Sign in to follow this  
Jabhad

News from occupied Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

Weerar Bam oo lagu weeraray mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Ethopia

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 21/01/07

 

Wararka laga helayo magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarax aad u weyn oo ahaa weerar bambaano oo lala beegsanayay Gen, ka mid ah cidamada dalka Ethopia ee ku sugan magaaladaasi.

 

Generalka ka tirsan ciidamada Ethopian ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka yimid dhanka xerada 21aad ee ciidamada xooga dalka Somalia, halkaasoo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Ethopian ah iyo kuwa dowlada federaalka Somalia.

 

 

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaraxu uu ka hormaray waqtigii loogu talagalay oo aheyd in lagu qaarajiyo taliyaha ciidamada Ethopian ah ee ku sugan gobolka Gal-gaduud, iyadoo qaraxu uu ka hormaray intii uusan taliyuhu uusan soo gaarin goobta bamku ku aasnaa ee loogu talagalay in gaariga uu watay uu la qarxo.

 

Lama oga ilaa iyo hada cida ka dambeysay isku daygaasi dilka ee lala beegsanayay taliyaha cidamada Ethopia ee ku sugan Dhuusa-mareeb, mana jirto cid ilaa iminka sheegatay, hase yeeshee talaabadani ayaa ka mid noqoneysa weerarada gaadmada ah ee lala beegsado mar walba ciidamada Ethopia ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

 

 

Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe

 

 

xuurshe114@hotmail.com

 

---------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

labo sarkaal tikree ah oo lagu kala magacaabo Col.Xeylu iyo Cali Dhuux oo Shilaabe heystay oo ku baqtiyay Weerarkii Villa Somalia lagu soo qaaday.

 

 

 

 

 

Muqdisho,21,January-07 ( Qaadisiya.com) Sarkaalkii ugu sarreeyay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Tikreega ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya Col. Xeylu iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Shiilaabe Cali Dhuux ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid ahaayeen dad ku bakhtiyay weerarkii habeen hore lagu qaaday Villa Soomaaliya oo xarun u ah horjoogeyaasha Tikreega gumeysi doonka ah.

 

 

Sida shabakada islaamiga Qaadisiya ay u xaqiijiyeen ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Soomaaliya Col. Xeylo iyo Cali Dhuux oo booqasho ku joogay magaalada Muqdisho in ay ku bakhtiyeen madaafiicdii lagu garaacay Villa Soomaaliya, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee C/llaahi Yuusuf ay si xun ugu dhaawacmeen weeraradaasi.

 

 

Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in labadaasi nin cad cad ay u go'een kadib markii madaafiic ay ku habsatay qolkii ay jiifeen, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada Tikreega iyo kuwa ilaalada u ah C/llaahi Yuusuf.

 

 

Wariyaha Shabakada islaamiga Qaadisiya uga soo warrama Soomaali Galbeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay mar uu xiriir la sameeyay degmada Shiilaabe geerida Cali Dhuux oo ka mid ah raga u adeega taliska madow ee Tikreega ee xooga ku haysta dhulka Soomaali galbeed doonayana haatan in uu ku darsado dalka Soomaaliya.

 

 

Weerarkii lagu qaaday Villa Soomaaliya ayaa sababay in C/llaahi Yuusuf uu ka soo barakco xaruntaasi, isagoo xalay ku hoyday xaruntii hore ee nabad sugida ee degmada Shibis, halkaasoo uu maciin biday in uu jiifsado kadib markii uu ka baqay in weerar kale lagu soo qaado Villa Soomaaliya.

 

 

Sarkaalkii Itoobiyaanka ee Hoggaaminayay Xabashida ku sugan Gobolada Dhexe oo xalay lagu weeraray Magaalada Dhuuso Mareeb.

 

 

 

Dh/mareeb,21,January-07 ( Qaadisiya.com) Ciidamada Xabashida ee kusoo duulay Dalka oo doonaya in si nabadgelyo ah ay ugu noolaadaan Gudaha Soomaaliya ayaa weli muuqata in ay u suurta geli la’dahay.

