Sign in to follow this  
General Duke

Minister Barre Hiiraale arrives in Baidoa....

Recommended Posts

Bare Hiiraale oo soo gaaray magaalada Baydhabo

Last Updated::2006-05-27 16:00:01

 

Baydhabo:- Wasiirka Hawlaha Dib u Dhiska iyo Dib u dejinta Col.Bare Hiiraale ayaa maanta soo gaaray xarunta Dowlada Federaalka ee magaalada Baydhabo.

 

Bare Hiiraale oo kamid ahaa wasiiradii dhawaan loogu yeeray magaalada Baydhabo ayaa kusoo aaday wakhti uu Raysalwasare geedi 7 maalmood oo kale ugu daray in ay Wasiirada Xukuumadiisa kamid ah kusoo galaan magaalada Baydhabo.

 

Wakhtigii hore ee loo qabtay shan Wasiir oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu kamid ahaa Bare Hiiraale ayaa ku egkaa maalinimadii Khamiistii lasoo dhaafay.

 

Bare Hiiraale oo maanta diyaarad ay kasoo qaaday magaalada Kismaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo.

 

Bare Hiiraale ayaa noqday Wasiirka kaliya ee illaa iyo hada aqbala amarka Raysalwasaaraha ayadoo 4 wasiir oo kale ay weli ka dhego adeegayaan imaanshaha magaalada Baydhabo.

 

Wasiirada Arrimaha Amniga, Diinta, Ganacsiga iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyooyinka oo kamid ah hogaamiyaasha dagaalada ka wada magaalada Muqdisho ayaa illaa iyo hada diidan in ay u hogaansamaan awaamiirta Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Raysalwasaare Ayaa xalay soo saaray Qoraal kama danbeys ah oo uu ku amrayo Wasiirada iyo Wasiirul Dowlayaasha iskood u maqan in ay sid deg deg ah usoo galaan 7da maalmood ee soo socda.

 

Wakhtigan ayuu ku sheegay Raysalwasaaraha inuu yahay kii ugu danbeeyey ee u qabto Wasiirada kamaqan xarunta Dowlada ee Baydhabo.

 

Asagoo Qoraalkiisa Cali Maxamed Geedi ku sheegay inuu tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii amarkan siduu yahay u qaadan waaya.

 

 

Qoraalkii Ugu danbeeyey Raysalwasaare Geedi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sultaan   

It is very smart tactic from Barre Hirale as he just doesn't want to be associated with the ignorant moron warlords who don't know nothing about politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wafdi Uu Horkacayo Wasiirka Dib U Diska Iyo Dib U Dejinta DFKG Ah Barre Hiiraale Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo

 

Wararka warsidaha Gedonet goor dhaw ka soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta DFKG ah Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo wafdi uu hogaaminaayo ay halkaasi gaareen saacado ka hor sida uu Gedonet u xaqiijiyay Wasiirku Xigeenka wasaarada guriyaynta iyo howlaha guud Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye oo iigu waramayay qadka teleefoonka magaalada Baydhabo.

 

Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehlinayaan, Ugaaska beesha Sade ee gobalka Galgaduud, Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, Xasan Maxamed Nuur Qalaad, Afhayeenka isbahaysiga dooxada Jubba Bile Cabdille Cabdi iyo xubno kale ayaa waxaa ay markii ay ka caga dhigteen deggida diyuuradaha magaalada Baydhabo goobtaasi si saxmad iyo rayn raynba leh ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya.

 

Xildhibaan Barre Hiiraale oo qadar yar kaddib markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo saxaafada kula hadlay ayaa waxaa uu wasiirku carabka ku adkeeyay in socdaalkiisa Baydhabo uu ka dambayay codsigii Ra'isul Wasaareha ee ku aadanaa ka soo qeybgalka madasha Baarlamaanka. Waxaana uu muujiyay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu ku soo biiro fadhiga golayaasha ee Magaalada Baydhabo.

 

Barre Hiiraale oo saaka ka soo duuley magaalada Kismaayo ayaa waxaa mardada magaaladaasi ka soo qaaday diyaarad qaas ah , iyadoona ay goobtaasi saaka buuxiyeen madax sar sare oo ka tirsan isbahaysiga dooxada jubba, kuwaasoo soo sagootinayay xubnaha uu wasiirku horkacayo.

 

Safarka socdaalka xubnahani ayaa la rumeysanyahay in uu yimid ka gadaal markii uu Ra'isal wasaare Geedi uu digniin culus u soo jeediyay ilaa 5 Wasiir oo kamid ah wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho iyo Kismaayo in ay ku mudacaan muddo toddobaad ah taasoo ku akeeday 24kii bishan May inay ku soo gaaraan magaalada Baydhabo wallow aysan xubnahaasi u hoggaansamin hadalka Ra'isul Wasaare Geedi ayaa haddana tagitaanka Barre Hiiraale ee Baydhabo maanta waxa uu ku soo beegmay xili ay xalay wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isul Wasaareha lagu sheegay in muddo toddobaad ah oo fursad kale ah loogu daray in wasiiradaasi hubeysan ay Baydhabo ku yimaadaan.

