Sign in to follow this  
General Duke

Borama: Weapons enter hands of Awdal clan ?

Recommended Posts

Ganacsade hub keenay Boorame

9 Jun 9, 2009 - 12:24:21 PM

 

Hub la sheegay in uu ka soo degay magaalada xeebta ku taala ee Saylac oo ka tirsan Gobolka Awdal ee maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa maalmahan waxa si weyn hadal hayntiisu uga socotay magaalada Hargeysa, iyada oo saaka bogaga hore ee wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa cinwaan looga dhigay warkaasi.

 

Warka sheegaya inuu hub ka soo degay magaalada Saylac ayaa xusaya in ay halkaasi keentay dooni, ka dibna gawaari lagu soo daabulay iyada oo si qarsoodi ah loo soo galiyay magaalada Borama oo ka soo jeedo Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin.

 

Inkasta oo aanay Maamulka Somaliland si dhab ah uga hadlin arrintani hadana waxa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegeen in dhaq dhaqaaq xoogan oo hubkaasi dadka loogu qaybinaayo uu haatan ka socdo magaalada Borama.

 

Lamana garanayo meesha hubkaasi uu ka soo galay magaalada Saylac iyo cida keentay hasa yeeshee waxa la sheegay in hubkaasi laga soo iibsaday wadanka Yemen oo uu soo iibsaday ganacsade reer Borama ah.

 

Todobaadkan ayay ahayd markii la soo afjaray colaad mudo dheer u dhexaysay laba beelood oo kala dega deegaanada Borama iyo Gabiley, kuwaasi oo dhowr jeer iska dilay dad badan, waxana guddi loo saaray arrinkaasi sheegeen in ay xukun ku rideen balse ay dhinac ka mid ahi diideen dhinacaasi oo ah dhinaca Borama, waana ta keentay in hada cabsi badani timaado oo ku saabsan colaadaasi.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Wax Diidani Waa Beel Aan Hubka-Dhigid Lagu Samayn, Markaa Guurtidu Inta Aanay Xalba Gaadhin Waa In Beesha ******** Hubka-Dhigis Lagu Sameeyo”

 

Beesha Waa In Hub-Kadhigis Lagu Sameeyaa Sidii Beelaha Somaliland Oo Kale Hubka Looga Dhigaa

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

 

Hargeysa, June 10, 2009 (Haatuf) - Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisaba
ugu baaqay inay dakhso u fuliso go,aamadii ay dhawaan ergadii
dhexdhexaadintu ka soo saartay shaqaaqadii Ceel Berdaale, isaga oo ku tilmaamay waxa golayaasha sharci dejintu ay go,aamiyaan inuu yahay sharci, isla markaana loo baahan yahay in sidiisa loo fuliyo, isaga oo sheeegay ciddii diida go,aanadaasna laga qaado talaabo dawladdeed .

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey hadalo ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beesha ayaa waxa uu sheegay in hadalada noocaas ahi aanay ku wanaagsanayn Salaadiinta, waxaanu u soo jeediyey Suldaanku inaanu arinta sii fogaynin, waxaanu Suldaanku u soo jeediyey Guurtida iyo xukuumadaba inay beesha ******** hub ka dhigis lagu sameeyo, sidii beelaha kale ee Somaliland hubka dhigista loogu sameeyey, sidaana waxa uu Suldaan Maxamed Suladaan C/qaadir ku sheegay waraysi uu siiyey Idaacada Horyaal, wareysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The clashes around Gebilay has hightened tension.

 

Xaji: Your very own Hatuuf reported on the clan elders being upset that in their opinion reer Awdal are unarmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Businessman 'imports weapons' into Somaliland

9 Jun 9, 2009 - 1:43:52 PM

 

HARGEISA, Somalia June 9 (Garowe Online) - A cache of weapons docked at a small harbor in Zeila, a coastal town in Somalia's breakaway republic of Somaliland, Radio Garowe reports Tuesday.

