Sign in to follow this  
Cowke

Shaykh Sharif Speaks Out On Somaliland Election

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweyne Shariif oo Xaley Ka Hadlay Doorashada Somaliland Maanta Ka Dhacaysa

 

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Shaeekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xaley khudbad dheer oo uu ka jeediyey munaasabada xuska 26-ka June waxaa uu kaga hadlay doorashada madaxtinimada ee maanta ka socota degaanada Somaliland.

 

Wuxuu Sheekh Shariif ku tilmaamay doorashada guul ay gaareen shacabka Somaliland, balse loo baahan yahay inaysan ilaawin in midnimadii dalka ay weli muqadas tahay.

 

“Waxaan ognahay in shacabka Somaliland ay caawa ku jiraan doorasho, weliba ay si amni ah ugu jiraan, waxaan ugu hanbalyeynaynaa dadaalka ay nabada iyo horumarinta bulshada u galeen iyo habka furan ee siyaasadeed ee ku dhisan doorashada xorta ah oo ay hogaankooda ku xushaan si nabad ah oo cod furan ah”, ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Wuxuu intaa ku daray:

 

 

Waxaan diyaar u nahay in wax kasta oo tanasul ah iyo xaalmarinba ah aannu u samayno walaalaha Somaliland ee Gobolada Woqooyi si loo helo midnimo Qaran loona dhayo dhibkii goboladaas ka soo gaaray dhacdooyinkii ugu danbayntii sababay bur-burka.

 

Waxaan si gaar ah u xusuusinaynaa Madaxda iyo Shacabka gobolada woqooyi ee Somaliland in xaaladda Soomaaliya ay ka duwan tahay xaaladdii 1991 – waayo waqtigaan waxaa dalka nagu haysta — ha noqoto koofur, ama puntland, ama Somaliland – dad nabad-diid ah oo u adeega Al Qaacidda, kuwaas oo haddii ay koonfur guula ka gaaraan ku soo maqan, Puntland iyo Somaliland – waana xaallad amni ah oo adag, oo taariikhiga ah dareen iyo farsamo cusub in lagu waajaha ah”.

 

Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada xaley saqdii dhexe iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyey ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in 50 sano ka dib xoriyada maanta la raadinayo midnimada ummada Soomaaliyeed.

 

“Waxaa laxow leh in 50 sano kaddib maanta la raadiyo midnimo iyo madax-banaani Soomaaliyeed ee aan goor hore hannanay. Arrintani waxaan ku tilmaami karaa oo kaliya, in ay tahay nasiib darro iyo musiibo ku dhacday umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan lagu eedayn karin cid kale oo shisheeye ah. Waayo, Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri: tahluukada haku doonanina gacmahiinna. Iyo aayadda kale oo oranaysa “wixii musiiba ah oo idinku dhaco, waa waxaad gacmihiina ku keensateen, wax bandanna ilaahay ayaa idiin cafiyo”, ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Sheekh Shariif wuxuu guud ahaan shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray kooxaha shisheeyaha ee amni darrada ka wada gudaha dalka.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

comments made by attention seeking individuals such as mr sherif is not worth much attention.... indeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

So far sh dalxiis has managed to send the best message to Somaliland though ,Comparing to mr godane who said he will blow us all up , and we should stop this kafir culture called democracy , Where is the pirate? No hambalyo from him, I bet he is writing notes

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this