 

Wariyeyaal kusugan Magaalada Dhuuso mareeb oo lasoo xiriiray Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Sarkaal kare oo kusugan Magaalada Dhuuso mareeb isla markaana ahaa Sarkaalkii uga wakiilka ahaa tikreega Gobolada Dhexe ee Dalka in lagu weeraray habeenimadii xalay halkaasi.

 

Waxaa bam lala beegsaday Sarkaalka gaari uu saarnaa iyadoo Sarkaalku aanu waxba soo gaarin hadana gaariga ayaa lagu soo waramayaa in qeybta dambe uu burburay, waxaana durba Ciidamadii Tikreega iyo kuwii Soomaalida aheyd durba ay ka carareen Gudaha Magaalad iyagoo afka aadiyay goobihii ay ka yimaadeen gaar ahaan xeryo ay horey ugu jireen.

 

Sababta keentay in xilligani lala beegsado Qaraxyo Saraakiisha Tikreega ayaa dadka deegaankaasi waxa ay sheegayaan in ay bilaabeen Tikreedu in ay Gudaha Magaalada u soo galaan iyadoo Shacabkuna aysan ogoleyn.

 

Waxaa kale oo kajira halkaasi in Tikreega loo diiday in wax laga iibsho inta ay isku dayayaan in ay gudaha u soo galaan Magaalooyinka Gobolada Dhexe ee Dalka.

 

Waa Markii ugu horeysay oo Xabashida ay Muqaawama kala kulmaan qeybo kamid ah Gobolada Dhexe ee Dalka iyadoo Muqaawamadii ugu horeysayna ay la heleen Sarkaalkaasi Tikreega Hoggaaminayay in kastoo uu ka badbaaday hadana gaarigiisii ayaa inta dambe laga burburshay bamkii kudhacay Awgii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

--------------------------------------------------------------------------------

 

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

 

Baaq Culus # 2

raabeh.JPG

 

Gudoomiyaha Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Dr. Cumar Axmed Malow

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Iyadoo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu soo galiyey dalkii xorta ahaa ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed ciidamo xad-dhaaf ah oo ka kooban boqolaal taangi, iyo 50,000 ka badan oo askar ah, miyi magaalaba ay ku baaheen, iyadoo ay hogaaminayaan koox yar oo ceeb iyo naclad dusha ka fuushay.

 

Iyadoo cadowgu bandow ku daboolay dalkii Soomaaliyeed oo dhan si uu u xasuuqo shicibka iyo maatada oo uu kula kaco dil, dhac, kufsi iyo wax kasta oo xurmaynta aadamaha iyo xuquuqal insaanku ay xaaraantinimeeyeen, iyadoo adduunku ka warhayn.

 

Iyadoo soo gelitaanka iyo joogitaanka midna u suurta galeen ciidamada itoobiyaanka haddiii aan dowlada Maraykanka taageero iyo taakulayn la garab joogin,

 

Iyadoo dowlada Maraykanku taageerada Itoobiya ka sokow iyada lafteedu ay ku qaaday ummadda Soomaaliyeed weeraro waxashnimo iyo xadgudub ah. Weerarada bahalnimada ah oo muujinaya xurmayn la’aanta xuquuqda iyo sharafta aadamaha, iyagoo kula kacaya shacabka Soomaaliyeed gumaad aan loo aabbeyeelin dad iyo duunyo dalka oo dhan.

 

Iyadoo siyaasada Maraykanku ay noqotay in Soomaaliya ay dib ugu celiyaan cadaabtii ay dhowr bilood ka hor madaxa kala soo baxeen.

 

Iyadoo sidaasi awgeed, siyaasadda maamulka madaxweyne Bush ay tahay in wax kasta xikmad la’aan, xoog iyo xoolo (lacag) lagu xalin karo. Arintii Soomaaliyeedna ay fogeeyeen taasoo halis ku ah geeska Afrika oo dhan.

