Sign in to follow this  
A_Khadar

Mudaharaado ka Dhan Ah Maamulka Labaxay Somaliland Oo Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

A_Khadar   

Shacab gadoodsan ayaa iskugu soo baxay wadada Laamiga ee dhexmarta magaalada Laascaanood, kuwaasoo hadalo cadho ka muuqato ku dhawaaqayay-

 

 

Shacabkan ayaa socod dheer ku maray wadada Laamiga ah, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lidi ku ah Maamulka Labaxay Somaliland iyo Komishankiisa oo hawlo ku saabsan doorashada Maamulkaas ka wada Magaalada Laascaanood.

 

Shacabkan ayaa mudaharaadkoodu bilowday kadib markii ciyaal ay soo abaabuleen Xisbiyada Maamulkaas ay Calamo la mareen gudaha magaalada, Taasoo dhalisay in shacabkan ay isku soo baxaan iyagoo muquuniyayay ciyaalkii ay xisbiyadaasi horkacayeen.

 

Shacabkan gadoodsan waxay isku fidiyeen gudaha magaalada iyagoo ku dhawaaqayay erayo maamulkaas lidi ku ah sidoo kale ay ku taageerayaan maamulka SSC waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo'''Dooni mayno Soomaalidiidka, Dooni Mayno Riyaale,Dooni Mayno Doolar Qaate, Darwiishland Hanoolaato, erayadaas iyo kuwa kale oo badan.

 

Dadkan ayaa waxay kaloo qaadayeen Heestii Saado Cali ee "Libdhi Maysid Laascaanood laba maaha Wadankeenu"

 

Mudaharaadan ayaa yimi kadib markii Jewiga magaaladu uu si wayn isku bedelay isla markaana ay dhalatay xamaasad weyne,kadib markii ay magaalada soo gaadheen Maanta wefdi ka socda xisbiga mucaaradka ah ee maamulkaas ee Kulmiye,wefdigaas oo uu Horkacayay Dr.Gaboose.

 

Shacabka ayaa dareenkoodu dhawaanihii ugu danbeeyay uu aad u kacsanaa, iyadoo dhanka maamulkaasna ay ka socoto diyaargarow doorashooyin dhacaya bisha Juune,taasoo aan ilaa hada la ogayn siday uga qabsoomayaan Gobolka Sool.

 

 

 

Wariye: Farah D. Jama

admin@lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkan ayaa waxay kaloo qaadayeen Heestii Saado Cali ee "Libdhi Maysid Laascaanood laba maaha Wadankeenu"

waxad noqoteen kuwi mad madooba eeh qaadi jiray

wade in the water oo childeren wade in the water :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Gaboose oo gaadhay Laascaanood iyo Mudaharaad lagala Hortagay

 

 

Laascaanood (Waaheen) Wararka ka imanaya Laascaanood ayaa sheegaya in guddoomiyaha ololaha gobolada bariga ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo wafti uu hogaaminayaa ay shalay gaadheen magaaladaas.

 

Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa la sheegayaa in dadka Magaaladaasi ay si weyn u soo soo dhaweeyeen isla markaana ay kaga horyimaadeen jidka laga soo galo magaalada.

 

Guddida ololaha ee xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolada Bariga ayaa socdaalo ay ku soo mareen gobolada Togdheer, Sanaag iyo Laascaanood ayaa waxa ay ku soo dhiseen xubnihii u qaabilsanaa ololaha.

 

Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolada bariga socdaalka maalmihii ugu dambeeyay socdaalka ku gaalaa bixinayay ayaa dadka kala hadlayay sidii ay u qaadaan kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo kuwii hore ee xumaaday.

 

Guddoomiyaha gobolada bariga u qaabilsan ololaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa mar uu maanta la hadlayay taageerayaashii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay ku booriyay in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay codkooda u siin lahaayeen xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye isla markaana ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka lagu gelayo codbixinta doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.

 

Dhinaca kale, markii weftigani soo gaadheen magaalada Laascaanood, ayaa waxaa magaalada gudaheeda ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro iyo dad ka horjeeday oo buuq iyo sawaxan aan wax dhibaato ah geysan ka sammeeyey magaallada, kuwaasoo muujiyey sida ay u diidanyihiin socdaalka Gaboose

 

Dhallinyaradan ayaa markii danbe isugu tegay goob fagaare ah oo, halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Sool Cabdi Cabdilaahi liibaan oo eedayn ballaadhan u jeediyey xisbiga KULMIYE, kaasoo uu ku sababeeyey inay masuul ka yihiin taageerayaasha lidiga isku ah ee isugu soo baxay Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale, markii weftigani soo gaadheen magaalada Laascaanood, ayaa waxaa magaalada gudaheeda ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro iyo dad ka horjeeday oo buuq iyo sawaxan aan wax dhibaato ah geysan ka sammeeyey magaallada, kuwaasoo muujiyey sida ay u diidanyihiin socdaalka Gaboose

 

Dhallinyaradan ayaa markii danbe isugu tegay goob fagaare ah oo, halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Sool Cabdi Cabdilaahi liibaan oo eedayn ballaadhan u jeediyey xisbiga KULMIYE, kaasoo uu ku sababeeyey inay masuul ka yihiin taageerayaasha lidiga isku ah ee isugu soo baxay Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:

Dadkan ayaa waxay kaloo qaadayeen Heestii Saado Cali ee "Libdhi Maysid Laascaanood laba maaha Wadankeenu"

waxad noqoteen kuwi mad madooba eeh qaadi jiray

wade in the water oo childeren wade in the water
:DWTF?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

jacayb

 

sxb UDUB ma sidanaa u dambaysay inay caruurta lacag siiyaan ay yidhaahdaan dadka shiida.

 

its a desparate party that knows its going to lose badly, why dont they campain like the other parties, do they actually think this will make them any popular than they actually are, i say good ridance to rubish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Oodweyne:

^^^ Hadaad Hiil Hinaastey, Aadse Itaal U Weydey; Ma Af-kaad Ku Ciil Bixi, Ileyn Cid-laad Ka Hanjabeysaaye!!

odaygii ban buu ka wareegay... Oday your days are counted marka don't disapear as usual when things flip on your side..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

^^^ Hadaad Hiil Hinaastey, Aadse Itaal U Weydey; Ma Af-kaad Ku Ciil Bixi, Ileyn Cid-laad Ka Hanjabeysaaye!!

Salaan carabay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Originally posted by Jacaylbaro:

Yaa yidhi UDUB baa ka dambaysay ??? ,,, or u just assuming ?

how about read the paragraph you posted again bit carefulyy and it will tell you cida ka dambaysay... we all know UDUB have no face to face the people so they resort to what they did in ceerigabo and here as well, lets hope they dont try and stall the whole process as usuall

 

Dhinaca kale waxaa isla maanta magaalada gudaheeda laga dareemayay dhaliyarada iyo taageerayaasha xisbigu UDUB oo samaynaya banaanbax ay ku muujinayaan taageeradooda, iyagoo socod iyo gaadiid ku soo maray dariiqyada kala duwan magaalada,waxayna markii danbe shir jaraa,id ugu qabteen meel fagaare ah ,arimahan ayaa ku soo beegmaya xili uu saaka soo galay magaalada wafti uu hogaaminayo Dr. maxamed Cabdi Gaboosi, waxaana halkaasi kula hadlay gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka sool Cabdi Cabdilaahi Liibaan, isagoo sheegay in xisbiga kulmiye uu ka masuul yahay mudaharaado ishuwan oo saaka ka dhacay magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this