Sign in to follow this  
Jumatatu

Soomaaliya 15 sano kadib ma xamali kartaa madaxweyne wax walba ah

Recommended Posts

Jumatatu   

News.jpg

Sida aan la socono Soomaaliya waxaa soo maray madaxweyne ka weyn sharciga sidoow rabana yeelo ayadoona la ogyahay kuwa hadda jira in uu ka muwadansanaa kana dal iyo dad jeclaa marka runta laga sheego tarriikhda ma guurtada ah , waxaase wax la layaabo ah haddi la yeelaayo madaxweyne si doow doona i yeelaayo wax walbana uu ku fkira iska sameynaayo maxaa loo racadeynaayey madaxweyne Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee .

 

Hadaba haddii aan wax yar soo xusna Tariikhda madaxweynah Soomaaliya xiligaan Cabdulaahi Yuusuf waa nin miltari ah waa nin sodan sano ku jirey xaalada milatari ama dagaal asagoo ahaa xiligaa gudoominimadiisa nin aan jeceleyn in lagula tartami jagadiis gudoomiye nimo cidii hunguri ka soo galana uu qaarijin jirey ,inmuda kadib jagadii gudoomiyonimo waxuu ku badashay madaxweynaha maamula goboleydka Puntland ayadoo markaa loo arkaayey bal in lagu dajiyo odayga madaama uu sheeganayey sodonsano oo jabhadeys ah .

 

Maxuu qabtay xiligaa uu haa madaxweynah Puntland

 

1 waxaa laga marqaati kacayaa in uu xoogaa soo celiyey nidaamkii dowli asagoo markaa u arkaayey hadii uu ku guleysto howsha nabad galyada in uu kasban doono dad badan oo jecel nabada ,kadib waxuu bilaabay in uu isku noqdo madaxweyne iyo wasiir gashadhig ee Puntland si hadii leysku dayo in la yiraahdo duqa in badan waad heysaa ee janas nasii marka taana weydhacdoo markii waqtigii loogu talagalay in haayo xilka Punland ku darsaday 2 jeer oo saa´´id ah.

 

Intaa kadib shacabka iyo odaydhaqmedka Puntland waxey keeneyn in hoosta ka guuxaan oo ay yirahdaan oday Cabdulaahi waa in aan iska qabanaa kadib waxaa leysku dayey in meesha laga qaado tasoo keentay dadka Puntland oo ah dad nabada jecel in uu tuuto milatari uu u gashto uu dagaalka ku qaado shacabkii hiloowga u hayey asagoo markaa ciidamo ka soo ka xeystay Itoobiya kadib ku laayo kuwii isbadal doonka ahaa kadibna sidaa uu ku sii qabsaday .

 

Haddaba maxay sameyeen dadkii Puntland ee uu xooga ku qubsaday Col. Cabdulaahi Yuusuf , waxey galeen masaajidada ayagoo illaah baryayo ayeey yirahdeen allow waa nagu salidaye kuwa ka dhibadan ku salid .

 

Halkaa markii ay mareyso ayaa waxaa bilaawday shir dib u heshiin oo loogu talagalay Soomaaliya asagoo odayga quudareynaayo ayuu aaday shirkii si buu mar uun loo yiraahdo madaxweyne tasoo uu si sahal ah ku helay madaxweyna nimadii uu 30ka sano ugu jirey duurka , durba waxuu bilaabay in uu sharciga daba maro uu yiraahdo wax walba anigaa ah asagoo ayadoo la joogo goobtii shirka lagu qabay uu qaatay jagadii gudoomiyaha Barlamaanka .

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf intaa kuma ekaan waxuu hadana qaatay tii gashaadhiga iyo tii taliyaha ciidamada asagoo xilwalba isku dayaayo in uu u dhaqmo sidii madaxweyen reerkiisa kaliya u talinaayo tasoo macnaheydu yahay wax walbo aan iraahdo qata asagoo hilmasan 270 xildhibaan ka yimid beelo kala gadisan oo 15 sano dagaal ka dhaxeeyey mas la socoyo miyaa Cabdulaahi in aan la joogin 1945 ay Soomaalidu aheyd jaahilka

 

Gabgabada iyo gunaanadka Soomaaliya xiligaan ma u baano madaxweyne waxwlba isku ah ee waxey u baahantahay madaxweyne qunyar socod ah oo sharciga ilaaliyo si ay Soomaali isugu soo noqoto.

