Sign in to follow this  
Faafan

Xuuraan: Su'al uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Recommended Posts

Faafan   

Labbo saac oo aan xalay (habeenkii sabtida) fadhiyey kursi boqolaal Soomaali ah dhexdooda munaasabad uu hadal ka jeedinayay Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa iiga filnaa wax alaale wixii weeydiin ahaa een u qabay isaga iyo dhaqdhaqaaqa uu hogaamiyo.

 

 

Socdaal booqasho ah ayuu ku marayaa dalkani Koonfur Afrika, jaaliyada Ogaa'deniya ee halkan ayaa u qabanqaabisey isu imaatin aan is iri, malaha waa kii aan kulla kulmey dadkii ugu badnaa ee sanooyinkan isugu yimaada hal dugaal hoostiisa oo Soomaali ah, dadkaasi waxaa hadal dheer u jeediyey hogaamiyahani

 

 

Waligeey ogaad'eeniya ma tagin, waxbana kama aqaano, sidaasi oo ay tahay xogteeda wax badan ma moogi, laakiin marnaba fursad uma helin in aan ka dhagaysto hogaanka ugu sareeya ee dhaqdhaqaaqa ugu xooga badan ee u halgama xoriyada gobolkaasi.

 

 

Maxamed waxa uu taabtey boog kasta oo damqeysa Ogaad'eeniya maanta, dhibaato kasta oo heysata, laga soo bilaabi hooyada xaabada doonatay ee ciidamada xabashida dhexda u galeen illaa gabadha arriga la joogta ee la faro xumeeyey, waxa uu hanfariir iyo utun aan harayn ku tilmaamay tabaha cadawga uu dhawaanahan lasoo baxay ee ah in uu dadka ceejiyo, isagoo tusaale usoo qaatay muuqaalo lasoo bandhigey oo ah haween ey cunaheeda ay ka muuqdaan marmarkii xarkihii lagu ceejiyey.

 

 

Waxa uu waqti badan ku qaatay sharixista jabhada, isagoo waliba sii hor dagayay weeydiin kasta oo uu filan karay, waxa uu dadka u xaqiijiyey in jabhada ay tahay urur Soomaaliyeed xubina ka noqon karo qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo maskaxdiisu fayoowdahaykaasoo ayidsan mabaadii’da loo dagaalamayo oo ah in gobolkaasi xoriyad la gaarsiiyo.

 

 

Arrin igu cusbeyd maqalkeeda ayaa ahayd in jabhada uu xubin sharaf ka noqon karo qof kasta oo ajnabi ah oo ayidsan hadafkeeda, mar uu ka hadlayay magaca ay jabhadu qaadatay ee ********iya oo su’aalo badan ka yimaadeen ayuu sheegey in magaca uusan ahayn wax ka badan “neef lumey oo sumadii ku tiiley lagu baadi goobayo”, marka xoriyada la gaarana dadka Soomaaliyeed ee beel kasta leh ee gobolkaasi degen ay wada qaadan doonto magacii ay doonaan.

 

 

“Qadiyada Ogaad'eeniya ma ahan muran xuduud oo labo dal ka dhaxayso, ee waa dal la heysto oo xoriyadiisa loo halgamayo” ayuu yiri Maxamed Cumar Cusmaan oo farta ku fiiqey in Ethiopia ay dooneyso in ay qadiyada gobolkani u xambaariso Soomaaliya si ay aduunka ugu dhaadhiciso in Soomaaliya dooneyso dhul balaarsi.

