Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xafladii Sagootinta Maxaabiista

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka ka qeyb galay xaflad lagu sii sagootiyay 76 maxbuus oo uu dhawaan cafis u fidiyay oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Dhaban-saar iyo Laascaanood.

 

Maxaabiistaasi oo isugu jira 68 Maxbuus oo u dhashay Gobolada Sool iyo Buuhoodle, halka 8 maxbuusna ay u dhasheen maamul goboleedka Puntland.

.

Xafladii lagu sii sagootiyay maxaabiistaasi, oo lagu qabtay Hoolka Haa’yada shaqaalaha dawlada, ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Wasiirada hawlaha guud, Cadaalada, Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud, Axmed Cabdi Xaabsade, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Sool.

 

Wasiirka Hawlaha guud Md Siciid Sulub Maxamed, oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne waxa xafladan jooga muwaadiniintii reer Somaliland ee ka faa’iidaystay cafiskaaga oo ah 68 qof iyo 8 oo reer Puntland ah, waxana ay kaaga mahad-naqayaan cafiska aad u fidisay.”

 

Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii halkan umaan iman hadal badan umaan iman, inaan idin arko oo kalmaydayda aan idin idhaahdo uun baan u imid, waxaan idin leeyahay intiina Somaliland u dhalatay dalkiinii baad joogtaan , ku soo dhawaada, ninkii shaqo raba iyo ninkii iskii u shaqeysanayaba wuu u madax banaan yahay.”

 

Md Daahir Rayaale Kaahin, oo si gaar ah ula hadlayay maxaabiista u dhalatay Puntland waxa uu yidhi “Qoladaa kale ee aanu jaarka nahay [Puntland] ee walaalaha aanu nahay waxaan leeyahay safar fiican inaad magaalooyinkiinii ku tagtaan.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa in Somaliland guaheedu isku dhac-dhacdo wax fiican ma aha, laakiin duruufaha iyo wakhtiga yimid baa keenay in mar mar ay timid, waxaan xasuustaa Dayr Cabdi Iska-toose, oo aanu halkan wada joogaynay, horena aanu isku naqaanay ragii Somaliland wax ka aasaasayna ahaa run ahaantii, waxaan jecelahay in wixii horena la ilaawo walaaltinimadana halkeedii laga wado, waxaan idiin rajaynayaa in aynu nabad ku noolaano, ilaahayna wixii khilaaf ah inaga saaro.”

 

Dayr Cabdi Iska-toose, oo ku hadlayay magaca maxaabiistaasi la cafiyay, ayaa aad uga mahad naqay sida loo sii sagootiyay, waxana uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay xafladan balaadhan ee naloo soo agaasimay ee uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland, waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa odayaashii cafiskayaga soo doonay, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Madaxweyne Rayaale oo odayaashii ka aqbalay cafiskayagii.”

 

“Waxaanu iksa dhigaynay in aanu gurigayagii nimid wax dhibaato ah oo naloo geystayna ma jirto, haddii ay tahay jeelka Burco iyo jeelka Mandheera labadaba, si fiican ayaa naloogu hayay, saraakiishii iyo askartii jeelashaasi waxaan u dirayaa Hambalyo” ayuu yidhi Dayr Cabdi Iska Toose.

 

 

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

max4.jpg?0.19629383048333288

 

maxaabiis.jpg?0.19629383048333288

 

 

Hargeysa-Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ka qeybgaley xaflad sagootin ah.oo lagu sii sagootinayey maxaabiiistii dagaaladii Laascaanood ku dhexmaray maamulada puntland iyo Somaliland lagu soo qabtey. Xaflad oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtey hoolka shaqaalaha dawlada ayaa waxa ka soo qeyb galay Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiirada hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Cadaalada Axmed Casoowe, Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

 

Ugu horeyn waxaa xafladaas ka hadlay Wasiirka Hawlaha guud Md Siciid Sulub Maxamed, oo hadal kooban jeediyay, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Mudane Madaxweyne waxa xafladan jooga muwaadiniintii reer Somaliland ee ka faa’iidaystay cafiskaaga oo ah 68 qof iyo 8 oo reer Puntland ah, waxana ay kaaga mahad-naqayaan cafiska aad u fidisay.”

 

"Runtii halkan hadal badan umaanan iman, inaan idin arko oo kalmaydayda aan idin idhaahdo uun baan u imid, waxaan idin leeyahay intiina Somaliland u dhalatay dalkiinii baad joogtaan , ku soo dhawaada, ninkii shaqo raba iyo ninkii iskii u shaqeysanayaba wuu u madax banaan yahay." sidaas waxaa yidhi madaxweyne Rayaale oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey.

 

"Qoladaa kale ee aanu jaarka nahay ee walaalaha aanu nahay waxaan leeyahay safar fiican inaad magaalooyinkiinii ku tagtaan baan idiin rajaynayaa."ayuu raaciyey Rayaale oo markaas la hadlaya dhalinyarada ka soo jeeda gobolada Bari,Nugaal iyo Mudug oo maxaabiista ka midka ahaa.

 

"Waxaan odhan karaa in Somaliland gudaheedu isku dhac-dhacdo wax fiican ma aha, laakiin duruufaha iyo wakhtiga yimid baa keenay in mar mar ay timid, waxaan xasuustaa Dayr Cabdi Iska toos, oo aanu halkan wada joogaynay, horena aanu isku naqaanay ragii Somaliland wax ka aasaasayna ahaa run ahaantii, waxaan jecelahay in wixii horena la ilaawo walaaltinimadana halkeedii laga wado, waxaan idiin rajaynayaa in aynu nabad ku noolaano, ilaahayna wixii khilaaf ah inaga saaro." ayuu raaciyey Rayaale oo kalsooni badan ka muuqato.

 

Dhanka kale Dayr Cabdi Iska Toos, oo ku hadlayay magaca maxaabiistaasa ayaa aad uga mahad naqay sida loo sii sagootiyay,iyo sidii loola dhaqmay intii ay xabsiyada ku jireenba.

 

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay xafladan balaadhan ee naloo soo agaasimay ee uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland, waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa odayaashii cafiskayaga soo doonay, waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Madaxweyne Rayaale oo odayaashii ka aqbalay cafiskayagii.”sidaas waxaa yidhi Col Dayr Cabdi.

 

“Waxaanu iska dhigaynay in aanu gurigayagii nimid wax dhibaato ah oo naloo geystayna ma jirto, haddii ay tahay jeelka Burco iyo jeelka Mandheera labadaba, si fiican ayaa naloogu hayay, saraakiishii iyo askartii jeelashaasi waxaan u dirayaa Hambalyo” ayuu yidhi Dayr Cabdi Iska Toos oo u hadlay maxaabiista la sii daayey.

 

Xafladaas ayaa waxaa kaloo ereyo noocaas oo kale ah ka dhiibtay siyaasiyiin iyo doayaal badan oo xafladaas ka soo qayb galay,kadibna waxaa loo sameeyey qado sharaf maxaabiistii,iyadoo la filayo inay ilaa beri soo ambabaxaan.

 

Sii daynta maxaabiistan ayaa waxa qayb weyn ka qaatay cuqaal iyo odayo reer Buuhoodle ah oo dhowaan gaadhay Hargeysa,iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Axmed Qaybe iyo Axmed Cabdi Xaabsade.

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kale Dayr Cabdi Iska Toos, oo ku hadlayay magaca maxaabiistaasa ayaa aad uga mahad naqay sida loo sii sagootiyay,iyo sidii loola dhaqmay intii ay xabsiyada ku jireenba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this