Sign in to follow this  
Jacaylbaro

CIIDAMADA DOWLADA OO LAGA SAARAY CADAADO

Recommended Posts

Ciidamadda dowladda federalka oo awood looga saaray Cadaado iyadoo hub iyo saanadba laga furtay

 

 

Sida aanu ku heleeyno warar deg dega oo naga soo gaaray Cadaado Maleeshiyooyin beeleedyo u dhashay beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa dagaal qaraar la galay Ciidamadda dowladda federalka ee fariisinka ku lahaa degmadaas.

 

 

wararka xaqiiqadaa waxay sheegayaan in gawaari tikniko iyo kuwa saad ay ka furteen Ciidamadda dowladda Maleeshiyo Reer Xaaji Saleebaan,kadibna ay ka saaraan Magaaladda oo dhan.

 

Dadka degan Bandiiradleey ayaa soo sheegaya in Ciidamadaas oo firdhada ay u dhaafeen dhinaca Gaalkacyo iyadoo halkaasna ay kooxo hubaysan wadada ugu galeen.

 

Ciidamadda la jibiyay ee degana Cadaado ayaa la sheegay inay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Garowe,waxaana Magaaladda Cadaado lagu dhex arkay Gawaari Cabdi bilayaal ah iyo Booyadda Biyo oo laga furtay Ciidamadaas dowladda ee la jibiyay.

 

Koofurta Gaalkacyo,Bandiiradleey iyo Gelinsoor ayaa la sheegayaa in laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo dagaal oo ka dhana Dowladda federalka iyadoo cabsi wayn laga qabo inay xabadda ka bilaabato gudaha Gaalkacyo.

 

Koofurta Soomaaliya waxaa laga dareemayaa xasaasiyad qabiil,waxaana muuqanaya dadka inay laabta gashadeen Cabdilahi Yusuf wuxuu doonayaa in ****** la xasuuqo

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamo ka yimid Boosaaso oo watay ilaa Labo booyad shidaal ah, Gaari sahay raashiin iyo hub u saarnaa iyo dhowr Gaari oo kuwa dagaalka ah loo galay agagaarka degaanka Cadaado iyagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasoo khasaaro ba'an loo geystay.

 

Sida warku sheegayo ciidamadaasi ayaa laga qabsaday laba Booyad oo shidaal iyo Labo gaari oo kuwa dagaalka ah halka mid kalena la xaqiijiyey in laga gubay, iyadoo kuwii kalena ay dib ugu laabteen Puntland.

 

16 Askari ayaa laga dilay Askartaas Reer Garowe 21 kalana waa laga dhaawacay iyagoo u baxsaday dhinaca Gaalkacyo oo ay dhaawacooda geysteen.

 

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidamo reer Puntland ah oo ku sugnaa degaanka Cadaado, kuwaasoo caawinayay ciidamada dowladda KMG, sidaana waxaa xaqiijiyey Taliyaha Guutada 7aad ee Puntland G/dhexe Daahir Cartan oo saxaafadda u sheegay in kooxo iska soo abaabulay deegaannada Godinlabe iyo Gidhays oo ka tirsan gobolka Galguduud ay weerareen mid ka mid ah talisyada ciidamada dowladda KMG ee ay joogeen ciidamada Puntland , gaar ahaan taliskii uu ku sugnaa G/sare Maxamed Muuse Ilko-dheere.

 

Dad tiradoodu gaarayso 12 qof ayuu sheegay in dagaalkaas looga dilay ciidamada dowladda oo sida uu sheegay la soo gaaday, ilaa Lix qof oo kalana laga dhaawacay, ciidamadaas oo sida uu sheegay ah kuwa Puntland ka tirsan balse caawinayay ciidamada dowladda KMG.

 

Xaaladda degaannadii uu dagaalkaa ka dhacaya ayaa imminka deggen, iyadoo kooxii weerarka soo qaadayna la sheegay inay dib ugu laabteen deegaannadii ay iska soo aruursadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo qiratay qasaaro ka soo gaaray dagaalkii Cadaado

 

 

Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa qirey in qasaaro naf uu ka soo gaaray, gawaarina looga qabsaday dagaalo saacado socday oo ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka G/gaduud ee Bartamaha Somalia.

 

In ka badan 12 ruux ayaa ku nafwaayay Dagaalo qaraar oo saakay ka dhacay degmada Cadaado , iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamo ka socda Puntland iyo kuwa deegaanka ay keentay in halkaasi laga saaro ciidamadii Puntland.

 

Dagaalkaan ayaa sababay qasaaro soo gaaray ciidamadii Puntland iyo kuwii deegaanka, iyadoo sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Puntland ahna abaanduilaha Guutada 7aad ee ciidamada Puntland G/dhexe Daahir Xasan uu qirey in 10 askari ay kaga geeriyoodeen dagaalkaasi.