 

 

Laga soo bilaabo sanadii 1998 dii, Maxamed Cumar iyo dowlada Ethiopia inta meel wada fariisteen “bisha wataas iyo ma ahan” isuguma imansababtoo ah Ethiopia meeysan dooneynin in ay kasoo baxdo shuruuda koowaad ee wadahadala shuruud la’aanta ah taasoo ah in wadahadalada ay ka dhacaan wadan sedexaad oo nabdoon, dhexdhexaad ah, bulshada aduunka ka tirsan, kuu dooniba ha ahaadee si heshiiska la gaaro uu u noqdo mid marqaati leh, wax ka badan 10 jeer ayay Ethiopia ergo usoo dirtey ONLF si loo wada hadashiiyo, laakiin markasta waxay ku doodeysey “inaga kaliya aan wada hadalno”, sababtuna waxay ahayd “in ONLF fagaare aduunka jooga lala soo fariistaa waa citiraaf iyo aqoonsi la siinayo jabhada , taasina Ethiopia diyaar uma ahan” ayuu yiri.

 

 

Hadal kasta oo uu dhoho waxaa u dhacayay sacab dhagaha kula guuxayaan, laakiin aniga marna maanan sacabeyn, sababtuna waxay tahay meeshaba loogama hadleyn wax lagu farxo, shacab gumeysi ku hoos nool oo duruufo adag la doonayo in lagu xoreeyo ayaa looga hadlayay, tan kale shacab fursadba umaanan heyn sababtoo ah wuxuu iga mashquulinayeen maqalka dhagahayga ee hadalka aan sidii dawada ugu baahnaayeen ee Admiralka.

 

 

Qof ayaa igu yiri “maxaa waxbo duubi meeyside maxaa ku heley?”, waxaan ugu jawaabay “shaqadeyda waan heystaa” ma filayo sida aan hadalkiisa u dhuuxayay in uu jirey qof ila mid ahaa.

 

 

Haddii aan is iri, malaha wax dhaliil ah ayaa ku jirey hadalkiisa, taasi waxay ahayd mar uu sheegey in dadka reer Ogaad'eeniya ee dibadaha jooga aysan ku fiicneyn bixinta qaaraamada jabhada, hadalkaasi haddii uusan ula jeedin sida rogiisa ah, waxaan marqaati ka ahay in uu yahay gaf, tusaalahana meel dheer kama keenayo, sanadii 2008 dii ayaan booqasho ku tagay magaalo yar oo ay cadaanka kaliya degaan oo la yiraahdo Grahams Town, gobolka Eastern Cape, waxaa jirta jaamacad ku taala oo la yiraahdo Rhodes University oo ah tan ugu saraysa Afrika barashada culuumta saxaafada, sababtaasina ay ahayd tan aan u aaday, halkaasi waa meesha aan ku arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo saraawiil ****gaabyo xiran oo kubad ku dhex ciyaaraya garoonka jaamacada oo bixinaya qaaraan bileedka jabhada xili aasku madoobaadey.

 

 

Dadkii meesha joogey boqolaal su’aal oo wadne-qabad ah ayay weeydiiyeen, qaarkood ogaal weeydiis yihiin, laakiin aniga inkastoo aan wariye ahaa, hadana hal su’aal xitaa maanan weeydiin, sababtoo ah waan ka qancay su’aal kastoon u qabay, waxaanan gaarey gunaanadka soo socda.

 

 

Madaxweynihii Maraykanka ee Ibrahim Lincoln ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Inta aadan is weeydiin Dowlada Maraykanka maxay kuu qabatay, adiga isweeydii Maraykanka waxa aad u qabatay”, kolkaasi nafteyda waxaan u sheegey in ay haboontahay in qof kasta isweeydiiyo waxa uu isaga u qabtey ********iya, inta uusan ONLF maraanmarin.