 

Somaliland newspapers printed headlines that the weapons were secretly unloaded at Zeila harbor and transported by road south to Borama, the home town of Somaliland President Dahir Riyale near the Ethiopian border.

 

Somaliland authorities have not spoken publicly about media reports that weapons were secretly imported, but confidential sources in Hargeisa said the weapons were bought in Yemen by a Borama businessman.

 

The arrival of the weapons shipment comes a week after two warring clans in Somaliland who traditionally inhabit the towns of Borama and Gabiley disagreed over mediation efforts, with the clan in Borama reportedly rejecting a peace proposal.

 

Somaliland, located in northwestern Somalia, unilaterally declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaan Maxamed "Beesha ******** Waa In Hub-Kadhigis Lagu Sameeyaa Sidii Beelaha Somaliland Oo Kale Hubka Looga Dhigaa"

 

 

Hargeysa Wednesday 10 June 2009

Soomaaliweyn.com

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisaba ugu baaqay inay dakhso u fuliso go,aamadii ay dhawaan ergadii dhexdhexaadintu ka soo saartay shaqaaqadii Ceel Berdaale, isaga oo ku tilmaamay waxa golayaasha sharci dejintu ay go,aamiyaan inuu yahay sharci, isla markaana loo baahan yahay in sidiisa loo fuliyo, isaga oo sheeegay ciddii diida go,aanadaasna laga qaado talaabo dawladdeed .

 

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey hadalo ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beesha ******** ayaa waxa uu sheegay in hadalada noocaas ahi aanay ku wanaagsanayn Salaadiinta, waxaanu u soo jeediyey Suldaanku inaanu arinta sii fogaynin, waxaanu Suldaanku u soo jeediyey Guurtida iyo xukuumadaba inay beesha ******** hub ka dhigis lagu sameeyo, sidii beelaha kale ee Somaliland hubka dhigista loogu sameeyey, sidaana waxa uu Suldaan Maxamed Suladaan C/qaadir ku sheegay waraysi uu siiyey Idaacada Horyaal, wareysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan.

 

S/ suldaan Maxamed waxaad tahay suldaankii guud ee SL dhawr goor ayaad arintan ka hadashay, dhawaan ergadii guurtida ee muddada dheer ku hawlanayd dhexdhexaadinta labadii beelood ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay Ceel-barddaale go’aamo ayay soo saareen inkasta oo go’aamadii labada dhinac mid ka mid ahi ku gacan saydheen, bal marka hore nooga waran sidaad u aragto go’aamadaa guurtidu soo saartay?

 

J/ anigu waxaan u arkaa go’aamadaa ay guddidu soo saartay inay yihiin go’aamo sharci ah, sababtoo ah guddida meesha gashay waxay ka kooban tahay Golaha guurtida Somaliland, mana aha gole lagu tilmaami karo inay reer keliya ka kooban tahay, waayo guddidu marka lagu hor keeno ayaad ka doodi kartaa waad odhan kartaa waxana iga beddela kana ii daaya, xubno ku jira waa la diidi karaa, laakiin guddidii laga saaray guurtida oo dhan in la deedafeeyo, maadaama uu suldaan yahay waa wax dib ugu noqon doona aakhirka dambe, suldaan Saleebaan waxaan leeyahay maadaama uu isagu sheegay inuu yahay suldaankii guud ee beesha ********, halkaa waxa ka muuqata qadiyada ka dhaxaysa ***** iyo ******** inuu ka hadlayo, anigu waxaan odhan lahaa suldaanka arinta sidaa ha u fogayn, nin suldaan ahina cid kastaba suldaan buu u yahay, isagu inuu hadalkaa yidhaana may qurux badnayn waxaana aan odhan lahaa suldaan guurtidii aynu ku soo dooranay Boorama ee aad goob jooga ahayd ee ay beel waliba ragay iska soo xushay ee suldaankoodu soo magacaabay weeye horta nimanka meesha ee ergada ahi waxa aan jecelahay ergadii aad magacawday inaad dhaliilo u samayso dee, waa mid adiga suldaan ahaan kugu fool xun.

