Sign in to follow this  
SOO MAAL

SOMALILAND IYO SOOL SANAAG MAXAA KALA HAYSTA?

Recommended Posts

SOO MAAL   

Maxaa ka jira xukuumaddu in ay u furtay sanduuq fidinta maamulka ee gobollada Bari….?

 

Tan iyo markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allah u Naxariistee bishii May ee sannadkii 2002, waxaa la moodaa in ay sii daciifaysay awoodda maamulka dowliga ah ee Xukuumadda Somaliland, gaar ahaana degmooyin ka mid ah bariga Sool. Waxa kale oo la arkayay muddooyinkan dambe tayo xumida xukuuumadda iyo tiro badnaanta Golaha Wasiirada oo tan iyo markii Md. Rayaale la doortay tiro beelay, waxaana soo if baxday in ay luntay wada shaqayntii dawliga ahayd, iyada oo waliba Wasiirrada xukuumadda khilaafkooda laga dareemo masraxyada siyaasadda, gaar ahaan saxaafada xorta ah oo ay si ba’an iskugu weeraraan.

 

 

Sida oo kale waxa dhacday in xubno Golaha Wasiirada ka mid ahi ay si toosa uga hor yimaadeen barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen (Maxamed Xaashi iyo Tallaabo) oo xilkoodii ku waayay.

 

 

Haddaba muddo Laba sannadood iyo laba bilooda ah ayaa iminka laga joogaa markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland booqashada kadiska ah uu ku tagay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood, halkaasi oo ay ku soo weerareen maleeshiyada Cabdillaahi Yuusuf, inkasta oo ciidamada Somaliland si geesinimo leh u difaaceen magaalada iyo weftigii Madaxweynahaba,haddana taasi waxay horseeday in in gebi ahaanba albaabada loo soo xidho maamulkii gobolka Sool ee Somaliland. Waxa iyana aan ilaa iminka jawaab loo hayn sababta ku kaliftay Madaxweynuhu inuu booqdo Laascaanood isaga oo aan marka hore gacan buuxda ku haynin maamulka deegaankaas, isla markaasna aan ka fikirin khatarta ka hor iman karaysay, maadaama dhawr maalmood ka hor uun jidka loo galay laguna rasaaseeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, lamana oga ilaa iminka cidda Madaxweynaha kala talisay inuu ku dhaqaaqo safarkaas aan khayrka dhalin.

 

 

Madaxweyne Rayaale ayaan sida oo kale ilaa iyo markaa dedaal badan oo diblamaasiyadeed ama Milatari samayn marka laga reebo qaybo ka mid ah ciidamada Qaranka oo la geeyay gobolada bariga, kuwaas oo loo geeyay halkaasi in ay fulliyaan hawgalo lagu soo sugayo xuduudaha Somaliland. Asxaabta mucaaridka ah, Mujaahidiinta SNM, iyo dadweynaha reer Somaliland ayaa guud ahaanba si aad ah u taageeray dhaqaajinta ciidanka qaranka una muujiyay xukuumadda sida ay ugu garab taagan yihiin difaaca sharafta iyo karaamada dalkooda hooyo. Fursaddaas dib isku abaabulada iyo taakuleynta ciidanka qaranka, ayaa u muuqatay mid aan sidii la rabay looga faa’iideysan, maadama ay meesha ka maqnayd dedaalkii diblamaasiyadeed ee lagu takooori lahaa maamulka ****** teeniya si culeys loogu saaro in ay ciidamadooda kala baxaan magaalada Laascaanood. Mar kale ayaa haddana dabayaaqadii sannadkii tagay uu jawi dagaal halkaas ka soo cusbooonaaday ka dib markii weerar kadis ah ay ku soo qaadeen maleeshiyada Cabdillaahi Yuusuf ciidamada qaranka ee Jiida hore (Adhi-Cadeeye), weerarkaasi oo si ba’an ay ugu jabeen ciidamdii Puntland. Dagaalkan dambe ayaa wuxuu si aad ah uga cadhaysiiyay guud ahaanba dadka reer Somaliland guddo iyo dibadba, taasi oo meelaha qaar Jaalliyadaha dibadu soo jeediyeen in la sameeyo guddiyo taakuleyn ah, nasiib darrose aanay xukuumadda Somaliland iyo wakiiladeeda dibaduba dheg jallaq u siin.

 

 

Haddaba waxa la yaab ku noqotay dad badan oo qurbo jooga Somaliland ah, ka dib markii ay dhawaan dalkan Boqortooyada Ingiriisku shirar aan caadi ahayn kula yeesheen xisbiyada siyaasiga ah iyo Jaalliyadaha Somaliland, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Somaliland oo kala ah; Wasiirka duuliska iyo hawada, Abiib Diiriye, Wasiirka xidhiidhka golayaasha, Cabdi Xasan Buuni, Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibada Siciid Maxamed Nuur iyo wasiir u dowlaha arrimaha guddaha, Aadan Waqaf, kuwaas oo dalkan ku jooga booqasho aan rasmi ahayn. Kullamadaasi ayaa sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xisbiyada siyaasiga ah oo ka qayb galay iyo Jaaliyaduba ay Wasiiradu u sheegeen in ay u socdaan sidii Jaalliyadaha dibaddu uga qayb qaadan lahaayeen sanduuq dowladdu furtay oo loogu tallogalay horumarinta iyo fiddinta maamulka ee gobollada Bariga Somaliland iyo taakuleynta ciidamada qaranka. Waxa kale oo ay Wasiiradaasi caddeeyeen in Madaxweyne Rayaale u soo diray sidii ay xaaladda dalku marayo ula socod siin lahaayeen Jaalliyadaha iyo waliba in la soo nooleeyo xidhiidhka xukuumadda iyo jaalliyadaha.

