Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu MP's turn down Hiiraale initiative...

Recommended Posts

Barre Hiiraale oo maanta kulankii baarlamanka ka soo jeediyey in wadahadal lala furo xubnaha dowladda ee Jowhar ku sugan

 

September 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Fadhigii baarlamaanka ee xubanaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay maanta ku yeesheen hotel Saxafi ayaa loo diiday Saxaafadda in warbixin laga siiyo natiijadii ka soo baxday kulankaas.

 

Fadhiga baarlamaanka ee ay xubnaha labada gole ku yeesheen magaalada Muqdisho oo hore ay caadadu aheyd in markuu dhamaado warbaxin laga siiyo saxaafadda ayaaney maanta dhicin sidii looga bartay xubnaha labada gole inay uga warramaan saxaafadda natiijada kulankooda, waxaana jirtay in maanta markii uu soo dhamaaday kulankii xubnaha baarlamaanka ay xildhibaanada saxaafadda dhabarka u jeediyeen oo ay ku kala dareereen.

 

Arrintaas oo Saxaafadda ku noqotay mid ay aad ula yaabeen, inkasta oo aan la hubin sababta saxaafadda loogu diiday xogta kulankaas ka soo baxday ayaa dhinaca kale warar ku dhow dhow xildhibaanada waxa ay sheegayaan in xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan aaney jecleysan qaabka saxaafadda u tabiso wararka ka soo baxa kulamada baarlamaanka.

 

Sidoo kale warar laga soo xigtay xildhibaanada qaarkood oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegaya in kulankii maanta looga dooday qodoba uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale oo ku saabsanaa in wadahadal lala sameeyo mus’uuliyiinta dowladda fedraalka ee ku sugan magaalada Jowhar si loo dhameeyo khilaafka dowladda ka dhex jira si tanaasulaadna u yimaado.

 

Fikirkaas ayey si weyn uga soo horjeesteen xubna ka tirsan dowladda fedraalka oo iyaga Muqdisho ku sugan waxaana sidoo kale jirta in aan wax is afgarad ah laga gaarin qodobka uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale iyo qodoba kale oo aan la shaacin oo kulankaas lagu soo qaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Barre Hiiraale oo u sheegay maanta xubnaha labada gole ee Muqdisho in uu la soo xiriiray C/llaahi Yuusuf kana codsaday in uu dhex-dhexaadiyo xubnaha Muqdisho & Jowhar ku sugan

 

Warar ku dhow dhow shirkii maanta ay hotelka Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole dowladda federaalka ee ku sugsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay in uu ka codsaday xubnaha Muqdisho in ay ka ogolaadaan in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinaca dowladda ee ku kala sugan Muqdisho & Jowhar.

 

 

“Waxaa ila soo xiriiray madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna iga codsaday in aan dhex-dhexaadiyo labada garab ee dowladda federaalka, idinkana waxaan idinka codsanayaa in aan dhinaciina iga aqbashaan arrintaasi dhex-dhexaadinta ah†ayuu ka yiri wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegay in haddii aanan si degdeg ah loo xalin khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka in taasi ay soo dedejin karto burbur ku yimaada dowladda federaalka.

 

 

Xubnaha labada gole Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga dhex-dhexaadinta ah ee uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale.

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Dayniile-Muqdisho-Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this