 

S/ suldaan guddidu go’aamada ay soo saareen waxay sheegeen in lagu fulin doono muddo 30 cisho ah, xukuumada waxay u soo jeediyeen inay sidaa u fuliso. Hadii ay ku fulin waayaan muddadaa loo qabtay maxay noqonaysaa?

 

J/ dee, waxay noqonaysaa arintaasi in qaranimo wax lagu qabto. Waayo waxaynu ku nahay dawlad, ee lagu muujin karaa arinta caynkaas oo kale waxa weeye dawladda haybadeedu waa cabsida, xukuumaddaan laga cabsanayn haybad ma yeelanayso, golayaashaynu dooranay go’aanka ay ka soo saareen arintaa, anigu waxaan leeyahay haybadii dawladnimo in lagu fuliyo cidii ka hor timaada

 

S/ suldaan, suldaan Saleebaan iyo beeshiisu way ku gacan saydheen go’aamadaas, guddigiina ku sheegay niman isku wada beel ah, arintaasi siday u muuqataa?

 

J/ anigu arintaa uma arko inay beel isku wada mid ah inay ahayd, anigu waxaan u arkaa beel walba cidbaa kaga jirtay Somaliland waa 12 beelood ayey ka kooban tahay.

 

12 ka beelood cid walba cidbaa kaga jirtay sidaan filayo, markaas taasi hadday fuli weydo horta xukuumadday u taalaa, ergo dhexdhexaada oo guurtidu soo xushay ayey xukuumaddu u dirtay. Dhulka sida loo kala yaalo waa wax taariikh la taaban karo ku cad. Anigu sida igu maqaalo ah waxa weeye beerihii Ceel-bardaale shuruucda meesha taalay sheekhii alle ha u naxariistee sheekh Maxamed Raage xertiisa ummad faro badan oo qabiilo fara-badan oo ummadda soomaaliyeeda baa ku jirey. Waxa wax lagu qaybsan jireyna waxay ahayd talo xereed, markii dagaalkii 88kii dhacay ayaa cidii waddanka ku soo hadhay halkay ka ilaalin lahayd maqaamkii iyo xadradii sheekha haddii ay yidhaahdeen anagaa qabsanay dee waxa taala, meesha shuruucdii xernimo ee taalay mesel waxa la leeyahay xuseen kulmiye wuxuu ku lahaa beer iyo guryo, Cali Samatar oo kale ayaa ku lahaa, kuwo kale ayaa ku lahaa oo Ina laxwas ayaa ku jirey ragaasi waxay ka mid ahaayeen ragii sheekh Maxamed Raage ku xidhnaa ee siiyey guryo iyo beero, beerahoodii haddii la qaybinayo, oo xertii loo qaybinayo sidii sharcigu ahaa waxa weeye inaan cidina sheegan, oo aanay ka sheegan dadka kale taladii xernimo lagu bixiyo, laakiin hadday noqoto xoog dee wax suurto gal ah maahoo deegaan waliba taariikhbuu leeyahay la yaqaano markaa anigu waxaan odhan lahaa waar ergadaasi waxay xukuntay hala fuliyo, halagu dhaqmo, ciday u taalo inay filsaana waa xukuumadda maaha beelo.

 

S/ marka la eego waxyaalaha ay diidan yihiin suldaan saleebaan iyo beeshiisu waxa ka mida, xukunkii ergada, dilalkii dhacay iyo kii dhulka oo la isku hayey mar is wada raacisay, siduu ku doodayo suldaanku waxay ahayd in marka hore la dhameeyo dilalka iyo magaha kadibna la galo arinka dhulka, markaa adiga arinkaasi siduu kuula muuqdaa?

