Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland refutes ONLF accusation as baseless

Recommended Posts

War deg deg ah: “ Cid dhiibtay ma jirto nin udhashay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dadkii faafiyay warkaas waa been cad, waxa ayna doonayaan Sumcada darada Puntland in ay ka shaqeeyaan” Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Puntland.

28. oktober 2009 

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu ***  Email

Print This Article  | Daabaco warkaan

Garowe(AllPuntland)- AllPuntland oo raadin dheer ugashay xaqiijinta warka sheegaya in dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, loo gacan galiyey dawladda Itoobiya ayaa heshay warar hoosaadyo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

 

Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu ka soo xigtay AllPuntland in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, waxaana Madaxda dawladda Puntland oo ku sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ay qireen in aysan waxba ka jirin in ninkaasi loo dhiibin dawladda Itoobiya oo dagaal kula jirta Jamhada ONLF.

 

Laamaha baaritaanada ku sameeya dadka noocaan oo kale ah ama laga shakisan yahay oo ay sidoo kale la xariirtay APL ayaa sheegay in uu jiro, warka ah qabashada Shan nin, balse ay dawladda Puntland uqabatay nimankaasi in ay baaritaan mariso.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Laanta barista dambiyada dadka lugu tuhunsan yahay ayaa xaqiijiyey in ay meel gaar ah ku hayaan ninka lasheegay in dawlada Itoobiya loo dhiibay, isla markaasna ay Madaxda baritaanadu ay su’aalo ninkaasi ku weydiinayaan gudaha dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Aqalka Madaxtooyada ayaa looga xaqiijiyey AllPuntland.com in lugu soo wargaliyey, madaxda Madaxtooyada Puntland in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, markii ay Aqalka Madaxtooyada ku soo dhaceen fariimo uga imaanaya Saaxiibada Puntland iyo taageerayaashiisa oo ku aadan jiritaanka warkaasi.

 

Madaxda Booliska Puntland iyo ciidamada Sirdoonka ayaa si wada-jir ah ugu sheegay APL in aysan waxba ka jirin dad lo dhiibay dawladda Itoobiya, waxa ayna sheegeen in ay guud ahaan hayaan dadka lasheegay in lasoo qabtay, hadana ay ku hayaan baaritaano ayna taasi waajib ku tahay ciidamada amaanka, oo ay Shaqadooda tahay arrintaasi.

 

Saacadaha nagu soo aadan ayay sheegeen dad ka tirsan dawladda Puntland in ay qaban doonaan Shir jaraa’id oo ay ka qeybgalayaan Saxaafada, isla markaasna looga hadlayo warkaas iyo sida ay wax uga jiraan.

 

“ Cid dhiibtay ma jirto nin udhashay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dadkii faafiyay warkaas waa been cad, waxa ayna doonayaan Sumcada darada Puntland in ay ka shaqeeyaan, ma garan karo waxa laga rabo khilaf laga dhex abuuro Bulshada wada dhalatay, waan maqlay saacadihii ugu dambeeyey, warar ay faafinayeen Saxaafada oo dhan ayna lahaayeen Puntland ayaa dad dhiibtay, taasina waxa ay ila tahay waa wax laga xumaado, in nala ka hubiyo ayaa wanaagsan” Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka gaabsaday magaciisa, isla markaasna ka tirsan Baarayaasha kiisaska dadkan.

 

Itoobiya & Puntland ayaa siyaasiin lasoo xariiray APL ay usheegeen in uusan wanaagsaneyn xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya, tan iyo markii ay dawladda Itoobiya ciidamadeeda sirdoonka oo huebysan ay galeen gudaha magaalada Gaalkacyo oo ay dad ku laayeen qaarna kala tageen, taasoo noqotay mid caro ku beertay Madaxda dawladda Puntland ugu sareysa, keentayna in Itoobiya loo diro warqad deg deg ah oo ku saabsan arrimahaasi, balse jawaabta ay Itoobiya soo bixisay ayaan la garan Karin, ayadoo ay wararku sheegayaan in badalaad lugu sameeyey Sarkaalkii Itoobiya ujoogay Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this