 

Sarkaalkaan oo ragga wararka fidiya kula hadlay magaalada Galkacyo ayaa sheegay in kooxo hubeysani ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen, isla markaana halkaasi ay isaga soo baxeen.

 

Dagaalkaan ayaa sidoo kale ciidamada deegaanka waxa ay kula wareegeen 4 baabuur oo sida la sheegay labo ka mid ah ay saarneyd saanado ay lahaayeen ciidamada Puntland.

 

Xaaladda Degmada Cadaado ayaa dagan, ka dib markii ay la wareegeen maleeshiyo deegaanka ah iyadoo aysan jirin wax dagaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidan tiradoodu gaarayso 12 qof ayaa ku dhimatay tiro lix qof ahna dhaawacyo ayaa ka soo gaarey kadib markii Malishiyaad hubaysan ay weerar culus ku qaadeen ciidamada tirsanaa Puntland oo taageerayay dawladda federaalka kuwaas oo ku sugnaa degmada Cadaado.

 

Maleeshiyaadkan weerarka soo qaadey ayaa iska soo abaabuley degaanka Godinlabe iyo Gidheys oo ka tirsan degaanka Galgaduud sida uu saxaafada u sheegey taliyaha ciidanka dagaalku qabsadey.

 

Malishiyaadka weerarka soo qaadey ayaa gacanta ku dhigey 4 baabuur oo Tekniko ah iyo gaari saadka u sidey ciidamadan.

 

Wararka ayaa sheegaya in Malishiyaadka weerarka soo qaadey ayaa ka duuley degaanka wasiirka Arrimaha gudaha DFKMG ah.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhamaan dhaawaca oo hada lagu daaweynayo.

 

 

Garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jacaylbaro@lol.......does this mean shaqadii uu General_Duke ka dhuuntay ee uusan rabin inuu dadka la wadaago arrintaan uusan la dhacsanayn ayaad soo bandhigaysaa?lol

 

 

Hadhoow buu Duke ku doodayaa qabiil uma hadlo...oo tolow hadduusan u hadlin wararka kaleba waa keenaa ee kani xaggee ka maray?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Abwaan waad jirantahay

 

qabiil daraadeed ayaad duke ugu kacsantahay

 

xitaa heer waxa aad gaadhay inaad thread gaar ah u furtid duke

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado: Xogtii ugu danbaysay ee weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan Puntland oo Cadaado kusugan.

22. Mar 2007

 

 

 

 

Cadaado(AllPuntland)- Dad tiradoodu gaarayso 12 qof ayaa ku dhimatay tiro lix qof oo kala ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii kooxo hubaysan ay weerar culus ku qaadeen ciidan ka tirsanaa dawladda federaalka ee kusugnaa degmada Cadaado.

 

Sida uu sheegay taliyaha guutada todobaad ee G/dhexe Daahir Cartan kooxo iska soo abaabulay deegaanka Godinlabe iyo Gidhays oo ka tirsan Galguduud ayaa weeraray mid ka mid ah talisyada ciidamada.

 

Xaaladda ayaa iminka deggen, kooxihii weerarka soo qaadayna waxaa lagu soo waramayaa inay dib ugu laabteen deegaannadii ay iska soo aruursadeen.

 

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa laga gacanta ku dhigay 4 kamid ah gaadiidkii ay lahaayeen mid ahaa gaarigii saadka u waday ciidamada.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawaca dad gaaraya saddex qof oo haatan lagu dawaynayo cusbitaalka .

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Garaad Caanood:

Abwaan waad jirantahay

 

qabiil daraadeed ayaad duke ugu kacsantahay

 

xitaa heer waxa aad gaadhay inaad thread gaar ah u furtid duke

O adiga maxaa ka hadalsinaya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

quote:

--------------------------------------------------------------------------------

Originally posted by Garaad Caanood:

Abwaan waad jirantahay

 

qabiil daraadeed ayaad duke ugu kacsantahay

 

xitaa heer waxa aad gaadhay inaad thread gaar ah u furtid duke

--------------------------------------------------------------------------------

 

O adiga maxaa ka hadalsinaya?

 

sxb dee qabiil baa ka hadlisiinaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Garaad Caanood:

Abwaan waad jirantahay

 

qabiil daraadeed ayaad duke ugu kacsantahay

 

xitaa heer waxa aad gaadhay inaad thread gaar ah u furtid duke

******* Caanood wixii jirran Ilaah ha caafiyo, if ama meeli ku xanuuntay amaba you disagree with me tough luck. Sxb su'aal la is weydiin karo ayaan meesha soo bandhigay, Duke had the most cut and paste here atleast dood ayaan soo dhex-dhigay. Meeshaanna quraan kama uu akhriyo waxa uu qoro waad aragtay adiguna kolleey waxba ma dhaantid oo waa iskaga nacamlaysaa waxba magacyada ha bedelan waan is naqaan!

 

[ March 23, 2007, 01:11 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this