 

 

Waxaa iisoo baxay sawirka ah kureey inta reerkooda col wax ma hambeeye ah usoo dhacay, diley aabahood iyo hooyadod iyo wiilkoodii curadka ahaa, geelii qaaday, oo mooro duugey reerkii, kadibna inta falaaro qaateen si dhuumaaleysi ah colkii geeli sii wata kolba falaar ku halgaaday, marna mid ka dilaya, marka dhaawacaya, marka bajinaya, adiguna aad tahay ehelka kaliya ee kureydaasi ay leeyihiin, halkii aad inta duusho lasoo dhicin lahayd geela, ka waran inta aad toorabiin qaadato kadibna ku yuusto “shiish xumaa wuu la gafey falaarta, tabar daranaa wuu kufey, lixaad gaabanaa wuu gaari waayay, fuleysanaa dibbuu usoo gurtey?”, cid kasta oo Soomaali ah oo xagal daacisa ama dacaayadeysa halganka jabhadaha Soomaaliyeed ee gobolkaasi , tabtaasi ayay ku sifoobayaan.

 

 

Laakiin taasi micnaheedu ma ahan in aanan la dhaliili karin JWXO, laakin waa marka ay tahay dhaliil wax toosin ah, dhaliisha koowaad een aniga u jeedin lahaa waxay tahay in sideedaba aanan la dhaliili karin jabhada, marka uu qofka isku dayo in uu wax dhaliilo, taageerayaal iyo xubno caadifada madax martey ayaa afka iyo faruuryaha kusoo goosanaya, haddii aysan caganta ku saarin waxaad halis u tahay in lagugu shabadeeyo “dabaqoodhinimo”.

 

 

Dhaliisha kale waa mid guud oo si shaqsiyan ugu wajahan Gudoomiyaha oo lagu xanto in uu xilka ka raaraco taasoo keentey kala jab aanan loo baahneyn oo jabhada dhexdeeda, ugu dambeyntiina kaliftey geeridii naxdinta lahayd ee Dr. Siraad Doolaal oo ay xabashida dishey, wallow aan la’iska indha tiri karin xaqiiqda ah in hogaanka wanaagsan ee Admiral Maxamed Cumar Cusmaan uu ONLF gaarsiiyey heer aanan laga fileyn oo hormar iyo hor u socodnimo ah,ayna tahay in jabhaduna ku faro adeygto hogaankiisa, hadane waa inaanan marnaba la ogolaanin in muran xaga hogaanka ah uu keeno kala jab kale oo JWXO ku yimaada sidii kol hore dhacday, haddeey suurtogal tahayna lasoo celiyaa garabka jabay ee Golaha Sare si looga miro dhaliyo halganka.

 

 

Iima aysan suurogalin in aan la kulmo si gaar ah, laakiin warka dhankiisa iiga soo yeerey wuxuu ahaa mid dhagaha ku diirsadaan, waxaa laga soo xigtey in odayaasha, waxgaradka iyo cid kasta oo qadiyadani quseeyso oo uu la kulmo uu talo ka weeydiinayay halganka, kana dhagaysanayay aragtidooda, isagoo dhahaya “noo sheega maxaa naga qaldan? Sideen u saxnaa? Maxaa talo ah”, tani waa xaqiiq ka duwan dacaayada fadhu diriryada aan ka maqlo ee ah “ONLF dadka talo ma weeydiiso”.

 

 

Waxaan si weyn ula dhacay hanaanka qabanqaabada xalflada, intii aan Koonfur Afrika ku noolaa maanan arag wax la mid ah, 5 meelood ayaa la’igu baaray markii aan galayay hoolkii ay xaflada ka dhacaysey, waxaana la’igu baaray qalab maarta ku shanqara, dabcan waxaanan filayaa in boqolaalkii soo xaadireyna sidaasoo kale loo baaray si loo sugo amaanka Madaxweynaha ********iya oo soo dhaweyntan aan dalkani ka helin markii koowaad ee uu yimid sanadii 2004 tii.

 

 

Ugu dambeyntiina, meeris ka mid ah heesta astaanta Jabhada waa “diidi meeyno geerida” “inteey duulayaan degtaa qoriga noo suran” “dalka hooyaaloow kuu dagaalameynaa”, waxaan leeyahay “intuu gumeysiga ********iye ka dul kacayo, JWXO dabka yeeysan dhigin”.

