uu shirka ku soo laabtay.

 

 

Shirkan ayaa maanta lagu soo gudbiyay dhammaan qodbada Axdi Qarameedka iyo warbixintiisa oo si faahfaahsan ergooyinka loogu aqriyay iyadoo guddoomiyaha uu sheegay in maanta shaqadu ay tahay in qoraalkaasi dhamman la dhageysto, maalmaha soo socdana ay hogaamiyayaasha qoraalkaasi gooni gooni u soo aqriyaan.

 

 

Waxaa kaloo shirka maanta ka soo qeybgalay wasiir ku xigeeenka arrimaha dibadda ee Kenya isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay in shirka dib u heshiinta ay ka soo baxdo dowalad.

 

 

Dhinaca kale, Kipligat ayaa ergooyinka u sheegay in wafdi uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kenya ay sida ugu dhaqsiyaha badan u aadi doonaan Hargeysa halkaas oo ay ugu gudbin doonaan warqadii ugu dambeysay ee casuumadda shirka ay kaga soo qeybgalayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this