Sign in to follow this  
General Duke

Gen Ali Madobe we will put 5000 strong police into action....

Recommended Posts

Muqdisho: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo sheegay in dawladda federaalka diyaarinayso Shan kun oo askari oo Boolis ah.

9. april 2007

 

geeddi2.jpg

 

Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Gen: Cali Madoobe ayaa sheegay in dawladda federaalku ay qorshayayso inay isku dubba riddo ciidan boolis oo tiradoodu gaarayso 5,000 oo askari.

 

Gen: Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ciidamo dheeraad ah oo ah ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka qayb qaadan doona ammaanka dalka.

 

Taliyaha ciidanka boolisku wuxuu xusay in Lixda bilood ee foodda inagu soo haysa lagu dhammaystirayo ciidamadan ayadoo laga kala keeni doono gobollada dalka Soomaaliya.

 

Saddex waji ayuu sheegay in ciidamadan loo soo aruurin doono, wajiga koowaad ayuu xusay in 1,500 oo askari lagu qori doono kuwaasoo badankood laga keeni doono gobolka Banaadir , maadaama meesha ammaan sugidda ugu wayn ay tahay gobolka Banaadir,.

 

Cali Madoobe wuxuu xusay inay arintan ciidamo qoridda kala hadleen maamulka Muqdisho iyo degmooyinkeeda qaabkii ciidankaasi loo xuli lahaa .

 

Wajiga koowaad ayuu sheegay taliyaha ciidanka booliska in todobaadyada foodda inagu soo haya lasoo gabo gabayn doono .

 

Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay dhinaca tabobarka iyo xirfad dhisidda ka caawin doonto ciidamada booliska Soomaaliyeed.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

The boys should be trained and serve as a paramilitary police.We also need to develop paramilitary organizations,they can be small in numbers and they will be serving their xaafado since they the civilians will both have the right tools and know how to say no to those enemy activities by force.This will really give no chance to those who throw mortars from civilian populated xaafado and this will again save the civilians from being shelled.We are not long from Covering all the essentials,but in time with the right implementations we will.A good development,Finest of respects to the Police Chief.Nice Job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cali Madoobe oo sheegay inay diyaarinayaan 5,000 oo Ciidamo boolis ah.

 

April 09-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cali Madoobe ayaa sheegay inay diyaarin doonaan Ciidan Boolis oo tiradiisu ay gaarayso ilaa 5,000 kun oo askari 6-da bilood ee soo socota.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal Cali Madoobe oo Maanta shir Jaraa'id ku qabtay xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku maando buluuusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay u howlgali doonaan sidii markaasi loo diyaarin lahaa Ciidamo boolis ah oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 5000 oo askari lixda bilood ee soo socota taasi oo uu sheegay inay qayb katahay howlaha ay dowladda wado ee laxariira sugida nabadgalyada.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal Cali Madoobe waxaa uu sheegay in howlahaasi ay yihiin kuwa loo kala qaadi doono sadax waji isagoo sheegay in wajiga koowaad uu yahay mid markaasi ay ugu guda gali donaan todobaadkaan soo socda gudihiisa islamarkaana ay diyaarin doonaan ilaa 1,500 oo askari iyadoo uu sheegay in 1,500 oo askari loogu talagalay in dalka oo dhan laga soo xulo balse iyadoo tix galin lasiinayo baahida xaga nabad galyada in markaasi laga soo xuli doono 1,000 askari gobolka Banaadir 500-ta boqol ee kalena laga soo xuli doono gobolada dalka Soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska waxa uu sheegay in maanta uu shir la' yeeshay duqa Magaalada Muqdisho gudoomiyaasha degmooyinka kajira Magaalada Muqdisho iyo taliyaasha qeybaha islamarkaana ay isla soo qaadeen qaabkii markaasi loo xuli lahaa Ciidamada booliska ee tiradoodu gaarayso 1,500 ee askar. Waxaana uu sheegay inay isku af garteen qaabka xulida Cidamadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this