 

Mise hilmaamsan yahay madaxweyne Cabdulaahi Yusuuf 30kii sano uu duurka ugu jirey in uu dhaliyo xukun caadil ah

 

Cabdisaan Macalin dhiblaawe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Jumatatu

 

Sida aan la socono Soomaaliya waxaa soo maray madaxweyne ka weyn sharciga sidoow rabana yeelo ayadoona la ogyahay kuwa hadda jira in uu ka muwadansanaa kana dal iyo dad jeclaa marka runta laga sheego tarriikhda ma guurtada ah,

 

Waa marka hore, qeexitanka “mawaadinamo†ma mid aan isku si u aragno miyaa, mise waa mid ku salaysan qof waliba aragtidiisa? Walaal, sabato ah waxaa jirta umado aad ubadan oo haysta fikrad aad iyo aad uga gedisan tan aad meesha ku qortey. Waxaa tusaale ah, siduu ula dhaqmey umadaha gobolka koonfureed, asgoo xaqirey xaquuqda ay kulahaayeen wadanka, in marxuumka dadkiisa ay galeen dhul boobsi, mamulka wadanka uu ku koobnaa reera qura. Waxaa hubaal ah in ey jireen dad bada oo kayimid gobolada dhexe oo aqoon mumulnimo, hadana meel sare ka gaarey dowlada uu markaas marxuumka hogaamiyaha u ahaa. Waxaa xaqiiq ahayd iney jireen dad badani oo dakiisa ah oo qori Karin luqada hadana jage sare ka hayey wadanka. Waxyaalo fool xun ayaa jirey hadaa ogtahey, laakiinse ma filayo iney haboon tahay dib u eegida foosha xun ee ka dhacay wadank waqtigii marxuumka.

 

 

waxaase wax la layaabo ah haddi la yeelaayo madaxweyne si doow doona i yeelaayo wax walbana uu ku fkira iska sameynaayo maxaa loo racadeynaayey madaxweyne Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee.

 

Waxaan filayaa maamul xumo, dhacitaanka xoolaha wadanka, iyo mida dadka soomaaliyeed iney kadambeysey racdeyska dawlada Bare.

 

Hadaba haddii aan wax yar soo xusna Tariikhda madaxweynah Soomaaliya xiligaan Cabdulaahi Yuusuf waa nin miltari ah waa nin sodan sano ku jirey xaalada milatari ama dagaal asagoo ahaa xiligaa gudoominimadiisa nin aan jeceleyn in lagula tartami jagadiis gudoomiye nimo cidii hunguri ka soo galana uu qaarijin jirey...

 

Bani aadamka dabiicigisa aya ah in qof waliba uu jeclaan lahaa in taladiisa mooyee midkale aysan jirin. Sida aad ogtahay, majiro qof raba inuu dhiibo xakumad/awood uu leeyahay. Tusaale waxaad uqadaan karnaa dawladaha kadhisan wadamad Africa amba kuwa kale. Sidee baad ku ogaan kartaa in Bare uusan qariijin lahayn walaakiis hadii uu damci lahaa kursigiisa?

 

 

Ilama aha iney haboon tahay in Yuusuf iyo Bare lays barbardhigo. Sababto ah waqtiga uu xukunka Bare qabsadey waxay ahayd waqti dadka Soomaaliyeed ku jirtey wadan jacayl iyo wax wada qabsi. Sidaas darateed Bare kalama uu san kulmin wax dhibaato ah amaba is hortaag kayimid shacabka soomaliyeed. Hadaan firino shacabka Somalia ee maanta jira, aminitankii, wax wada qaybisigii iyo Somali jecelkii wuu ka sal guurey. Qof waliba waxuu doonaya in uu asaga wax utaliyo, taaso keentey in Yusuf amaba kuwii kahorey ay ku adkaatey iney xasiloonida wadank soo celiyaan. Let's give Yusuf a chance, only then can we assess his aptitude in relation to Bare's.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this