 

Sidaas daraadeed, annagoo ah Soomaali shirweyne isugu yimid magaalada Ottawa go’aansanayna in aan noqono unug horseed u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta dalka gudihiisa iyo debadiisaba,

 

Waxaa baaq culus u soo jeedinaynaa

 

Qaramada Midoobey, ururka Midowga Yurub, ururka dowladaha Islaamka, Jaamacadda Carabta, ururka Midowga Afrika iyo umadaha beesha caalamka ee nabadda iyo xoriyadda jecel inay

Ku qasbaan ciidamada dowlada Itoobiya ee dalka soo galay inay si deg deg uga baxaan.

t. USA ay joojiyaan weerarka, cunaqabataynta iyo ku xadgudubka xuduudaha Soomaaliyeed.Laga qaado bandowga lana joojiyo xadgudubka iyo xasuuqa umadda Soomaaliyeed ee ay wadaan dowladaha deriska ah

 

Waxaan ka codsaneynaa hayadaha caalamiga ee kor ku xusan dib-u-soo-nolaynta shirkii Khartuum si loo gaaro is afgarad loona dhiso dowlad loo dhan yahay.

Shacabka Soomaaliyeed

 

Si kasta oo ay u adag tahay xaaladda iyo mugdiga taariikheed ee aan haatan ku sugan nahay, haddana waa marxalad gaaban oo laga gudbi doono. Shacabka Soomaaliyeed hore ayuu u muujiyey uguna guulaystay daafacaadda dalkiisa, diintiisa, sharaftiisa iyo dowladnimadiisa. Yaan lays dhiibin waa la soo rogaal celin.

 

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

 

Gudoomiye

Dr. Cumar Axmed Malow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

TPLF invading Army’s flight from Somalia

By Staff

Jan 20, 2007, 16:51

 

 

 

The TPLF regime's invading troops in Somalia , unable to withstand the popular opposition to their presence, were forced into a hasty retreat or a disgraced flight to be exact, after suffering the loss of thousands of soldiers including ranking officers. Ever since setting feet on Somali territory, the TPLF troops had been alarmed and bewildered by the forceful opposition from the Somali people.

 

Now, as these invading troops are attempting a hasty retreat, more than 500 U.S navy soldiers have entered Somalia to provide cover and ensure a safe retreat for the TPLF soldiers. The fact that Somalia will only be a deadly quagmire for the TPLF was quite clear from the onset because history had proven time and again that it is impossible to defeat a united people. The world had witnessed that even the so-called U.S supremacy could not override people's sovereignty, let alone the pitiful TPLF regime, hovering on the verge of its demise. The aggression against Iraq and Afghanistan and their aftermath are a living testimony to this fact.

 

The Meles regime sent troops into Somalia not due to overconfidence in its own military might but rather gambled with the lives of Ethiopian youths so as to serve as a tool for world superpowers, as well as collect payment for its subservience and receive a medallion for voluntary enslavement. Another factor that had prompted the regime to invade Somali was to relieve some of the mounting tension at home by finding distraction elsewhere. However, this ill devised folly has exacerbated rather than eased the regime's anxiety. It is not hard either to imagine that, the TPLF regime's disgraceful defeat and massive loss in Somalia will only serve as an additional push towards its demise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Sudan declines to participate in Somalia peacekeeping force

Monday 22 January 2007 00:10. Printer-Friendly version

 

Jan 21, 2007 (KHARTOUM) —Sudan has declined to participate in the African peacekeeping force to Somalia, saying priority must be given to the realization of peace in the country.

 

 

Sudan’s President Omar Hassan al-Bashir ® meets with Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in Khartoum, January 21, 2007. (Reuters)Following a meeting on Sunday between Sudanese president Omar al-Bashir and the visiting Somali prime minister Ali Mohamed Gedi, the State Minister at the Ministry of Foreign Affairs, Ali Kerti, told the press that any foreign troops that are to be deployed n Somalia will be targeted by the Somali Islamists militia. He further said that Sudan prefers to focus efforts on the realization of the peace in Somalia.

 

The Sudanese official added that the Somali Government has changed its request from participation in the AU peacekeeping force to send forces to train the Somali Army, Police and Security forces as well as the civil administration.