 

 

Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo falanqeyn iyo laffogur ah

 

 

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email:
, tell: +27767059384, Johannesburg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Coupla points:

 

“Qadiyada Ogaad'eeniya ma ahan muran xuduud oo labo dal ka dhaxayso, ee waa dal la heysto oo xoriyadiisa loo halgamayo” ayuu yiri Maxamed Cumar Cusmaan oo farta ku fiiqey in Ethiopia ay dooneyso in ay qadiyada gobolkani u xambaariso Soomaaliya si ay aduunka ugu dhaadhiciso in Soomaaliya dooneyso dhul balaarsi.

Somali Galbeed is a integral and indivisble part of Somalia(juz laa yata'jaza). There is no seperate country called Somali Galbeed or O'ia. People who try to concoct a 'country' named O'ia are deluded and are honouring the wishes of the white colonial master who, sitting pretty in Whitehall with a cup of tea in his hand, divided the Somali-Muslims of the Horn of Africa into 5 'countries' with a few strokes of a pen.

 

Any attempt to manufacture a 'stand-alone' country named O'ia will be fought and put down as fiercly as any attempt to secede from Somalia or create a "dowlad gobaleed", and for the same reasons I mentioned here.

 

 

Madaxweynihii Maraykanka ee Ibrahim Lincoln ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Inta aadan is weeydiin Dowlada Maraykanka maxay kuu qabatay, adiga isweeydii Maraykanka waxa aad u qabatay”, kolkaasi nafteyda waxaan u sheegey in ay haboontahay in qof kasta isweeydiiyo waxa uu isaga u qabtey ********iya, inta uusan ONLF maraanmarin

lol@Ibrahim Lincoln. JFK said that, not Abe Lincoln.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

kkk...I noticed that JFK mishap, we can forgive the writer because this article speaks the truth regardless.

 

Kashafa we should also have a Khilaafa, but sadly the times say otherwise.

 

Somaliya has its own problems and adding another 7 million people to its woes will only complicate the delicate political situation, so why not make it manageable...thats my opinion.

 

When the Admiral says its not muran Xuduud, I dont find anything wrong with it.it has been ONLF's political goal to paint this conflict as indigenous, instead of it been between to warring states, which has tilted the argument to Ethiopia's favour signifying it as a breach on its recognised border.Makhtal daahir had this same approach when he lead the WSLF.If we also go back to 77 War, we can conclude that Siyaads short-sightedness lead to the War ending pre-mature and leading to the down-fall of the WSLF, I take no credit away from the heroic approach nevertheless.In todays world not in a ideal world Kash, to get things done you have to play the "Game".

 

If the old wrinkly British colonist in London gave us this "Gumeeysi" name then its apart of the process

neef lumey oo sumadii ku tiiley lagu baadi goobayo

as the Admiral said.

 

But your a hypocrite either way you dont contribute anything to the 'Halgan", you probably despise the mentioned group.Hence i dont think you are in a position to be having such loud opinions.In the end as the Admiral has put it time and time again, its upto the people to decide there fate and if Og'denia is the case then so be it.

 

Somalia should/will remain with its 1960 border, any additions will come voluntarily, your assumption that somehow it will require force is simply not acheivable or neccessary.

 

If a future Somali Goverment rescues the O'gaden and there is a way for it to work politically then there is concensus.

 

 

Kash are you this

“shiish xumaa wuu la gafey falaarta, tabar daranaa wuu kufey, lixaad gaabanaa wuu gaari waayay, fuleysanaa dibbuu usoo gurtey?”, cid kasta oo Soomaali ah oo xagal daacisa ama dacaayadeysa halganka jabhadaha Soomaaliyeed ee gobolkaasi , tabtaasi ayay ku sifoobayaan.

or this

 

“inteey duulayaan dhegtaa qoriga noo suran” “dalka hooyaaloow kuu dagaalameynaa”,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this