 

J/ dee, wax waliba horta dhaqaale ayuu u baahan yahay, hadduu dhaqaalahaagu gaabto waa inay arimuhu degdeg kaaga baxaan oo la dhamays tiro, arinku haddii uu jiitamo oo la jiido boqol mishkiladood oo kale ayaa iman kara, arinka oo lagu guda jiro ayaa fal dhici karaa. Markaa waxa weeyaan haddii arinka la gudo galo in la yidhaahdo ha la dhamays tiro, waxaasi waa wada hadal oo bani aadamku isku afgaranayo oo lagu wada hadlayo, soomaaliyana garta, sideeda ayey u taqaanaa, dilka, dhaca iyo dagaalka iyo wixii khasaare yimaadaba mar qudha ayaa la is raaciyaa lama kala dambaysiiyo waana dhaqan soomaaliyeed. Haddii la doonayo meesha xalkeeda, horaa loo soo eegay, waa la soo maray deegaanada siday u dhan yihiin dadkooda way soo waraysatay guurtidu cid waliba wixii illaahay ku ogaa markay sheegto ee lala kala baydhi waayo dee, waxa weeye ninka xaakinka ah ee xukumayaa wixii ay dadku sheegeen ayuu wax ku goosanayaa oo arinka wixii macquulana wuu soo qaadanayaa, wixii madmadaw kaga jirana isagaaba ka xishoonaya inuu xukunka gacanta ku gooyo oo uu cawaj u gooyo.

 

Anigu waxaan qabaa Somaliland maanta fidno uma baahna deegaanku si nabada ayuu u wada ooli jirey, haddii damac yimaado dadku way wada haddli jireen, laakiin meesha xabadi ma haboona, beelaha qaarna hubkii baa laga dhigey, qaarna hubkii weli cidi hub ka dhigis kumay samaynin, markaa qoladan wax diidani waa qoladii aan hubka weli laga dhigin. Anigu waxaan codsanayaa inta aanay xalba ka gaadhin arintooda guurtidu in dib loo eego wixii Somaliland beelaheeda kale soo mareen oo hub ka dhigid lagu sameeyo. Anigu waxaan qabaa beesha ******** hub ka dhigis ha lagu sameeyo, ummad meel ku wada nool oo badhna hubaysan yahay badhna aanu hubaysnayn meel kuma wada noolaanba karayno. Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa oo aan madaxwaynaha ka codsanayaa arinkaa ay ergada guurtidu go’aanka ka soo saareen in sidiisa loo fuliyo, xukuumadduna ay fuliso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

Nice movie in Garowe ...
:D

Garoweonline is on of the MORE reliable Somali Websites I guess, but I think in arrintaan xoogaa la buunbuuninayo wayse soo bixi doontaa dhabteedu!

I know Duke iyo mukulaalaha meeshaan daba orda oo jecel in Dhulka Soomaaliyeed inta ay neceb yihiin ay dagaallo ka dhacaan ay waxan oo kale ku raaxaysanayaan laakiin haddii arrintaan ay dhab tahay oo sida loo soo sheegay ay completely wax u jiraan ma fiicna ee Ilaah hakala qaboojiyo, haddii gambadii Duke ay tahayna hakugu taagnaato baan leeyahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ABWAN: Spare us the crocodile tears lad. Somaliweyn, Garowenline & Hatuf are the sites reporting this. Its a tragic story if true, and I can undertsand JB's response he lives in Hargaysa and it effects him he is a player in this movie. You are lost, you dont even know where AWDAL is, and its not near Hobyo dear lad. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

^^^ABWAN: Spare us the crocodile tears lad. Somaliweyn, Garowenline & Hatuf are the sites reporting this. Its a tragic story if true, and I can undertsand JB's response he lives in Hargaysa and it effects him he is a player in this movie. You are lost, you dont even know where AWDAL is, and its not near Hobyo dear lad.
:D

loool...Duke, I know you have been eveywhere in Somalia in your cyber-warlordism, cut and paste process but I am glad and VERY sure to have travelled through Somalia and elsewhere more than you did. I know you love hobyo because it was Adeer's birth city but for your information I have never been there and like many other places around Somalia I wish I was there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this