 

The Somali Prime Minister had urged Sudan on Saturday during a meeting with the second Sudanese vice-president to resume its diplomatic representation in Mogadishu and also to participate in the AU peacekeeping force to Somalia.

 

The African force would protect transitional federal institutions, and maintain security in the county.

 

Al-Bashir affirmed to the Somali premier Sudan’s firm stance in maintaining the unity, security and stability of Somalia. He further affirmed the necessity of bringing together the Somali parties around the negotiating table toward achieving of political, security and social peace.

 

Upon the request of the Somali Prime Minister, President Al-Bashir voiced Sudan’s readiness to continue its efforts to bring together the Somali parties as well as pushing forward the peaceful dialogue process, the state-run SUNA reported.

 

On Friday 19 January, Gedi had reportedly rejected out of hand any mediation between his government and the deposed Islamic Courts Union on his arrival in Sudan.

 

President al-Bashir further pledged to support Somalia in the domains of education, services and capacity building and training of Somali army and police as well as re-opening the Sudanese Embassy in Mogadishu besides direct material support to Somalia.

 

The Sudanese state minister explained that the Somali government agreed on continuation by Sudan of its mediation as well as resumption of the Somali talks.

 

In March 2005, the African Union has authorized IGAD — which comprises Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda — to send peacekeepers to Somalia to help the country’s transitional government get a foothold there when it eventually relocates from exile in Nairobi.

 

Forces from Uganda and Sudan were supposed to form the vanguard of a 7500 strong regional peacekeeping mission to Somalia, at that time and after. But Somali warlord and Islamic courts opposition to deploying troops from neighboring Djibouti, Ethiopia, and Kenya has been fierce.

 

In December 2006, the UN Security Council unanimously adopted a US-drafted resolution backing plans to dispatch a regional peacekeeping force in Somalia to prop up the wobbly transitional government there.

 

Since the control of the country by the Ethiopian backed Somali government forces the onoing project is to broaden the African forces to others force from another countries like South African Nigeria and Rwanda.

 

(ST)

http://www.sudantribune.com/spip.php?article19862

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada Tikreega ee Dalka kusoo duulay oo la xaqiijiyay in ay isaga baxeen Magaalada Dhuuso mareeb kadib weeraro lagu bilaabay goobaha ay kusugan yihiin.

 

 

 

Dh/mareeb,22,January-07 ( Qaadisiya.com) Kadib markii weerarka lagu qaaday Sarkaalkii Tikreega ahaa ee hoggaaminayay Xabashida kusugan Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in habeenimadii xalay ay isaga baxeen halkaasi oo ay ka carareen Ciidamadii Tikreega ahaa ee horey u joogay.

 

Tikreedani kasoo carartay Magaalada Dhuuso mareeb ayaa lagu soo waramayaa in cararkooda uu ka dambeeyay kadib markii ay ******** in ay socdaan qorsheyaal kale oo lagu bartilmaameedsan Doono Inshaa Allaah taasi oo sababtay in ay cagaha wax ka dayaan.

 

Dadweynaha kudhaqan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Geessiyaasha ah ayaa horey u diiday in ay wax ka gadaan Xabashida gudaha magaalada u soo gashay iyagoo ku cadaadiyay inta ay gudaha Magaalada kaga baxayaan aysan waxba ka gadi doonin.

 

Markii ay dareemeen xabashida ayaa waxay bilaabeen in ay gudaha Magaalada soo galaan inkastoo Arrintaasi ay dhalisay in loo abaabulo qaraxyo lagu soo dhaweynayo Tireega laguna tusayo Dhowr Baqti oo Ciidankiisa kamid ah.

 

Ciidamada tikreega iyo Daba dhilifyadooda ayaa horey uga soo baxay Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya hayeeshee waxaa xusuusin mudan in ay kaga hareen Gobol waliba Dekedaha iyo Air poorada kuyaalla taasi oo shaki weyn gelisay Shacabka Soomaaliyeed lakin dhowaan laga hortagi doono Inshaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dibad bax weyn oo looga soo horjeedo dilkii ay maanta ciidamada Itoobiya ka geysteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka dhacay wadada dheer ee warshadaha.