 

M G

gedonet-Somalia

 

IMAG1826.JPG

 

IMAG1822.JPG

 

IMAG1818.JPG

 

IMAG1820.JPG

 

IMAG1819.JPG

 

IMAG1816.JPG

 

IMAG1823.JPG

 

IMAG1825.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Nothing ofcourse, except giving them another 7 days to reconsider their decision! And if those days run out again, without the warlords coming to Baidoa, they'll be granted another 7 days, that's how Gheedis world works!

 

In reality he can not and does not want to kick them out of his government because he can ill afford it, without the powerbrokers of the south on his board!

 

Eventually Qanyare and Yalahow will come to their senses and come home to daddy, ofcourse after massacring a couple thousands in the process to/on it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi needs the warlords of Mogadishu not for the governemtn but for his own survival. They are so ignorant and thats the reason why they will lose everything. Hiiraale is smart in compariosn to these bogus clan leaders...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale Oo Maanta Qudbad Ka Jeediyay Kulankii Baarlamaanka

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka ku meel gaarka ah xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxa uu shirar kale duwan la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda.

 

Sidoo kale waxa uu wasiirku la kulmay Ugaaska beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xiriira gobollada Jubbooyinka iyo GEDO.

 

Kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa wasiirku waxa uu ka jeediyay khudbad xasaasi ahayd oo si weyn u soo jiidatay xildhibaannada dowladda eek u sugnaa hoolka shirarka ee maanta.

 

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa uga hadlayay ujeeddooyin fara badan oo ay ugu horreysay in dalka dhibaatada uu iminka ku jiro laga saaro, si looga saarana ay muhiim tahay in marka hore xildhibaannada dowladda iyo kuwa baarlamaankuba ay u wada guntadaan sidii ay u midoobi lahaayeen, isku meelna uga soo wada jeesan lahaayeen xallinta dhibaatooyinka dalka haysta. Waxaana uu ugu baaqay dhammaan xubnaha baarlamaanka ee kulankaas fadhiyay in ay iska illoobaan wixii ay horay u kala qabeen.

 

Mar uu ka hadlayay hadafkii isbahaysiga dooxada Jubba ee ku aaddanaa kulankii uu wasiirku u iclaamiyay in Kismaayo labada gole la isugu keeno ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ay aheyd in la soo afjaro waxii khilaaf ah ee u dhaxeeyay mudadaasi masuuliyiinta ugu sareeysa labada gole ee dowladda.

 

Waxa uu wasiirku soo dhoweeyay heshiiskii Yemen ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay ku soo heshiiyeen, isla markaasna suurto geliyay in xukuumadda labadeeda goleba ay Baydhabo wada yimaadaan.

 

Waxa kale oo uu qudbadiisii wasiirku ku sheegay in dalku uu burbursan yahay, dowladdana looga fadhiyo inay dejiso, isku duubnina uga gudubto caqabadaha guud ee hor yaalla, mudnaantana la siiyo in shacabku dowladda wax qabasho uga baahan yahay.

 

Wasiirku waxa uu ka dalbaday golaha baarlamaanka in la kala caddeeyo hawlaha hay'adaha dowladda, lana kala sooco oo hay'ad walba howsheeda loo madax banneeyo si howlahii dowladdu ay socoto. Waxaana uu intaas raaciyay in golaha sharci dejinta, kan fulinta iyo kan garsoorkuba ahaadaan kuwo cid walba meel ay ugu hagaagto ay taqaanno.

 

Waxa uu wasiirku sidoo kale dalbaday in qodobka 47aad ee axdiga ku meel gaarka ah wax laga beddelo si dadka aqoonyahanada looga qeyb galiyo dowladda oo wax weyn ka tari kara horumarinta iyo dowladda Soomaliya.> Qodobkaas uu wasiirku ka dhawaajiyay in wax laga beddelo ayaa xildhibaannadii maanta dhegaysanayay qudbadda wasiirka ay si weyn u soo dhaweeyeen.

 

Mar uu wasiirku ka hadlayay xaaladda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ku meel gaarka ah looga baahan yahay in sida ugu deg deg badan ay tallaabo cad uga qaaddo xaaladda magaalada Muqdisho ee ay dadka badani oo shacab ay waxyeelo naf iyo maalba leh ay ka soo gaareen. Waxa kale oo uu codsaday in dowladdu u dirto wefdi dhexdhexaad ah oo qaran isla markaasna soo xalliya oo soo dhexd hexaadiya hoggaamiyeyaasha Muqdisho oo uu Barre Hiiraale ku tilmaamay saaxiibbadeenna dowladda ee aan loo baahnayn in la lumiyo.

 

Wasiirka ayaa qudbaddiisa oo aad u dheerayd waxa uu ku soo gebagebeeyay in xildhibaannada dowladda looga baahan yahay marka ugu horreysa inay iyagu isu tanaasulaan si ay u uurto gasho inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed ee sugaya.

 

Gedonet News Desk

Gedo, Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this