Cowke Posted July 30, 2010 Al-shabaab oo ku fashilmey weerarkii ay kusoo qaadeen Puntland,laakiin waxey la soo baxeen qorshe u qarsoonaa(Plan B) Posted by admin on July 30th, 2010 Garowe(Pi) Kooxda Al-shabaab oo intii mudo ahba ku howlanaa iney qaybo kamid ah Puntland gacanta ku dhigaan ayaa markii hore ku guuleystey iney saldhigaan Galgala,Shiekh Atam ayaana hormuud u ahaa kooxda Al-shabaab Puntland isagaana loo xilsaarey inuu dhulkiisa ka xoreeyo dadkiisa. Al-shabaab waxey waayadaan dambe bilaabeen iney wax ka badalaan siyaasadooda iyo dhaqankoodaba deegaanada looga awood badan yahey , Waxey bilaabeen iney isticmaalaan hab cusub oo ah iney fal sameeyaan ka dibna dafiraan,tasoo ay ula jeedaan iney iska horkeenaan dadka degan degaankaas ay doonayaan inay ka howlgalaan ama ay ka bilaabaan dhaqdhaqaaq si ay kooxdoodu u hesho dad taageera hadii ay u arkaan in laga gacan sareeyo. Waxaa tusaale ah qarixii Hotel Shamow ee ardeyda qalin jabineysa lagu laayey, weerarkii lagu qaadey Hotelkii ku yiiley Baladweyne ee uu ku dhintey Cumar Xaashi labadaan weerar waxaa ka dambeeyey Al-shabaab lakiin labadaba way dafireen. Sheikh Atam wuxuu intaan la weerarin sheegey inuu Al-shabaab yahey, Al-shabaab iyagu wax hadala kama bixin xiligaas, balse Markii Ciidamada Puntland ay gacan qaadeen Atam kooxdiisii lana qabqabtey saraakiil badan oo Al-shaab ka tirsanaa ayaa waxaa cadaatey in Al-shabaab ku hungoobeen qorshohoodii ahaa iney weeraraan Puntland, run ahaantiina waa ku fashilmeen arintaas, Al-shabaab oo waayadaan dambe isticmaala siyaasad casriyeysan waxey markiiba badaleen siyaasadooda waxeyna la soo baxeen qorshe u qarsoonaa, Sheikh atam ruuxiisuna wax ka ogaa(Pland B) qorshahasoo ahaa in ay isticmaalaan hab qabiil iney dagaalka u badalaan si ciidankooda loo badbaadsho meeshana ay usii joogaan halkaasna qorshohoodii looga soo bilaaba mar labaad iyo abaabul hor leh, waxey samyeen ugu horeyn Al-shabaab ayaa dafirey iney ku lug leeyihiin dagaalka, shiekh Atam isna wuxuu dafirey inuu Al-shabaab yahey,wuxuuse hilmaamey inuu maalmo ka hor afkiisa ku yiri waxaan ahey Al-shabaab, “waa neef la gowracey geed kama waabtee” . Waxaa hadaba xaqiiq ah in waayadaan dambe ay Al-shabaab isticmaalaan taktik laga yaqaan Afganistaan oo ay badanaa isticmaalaan Alqacida iyo Talabaan kasoo ah iney meel weeraraan ka dibna dadka ka dhaadhacshaan ineysan weerarkaas lug ku laheyn, waxeyna taas Al-qacida iyo Talabaan ka gaareen guulo badan. Farxaan Xuseen Ali Puntlandi.com farhan@puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 30, 2010 cowke buunbuunin xooggan baa ku jirta xiriirka alshabaab iyo galgal ee ma la socotaa, mise mashruuc baad waddaa laftigaagu ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 30, 2010 Xinfanin ma inhoole dba tahay.bal firi Hamar hadad tusaale rabtid, 6000 uganda force ba joggo hamar waxba kama qaadin shabab. 20,000 thousand soldiers kale ayaa loo qorsheyneya maxay ku tusaysa sxb? shabab hadusan waxba weyn ahayn why so many soldiers loo qorsheyneya ma is-wedisa? Shabab is very strong faction and for them to infiltrate my state has me worried just like farole is and so is puntlanders in general. Marka nacasnimada igala tag sxb if u havent got anything to contribute that is useful hadee afkaga naga ceesho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 30, 2010 Al-Shabaab spokesman denies the group is in Puntland By the CNN Wire Staff July 30, 2010 (CNN) -- A spokesman for the militant group Al-Shabaab denied Thursday that it has been involved in recent fighting in northeastern Somalia's semiautonomous region of Puntland, but said the group supports it. "The fighting was between local Muslims and the Puntland intelligence security forces and its authorities, which are slaves to Ethiopia, and we rejoice at it," Ali Mohamoud Rage Dhere told reporters in a conference call from Mogadishu. His denial came a day after the leader of the militants who had fought in Puntland, Sheikh Mohamed Saiid Atom, said they were members of Al-Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 30, 2010 cowke, waxay caydu, goormaa lagu qaniinay adeer? ma xaajigaa kula faqay Quote Share this post Link to post Share on other sites