 

 

Sida aynu la socono qurba jooga reer Somaliland waxay kaga jiraan kaalin muuqata dib u dhiska iyo horumarinta dalka, waxayna door muuqda ka qaateen dhammaanba doorashooyinkii dalka ka dhacay, gaar ahaan aftidii distoorka oo ay taageero dhaqaale oo mug leh ka geysteen, taas oo ay guddi madax bannaan maamulaysay. Waxaase su’aalo badan la iska weydiiyay qaadhaanka ay Wasiiradu ka codsadeen jaalliyadaha, taasi oo dad badan af kala qaad ku noqotay, sababta oo ah iyada oo ay tahay markii ugu horeysay ee la arko masuuliyiin dowladda ka tirsani codsi noocan ah si rasmi ah ugu dhawaaqaan. Waxa kale oo dadka si aad ah uga biyo diideen habkan jabhadaysan ee xukuumaddu u socoto oo dad badan u arkaan mid fadeexad ku ah maamulka dowliga ah. Waxa iyana xusid mudan in aanay ku wehelin xubanaha Wasiirada ah wasiir kaliya oo ka soo jeeda goboladaas. Guud ahaan waxay u muuqataa mid dhicisoobaya, maadaama aanay jirin guddi qaran oo loo xilsaaray arrintan, kuwaas oo aan xataa haddii ay jirto baaq rasmi ah oo ay ka soo saareen aanu jirin oo la mid ah tii guddidii aftidu soo saartay wakhtigii loo codeynayay distoorka qaran.

 

 

Dhanka kalena waxa ay qurba jooga reer Somaliland ka dharagsan yihiin musuqmaasuqa baahay ee hadheeyay xukuumadda Rayaale, taas oo aan ku dhiirigalinayn in ay taageero dhaqaale u fidiyaan xukuumadda Somaliland.

 

 

Haddaba isweydiintu waxay tahay intee in le’eg ayaa guddaha dalka laga og yahay ujeeddooyinka safarka xubnaha Golaha Wasiirada ka tirsan ay ku joogaan dalkan Ingiriiska, Maxaase ka jira in sanduuq noocan ah xukuumaddu u furtay fidinta maamulka iyo furdaaminta mushkilada qaybo ka mid ah Bariga Somaliland. Jamhuuriya Online

 

 

Wasiirro Ka Socda Maamulka Riyaale Oo Jaaliyadaha Dibadda Ee Beelaha Isa aqa Ka Codsaday Inay Furaan Sanduuq Dhaqaale Oo Lagu Weeraro Gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn .

 

 

London(Radiossc.com)11/02/05:-Wararka aan ka helayo Ilo-Xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhawaan yimaaddeen xubno ka socda Golaha wasiirrada ee Maamulka la magac baxay Somaliland dalka Ingiriiska kuwaas oo qaylo dhaan kula soo dhex dhacay Jaalliyadaha Beelaha Isa aqa ee Qurba Joogta ah sidii ay qaadhaankii ay Hore u bixin jireen ee ay ku taageeri jireen Jabhada SNM ay sii laban laabaan.

 

 

Wasiirradan haatan arrintan u ololaynaya ayaa waxa ka mid ah Wasiirka duuliska iyo hawada, Abiib Diiriye, Wasiirka xidhiidhka golayaasha, Cabdi Xasan Buuni, Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Siciid Maxamed Nuur iyo wasiiru dowlaha arrimaha guddaha, Aadan Waqaf, wasiirradan oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha Di rta Waqooyi, waxayna kulamo la yeesheen jaalliyada beelaha Isa aqa ee ku sugan dalka Ingiriiska waxayna u soo jeediyeen in ay furaan sanduuq dhaqaale lagu ururinayo laguna weeraro Gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ee ay degaan beelaha Dhul bahante iyo Warsan gali si uu maamulka Somaliland u fido.

 

Arrintan ay haatan ku tallaabsanayaan maamulka Riyaale hoggaamiyo ayaan ahayn markii ugu horraysay ee ay jaalliyadahooda dibadda ee beelaha Isa aqa ka codsadaan in ay dhaqaale u ururiyaan Malayshiyada SNM, magaalada Caynaba ayaa jaalliyadaha dibaddu ee beelaha isa aqu waxa ay ka dhiseen Cisbitaal kaas oo loogu talo galay haddi dagaal qarxo in lagu daweeyo Malayshiyada SNM, waxa kale oo ay jaalliyada Isa aqu soo direen gawaadhi tiro badan oo kuwa gargaarka ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xiisadda ka aloosan Gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn.

 

Haddaba waxaa isweydin mudan maadaama ay Beelaha Isa aqa, Hoggankooda siyaasadeed iyo kan jaalliyaddooduba ku hawlan yihiin sidii ay dhaqaale iyo taageerooyin kaleba isula garab taagi laahayeen malayshiyadooda duulanka ah waxa la gudboon jaalliyadaha Guud ahaan reer Puntland, gaar ahaana Jaalliyadaha Gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ee dhulkooda ay beelaha Isaaqa iyo Maamulkoodu ugu soo tabaabushaysanayaan sidii ay uga buuxsan lahaayeen weerar ay ku soo qaadaan.

 

Cali Jaamac Sugelle.

 

Radiossc.com

 

London England.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

WAXAA KALIYA LOOBAAHANYAHAY WAA WADAHAL (PEACE TALKS) DHEX MARA MAAMULKA SOMALILAND IYO REER SOOL SANAAG, ANI WAXAY ILA TAHAY IN LOO BAAHNEEN SANDUUG DAGAALKA LAGU WEENEEYU

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this