 

Hobyonet. Muqdisho. Isniin, Jan,22, 2007

 

Dadweynahaan, oo si weyn ugu caraysnaa dhimashada 5 qof oo rayid ah oo ay ciidamada Itoobiyaanka ku dileen rasaas ay ku fureen dad rayid ah, ayaa waxa taayaro ku gubeen wadada warshadah.

 

Mid ka mid ah dadkii isku soo baxay, ayaa hobyonet u sheegay in waxa ay ka dibad baxayaan ay tahay dilka macnadarada ah ee ay ciidamada Itoobiyaanka maalin walba kula kacayaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

 

Dadkaan oo aad u farabadnaa, ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadada warshadaha, iyagoo ku dhawaaqayey halkudhegyo ka dhan ah ciidamada Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Dibad baxaan, ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii xubnaha baarlamaanka ay ansixiyeen sharcigii degdeg ahaa ee lagu soo ragay dalka, kaasoo aan oggolayn in dadka ay sameeyaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.

 

Ciidamada Itoobiya, ayaa waxa ay saakay guri ku yaala xaafadda suuqa-xoolaha kala baxeen nin ganacsade ahaa iyo wiilkiisa, iyagoo sidoo kale dilay 4 qof oo rayid ahaa.

 

Axmed Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Madaxweynaha Dalka Sudan oo Gashaanka u Daruuray in Ciidamadiisa U soo Diro Dalka Soomaaliya.

 

Muqdisho , Isniib, Jan, 22, 2007 Waaga Cusub

 

 

Iyadoo Baryahanba ay isa Soo tarayeen Wadamada Diyaarinaya Ciidamo Nabad Ilaalin ah Ee loo diro Dalka Somaliya ayaa Madaxweyne Cumar Xasan Axmed Al-bashiir waxa uu gaashaanka Ku Dhuftay Oo uu Si cad U Diiday In uu Ciidamo ka socda Dalkiisa u soo Diro Waddanka Soomaaliya Si Ay uga Qeyb Qaataan Howlaha Nabad Ilaalinta Dalka Soomaaliya.

Hadalkaasi oo Yimid Kadib kulan Uu Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Cali maxamed Geeddi Kula Yeeshay Xarunta Madaxtooyada Sudaan madaxweynaha Dalkaasi oo Kala Hadlayay arinta Ciidan Nabad Ilaaineed oo Soomaalya la Geeyo .

 

Wada hadalka labada Mas'uul Ayaa Xoogga lagu Saaray Sidii Wax Looga qaban Lahaa Xiisadaha ka soo Cusboonaaday dalka Soomaaliya Iyadoo Ra,isal Wazaaruhuna uu si Buuxda ugu Sharraxay madaxweyne Al-bashiir Xaaladda Haatan ka jirta Dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Ayaa Si Wanaagsan u soo Dhaweeyay In Dalkiisu uu dib u bilaabo Wadahadalsiintii Dowladda KMG ah iyo Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliya.

 

Albashiir Ayaa Waafaqay In Dowladdiisu Ay Sii Waddo Dhexdhexaadintii Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Maxaakimta Islaamka..

 

Waziiru Dowlaha Wazaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Suudaan Cali karti Ayaa kulanka Madaxweynaha Suudaan iyo Ra'isul Wazaaraha Soomaaliya kadib Saxaafada u sheegay In Geedi Uu Ka Dalbaday Madaxweyne Albashiir Inuu Dib u howlgaliyo Dadaalladii Dhexdhexaadinta Dhinacyada Soomaalida .

 

Waxaa kaloo Prof. Geedi Ku Boorriyay Madaxweynaha Suudaan Inuu Dalka Soomaaliya u soo Diro Ciidamo Ka socda Dalkiisa oo nabadda Ilaaliya .

