Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Two Shariifs Agree ----- Finally ?

Recommended Posts

Gabbal   

Maxkamada Sare oo amar ku bixisay in cod gacan taag ah lagu anxisiyo R/Wasaaraha.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) War qoraal ah oo Shalay ay soo saartay Maxkamada sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa gudoonka Barlamanka lagu amray in Codeynta Ra’iisul wasaaraha ay ka dhigaan mid gacan taag ah maadaama uu qabo axdiga dowladda KMG

 

Maxakada sare fadhi ay qaadatay maanta oo isniin ah 25/10/2010:-

 

Waxay fasiraad sharci ka bixisay warqad uu soo gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, warqaddaas oo summaddeedu ahayd JS/XM/188/10/10, kuna taariikhaysan 24/10/2010, ujeeddadeeduna ay ahayd waydiisasho sharci kalsooni siin Ra’iisul Wasaaraha (Qodobka 82, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii.)

 

Maxkamaddu: Markay deristey, kana baaraandegtey qoraalkii uu u soo gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha;

 

Markay aragtay qodobka 55-aad faqraddiisa 7-aad, hubisayna awoodda ay u leedahay fasiraadda sharciga,

 

Markay aragtay qodobada 33-aad faqraddiisa 5-aad, 44-aad, 49-aad, 71-aad ee Axdiga Ku-Meelgaarka ah,

 

Markay aragtay qodobka 82-aad faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii,

 

Markay aragtay qodobka 40-aad faqraddiisa 3-aad iyo 4-aad iyo qodobka 34-aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka,

 

Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay fasiraad sharci ah ka bixisay weydiinta aragtida sharci ee la xiriirta ansixinta Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, iyada oo cuskanaysa qodobka 71-aad faqraddiisa 2-aad ee Axdiga Ku-Meelgaarka oo caddaynaya in Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdiga Ku-Meelgaarka, haddii uusan ka hor-imaanayn shuruucda kale ee dalka iyadoo qodobka 82-aad faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii uu sheegayo ansixinta Wasiirka 1-aad in ay ahaato gacantaag taas oo sharci ah, soo jireenna ahayd intii ka horreysey arrintaan ugubka ah.

 

Guddiga Garsooreyaasha Maxkamadda Sare

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

http://shabelle.net/component/content/article/42-new-in-somali-content/2924-maxkamada-sare-oo-amar-k u-bixisay-in-cod-gacan-taag-ah-lagu-anxisiyo-rwasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Indeed. I am not so much as sure the problem is arising from the PM's clannish background as much as his educated nature. Odayaal badan baa jiro oo isbaaro meesha dhigtay lagana bilaabay the Samatar professor from Minneapolis whose last interview faulted the uneducated nature of the members of the TFG and today has put his own isbaaro in front of Farmaajo to keep the hype surrounding his own stature going. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

In all honesty I do not believe a lot, unless his term is extended or given new mandate with new election, but the panic for such a short inconsequential term has already been noted. Nin wax yaqaan odayaashani wax magaratada ah uma ogola Soomaaliyada haatan jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Dagaalkaas iyo qeyladaas waa wax ka caadi ah goob kasto oo ay "xildhibaanada" Soomaaliya ku codeynayaan. Markey xitaa wax yar oo macna laheyn u codeynayaan sidaas bey u buuqaan.

 

Waxaanse la yaabay waxaa loo diidahayo codka qarsoodiga ah LOL - timir laf baa ku jirta!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by The Zack:

Waxaanse la yaabay waxaa loo diidahayo codka qarsoodiga ah LOL - timir laf baa ku jirta!

Taasi ma Soomaali baad u tahay mise cayn kale wayo Soomaalidu baa taasi kuu didaysee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Haddii 43 xildhibaan ay yidhaahdeen "Ma dooneyno in la arko inaan ku codeyno haa ama maya", miyeysan xaq u laheen in codkooda sidaas qarsoodiga ah ku dhiibtaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

labadashariif.png

 

Waxaa la yaabay aniga sababta uu Shariif Sh. Axmed ugu adkeeysanaayo in gacantaag ahaato codka la dhiibaayo. Waxaas kaliya waxee sii kordhinee sawirgacmeedkaas kor ku sawiran sida uu ku eedeynaayo. It won't help his reputation, either.

 

Shariif Xasan Sh. Aaden dan Soomaaliyeed uguma adkeysanaayo in gacantaaga ahaato asagana, ee qorsho kale uu soo bandhigin uu wataa.

 

Dowlad aan awood lahayn ayee saan iyo jartaan shaqsiyadeed iskugu ciyaarayaan, haddee awood lahayd ka waran? Waxaan yaa dadka ka qabto, runtii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this