General Duke Posted March 4, 2009 Isu Soo Baxa Lagu Taageerayo Mawqifka KULMIYE Iska Taagay Muddo Kordhinta Oo Ka Dhacay Burco March 4th, 2009 Burco (Somaliland)- Isu soo bax balaadhan oo ay ka qayb galeen kumanaan qof oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta ka dhacay Burco. Isu soo baxan oo lagu taageerayay mawqifka xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE uu iska taagay muddo kordhinta mar saddeexaad ee la wado in loo kordhiyo xukuumadda Madaxwayne Riyaale, ayaa ahaa isu soo baxii ugu balaadhnaa ee inta la ogyahay ka dhaca magaalada Burco, waxaanay dadku siteen boodhadh ay ku qoran yihiiin erayo muujinaya sida ay uga soo hor jeedaan muddo kordhin dambe, oo ay ku tilmaameen tallaabo la doonayo in qaranimada iyo dimuquraadiyada Somaliland lagu fashiliyo, iyo kalsoonida ay la barbar taaganyihiin xisbiga KULMIYE mawqifka uu arrintaasi ka qaatay. Isu soo baxan fagaare waxa dadwaynaha halkaasi hadalo uga soo jeediyay xubno ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga, masuuliyiinta heer gobol iyo xubno kale oo odayaal ah, waxaanay xubnahaasi dhamaantood ugu baaqeen golayaasha qaranka in ay waajibaadkooda ka gutaan marxaladan siyaasadeed ee dalku galay. Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa. E-mail: afqarshe114@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted March 5, 2009 Well "Somaliland" is on the brink of a widespread violence. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2009 Originally posted by Xamar-Gale: Well "Somaliland" is on the brink of a widespread violence. You Wish ....... Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted March 5, 2009 ^is that the somali Yahu or the english one as in waheey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted March 5, 2009 Down goes Burco, down goes Burco. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sir-Qalbi-Adeyg Posted March 5, 2009 Well there is nothing wrong with holding demonstrations, it's the civilized thing to do. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 6, 2009 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo shir albaabadu u xidhan yihiin caawa la yeeshay Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaal reer Burco ah March 5th, 2009 Hargeysa (Somalilandfuture) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa shir albaabadu u xidhanyahay la yeeshay salaadiin, cuqaal, waxgarad, Aqoonyahano iyo odayaasha beelaha gobolka Togdheer. Kulankan oo caawa ka dhacay Hotel City Plaza ee magaalada Burco isla markaana ahaa mid albaabadu u xidhanyahay oo aan loo ogolayn saxaafada waxay wararka ka imaanaya ay sheegayaan in gudoomiye Axmed Siilaanyo uga xog waramay waayeelka gobolka Togdheer marxalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalku marayo iyo sidoo kale hawlaha doorashooyinka madaxtooyada oo sida wararku sheegeen uu ku war geliyay Mudane Siilaanyo in maamulka M/weyne Riyaale aanu diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ku dhacda isla markaana xisbi ahaan ay go’aansadeen in hadii inta ka horeysa 6-da bisha April ee sanadkan oo ku beegan mudada xilka M/weyne-nimo ee M/weyne Riyaale ee sanadkii dambe ee loogu daray ka dib markii ay suurtoobi weyday inay sanadkii hore doorasho ka dhacdo dalka aanay ka qayb gelayn wax doorasho ah ilaa la helo xukuumada ku-meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorashooyin oo ka timaada golayaasha sharci dejinta (Guurtida iyo Wakiilada). Waxayna wararku intaa ku darayaan in kulankani uu ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan beelaha dega gobolka Togdheer, kuwaas oo la sheegay inay si weyn u soo dhaweeyeen xog warankaasi uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo ka siiyay xaalada dalka. “Wuxuu gudoomiyuhu nooga waramay xaalada siyaasada dalku marayso iyo in maamulka Riyaale aanu diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho isla markaana ay xisbi ahaan mawqif iska taageen oo aanu ka gobol ahaan ku taageerno go’aankaa xisbigu gaadhay arintaa waanu la qaadanay hadaanu nahay reer Togdheer oo dhamaan beelihiisu ay u dhan yihiin” Sidaa waxa yidhi Caaqil ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer gaar ahaana beelaha galbeedka Burco oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Waxaanu intaa ku daray “Burco waxay ahayd seyladii xoolaha nool, xoolihiina Riyaale wuxuu kooto ugu xidhay nin carbeed sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in dalka ay ka dhacdo doorasho si xor iyo xalaal ah ku dhacda markaa waxaanu kuwa maamulka M/weyne Riyaale ku jira leenahay ilaaliya nabad gelyada oo dadkan iyo dalkan halgenka dheer loo soo maray ha u horseedina dhibaato, teeda kale qaabka maamulkani wax u wadaa waa mid doonaya in dalku galo fawdo iyo halaag taana kama yeelayno M/weyne Riyaale oo waxaanu leenahay si nabad gelyo ah baa lagugu doortay oo weliba 80-cod oo sidaad ku heshay la ogyahay baad ku timi waad qaban weyday doorasho mar kale baa laguu kordhiyay hadana maantana ii kordhiya kaa yeeli mayno ninkii aad 80-ka madmadowga ah kaga heshay baan weliba wax aanu ahayn ku sheegaysaan markaa Ina Riyaaloow dalkani isaga oo nabad ah baad timi isagoo nabad ahna waad ka tageysaa ee taas ku bishaarayso”Ayuu hadalkiisa ku soo geba gabeeyay Caaqilku. Liibaan Maaweel Shire Somalilandfuture Online Quote Share this post Link to post Share on other sites