 

Hase yeeshee Madaxweyne Albashiir Codsigaasi Si cad Ayuu u Diiday oo waxa Uu sheegay In Ciidamo ka socda Dalkiisa Aanay Cagta Dhigi Doonin Dalka Soomaaliya Si Ay Uga Qeyb qaataan Howlaha Nabad Ilaalinta Ee Ciidamada Afrikaanka .

 

Madaxweynaha Dalka Suudaan waxa Uu Soo bandhigay Inuu U diro Dalka Soomaaliya Saraakiil Tababar U fidisa Ciidamada Xoogga Soomaaliya Isla Markaana Siisa Kaalmooyin Dhinaca Fikirka Ah.

 

Mr: karti waxa Uu Intaaasi Ku daray inuu Madaxweyne Al bashiir Durbadiiba aqbalay In la Socodsiiyo Wada hadalsiintii Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Maxaakiimta Islaamka Isagoo Tilmaamay In Suudaan Ay Billowday Xiriirro Ay la sameyneyso Madaxda Golaha Maxaakimta Islaamka Si Loo Xaddido Xilligii Ay Wadahadalladu Dib U Bilaabmi Lahaayeen.

 

Arimahaan ayaa ah kuwa ku soo Beegmaya Xili ay Sii Cakirmayso Xaalada amaan ee Dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada cadowga Itoobiya oo 4 laga dilay, iyaguna khasaare geystay

Posted to the Web Jan 22, 15:04

 

 

Muqdisho (Aayaha.com) 22.01.07 - Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Xoogga ku heysta dhulka Soomaaliya gaar ahaan kuwoooda ku sugan Magaalada muqdisho gaar ahaan Deegaanka Maslax ayaa saakay la kulmay khasaare xooggan ka dib markii Xoogagga xaq u dirirka ay wada u galeen Gawaari kolonyo ah oo ay lahaayeen Cadowga Itoobiyanka.

 

Xoogagga Xaq u dirirka ayaa dilay 4-ka mid ah Ciidamda Cadowga halka ay dhaaweceen ku dhawaad 5-kale iyadoo warar lagu kalsoon yahay oo uu Aayaha.com ka helay halkaa ay wax ka dheceen ay xaqiijinayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ay halkii lagu weeraray ee loogu geystay Khasaaraha ay ka qaateen Baqtiga 4-ka mid ah Ciidamadoda oo ay weerar Qorsheysan ku dileen Xoogagga xaq u dirirka.

 

Weerarka oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey ayey Xoogagga xaq u dirirka la beegsadeen kolonyo Gawaari ah kuwaas oo aroornimadii saakay bilaabay in ay u dhacaan guryaha ku yaala deegaano ku Hareereysan Deegaanka Suuqa Xoolaha gaar ahaan, SOS, Ex-control, iyo Xafadda Dabaqeyn, iyadoo la sheegay in rasaastu ay socotay muddo daqiiqado ah taas oo sababtay in Ciiidamda Cadowgu ay u cararaan Dhinaca Xerada Maslax halkaas oo fariisin u ah.

 

Weeraraka ka dib ayey Ciidamada Cadowgu bilaabeen in ay xasuuqaan dad Rayid ah oo aan waxba galabsan iyaga oo ka caerysan falkii qorsheysnaa ee looga dilay Qaar ka mid ah Askartooda loogana dhaawacay qaar kale.

 

Wararka laga helayo Agagaaraha Xerada Maslax ayaa Xaqiijinaya in ku dhawaad 4-qof oo ah dad Rayid ah ay Ciidamada Itoobiyaanku si bareer ah ugu fureen rasaas taas oo sababtay in markiiba ay halkaa ku geeriyoodaan dadkii Rayidka ahaa.

 

Weerarkaan ay Xoogagga Xaq u dirirka ku Qaadeen Ciidamada itoobiyaanka ayaa ahaa mid ay si weyn u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed,mar hadii ay Ciidamda Itoobiyaanka ah bilaabeen in ay ku xadgudbaan dadka Rayidka ee aan waxba Galabsan,waxaan jira Abaabul ay wadaan Shcababka Soomaaliyeed kaas oo ay ku doonayaan in ay isaga qaadan heeryada Gumeysiga.

