Sign in to follow this  
MoonLight1

Madaxtooyada oo ay ku socoto duqayn lexaad leh.

Recommended Posts

Madaxtooyada oo Hoobiye lagu garaacay iyo Kuwa Jawaab ah oo Hadda ku socda xaafadaha magaalada Muqdosho

 

 

Waxaa hal mar laga wada maqlay magaalada muqdisho daryanka hobiyayaasha kuwaas oo lala beegsaday xarunta madaxtooyida Villa Soomaaliya halkaas uu ku sugan yahay madaxweyne Sh. Shariif iyo raiisul wasaarihiisa.

 

Waxaa la qiyaasayaa illaa dhowr madaafiic in lagu weeraray madaxtooyada, sidoo kale jawaab celin ayaa laga soo jawaabayaa madaxtooyada kuwaasi oo lagu garaacayo goobo ka tirsan degmooyinka magaalada muqdisha.

 

Waxay dad badani is weydiinayaan maxaa ku soo beegay xili hogaanka xizbul islaam is bedel ku yimid oo ku wareegay xilka Sheeq Xasan Daahir Aweys oo aad ugu caan baxay baryahan dambe inuu abaabul dagaal ka abuuray muqdisho.

 

Arintaan ayaa ku noqotay arin caadi ah dadka degan magaalada muqdisho mar alaala markii la weeraro madaxtooyada ma saldhigyada ay degan yihiin ciidamada Dowlada inay maqlaan shacabka reer muqdisho jawaab, taasi oo sababaysa dhimasho iyo dhaawac soo gaara rayidka.

 

 

Ilaa hadda lama oga qasaaraha dhabta ah uu geystay weeraradaan halka mar wada gilgilay magaalada muqdisho. waxaana ku soo xigana doonaa wararkeena xiga .

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiic xoogan ayaa galabta la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho, iyadoo Madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo ay is dhaafsanayeen Ciidamada Dowladda KMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Madaafiicdan ayaa ka dambeeyay kadib markii weeraro Hoobiyeyaal lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana Madaafiicdan oo ahaa kuwo dhowr ah ay ku dhaceen Gudaha Madaxtooyada.

 

Sidoo kale Madaafiic jawaabo ah oo ka soo dhacayay Xarunta Madaxtooyada ayaa ku dhacayay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo iminka aan la ogeyn qasaaro ay geysteen Madaafiicda jawaab celinta ee ka soo dhacay Madaxtooyada.

 

Ciidanada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa isku horfadhiya qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo gacanta ay ugu jirto Kooxaha Mucaaradka, waxaana ay dhowr tallaabo u jiraan Xarunra Madaxtooyada oo uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

 

Hugunka Madaafiicdan ayaa ahaa kuwo inta badan Magaalada laga maqlayay, waxaana duqeymahan galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ku soo aadayaa xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xaalada aheyd mid degan.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this