 

Khasaare joogta ah ayey la kulmaan Cadowga Itoobiyaanka ee Xoogga ku jooga Ciidda Soomaaliya,ka dib markii Shacabka Soomaaliyeed oo ay hogaaminayaan Xoogagga xaq u dirirka ay bilaabeen in ay weeraro la beegsadaan Cadowga xoogagga ku jooga Dalka Soomaaliya,taas oo, keentay in ay ka baxaan meelaha qaar,iyadoo wararka ka imaanaya Magaalada dhuusamareeb ay xaqiijinayaan in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaa ay isaga bexen ka dib Weeraro ay kala kulmeen dadka Shacabka ah.

 

Aayaha.com

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Witnesses: Ethiopia Troops Kill 3 People

 

By MOHAMED OLAD HASSAN

 

MOGADISHU, Ethiopia Jan 22, 2007 (AP)— Ethiopian troops supporting Somalia's fledgling government killed three civilians early Monday, while a top leader of Somalia's Islamic movement turned himself over to authorities in Kenya, a witness and official said.

 

The troops were firing at several gunmen who were trying to hide in a house in the Hurwa district, said Mustaf Hassan Ali, who witnessed the shooting. He said the victims were not the gunmen but civilians in the home.

 

"The Ethiopians fired at the civilians when unknown gunmen sought refuge in their house," Ali said.

 

Ethiopian troops have come under fire frequently in recent days in the Hurwa district, which is considered a hotbed of sympathizers for Somalia's Council of Islamic Courts. The radical group was driven out of the capital and much of southern Somalia last month with the help of powerful troops from neighboring Ethiopia.

 

In neighboring Kenya, Sheik Sharif Sheik Ahmed crossed the Somali border and was flown immediately to Nairobi, a Kenyan security official said on condition of anonymity because the operation was supposed to be secret. Ahmed was under U.S. protection at a top hotel, a Somali official said, also asking for anonymity for the same reason.

 

A U.S. Embassy spokeswoman said she could not immediately comment.

 

Ahmed was apparently afraid for his life following his decision to leave Somalia, where his Council of Islamic Courts is being hunted by Ethiopian troops and Somali government forces.

 

U.S. Ambassador Michael Ranneberger has repeatedly said Ahmed is a moderate Islamic leader whom the U.S. thinks should be part of a national reconciliation process in Somalia. Ahmed was the chairman of the Executive Council of Islamic Courts and shared the leadership with Sheik Hassan Dahir Aweys, who was chairman of the court's legislative council.

 

On Saturday, gunmen fired machine guns and rocket-propelled grenades at an Ethiopian convoy in Hurwa district, but missed. The Ethiopians responded with heavy weapons, killing four bystanders, witnesses and medical officials said.

 

Somalia has been without an effective government since 1991, when warlords overthrew a dictator and turned on each other. The government was formed two years ago with the help of the United Nations, but was weakened by internal rifts.

 

The intervention of Ethiopia prompted a military advance that was a stunning turnaround for the administration, which is trying to assert control in this battle-scarred country. But the potential for violence remains great because of traditional clan rivalries and a threat of guerrilla war from remnants of the Islamic movement.

 

Many Somalis also resent the Ethiopians' presence. Somalia, a Muslim country, and Ethiopia, with its large Christian population, fought a brutal war in 1977.

 

On Sunday, Somalia's government spokesman said Kenya has handed over 34 Islamic militiamen, and that some of them may be senior leaders of the Islamic movement.

 

Kenyan border patrols arrested the men in the past few weeks, said Abdirahman Dinari, the government spokesman. He said the government is investigating the identities of the men and will soon make the details public.

 

The government has invited African peacekeepers to help provide security in Somalia, but they are unlikely to come if fighting continues. African Union officials approved an 8,000-peacekeeper mission on Friday.

 

 

Associated Press writer Chris Tomlinson in Nairobi contributed to this report.

 

 

Copyright 2007 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten, or redistributed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this