Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale Oo Soo Gaaray Caasimadda G/Gedo

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale Oo Soo Gaaray Caasimadda G/Gedo

 

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta ee DFKMG ah ee Soomaaliya Xildhibaan Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa xalay saqdii dhexe soo gaaray degmada G/haarrey ee xarunta Gobalka Gedo.

 

Wafdga uu horkacayo Barre Hiiraale ayaa waxaa ka mid ah masuuliin sar sare oo uu ay ka mid yihiin Gudoomiyaha G/Gedo Xuseen Sh. Cabdi Ismaaciil (Xuseen Fareey), Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, Xildhibaan Xassan Cumar Maxamed, afhayeenka isbaheysiga dooxadda jubba, Bile Cabdille Cabdi iyo xubno kale oo muhiim ah.

 

Wafdigan heerka sare ah ee haatan soo gaaray caasimadda G/Gedo ayaa in dhawaalaba ku sugnaa degmada Ceel-waaq halkaas oo uu kaga hawlanaa dadaallo lagu doonayay in lagu soo afjaro is-maan-dhaafkii u dhaxeeyay beelaha ku dhaqan degmada Ceel-waaq ee SADE iyo Garre iyo in degmadaasi laga yagleelo maamul midaysan oo ay si buuxdo uga wada qayb galaan beelaha wada dago degmada Ceel-waaq iyo deegaamada hoosyimaado.

 

Booqashada wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta, Xildhibaan Barre Hiiraale uu ku yimid xarunta G/Gedo ayaa lagu sheegay in ay ku salaysan tahay qodobo la xariiro: dhamaystirka hannaankii nabadeed ee horay uga unkamay G/Gedo, ebyidda maamulada heer-ka gobal iyo kuwa degmooyinka ee G/Gedo iyo waliba arrimo kale oo ku saabsan sidii loo hergalin lahaa habab horumarineed oo uu ku tillaabo qaado G/Gedo.

 

Wasiirka oo si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda G/Gedo ee Garbahaarrey ayaan ilaa iyo iminka wax hadal ah u jeedin shacabka degmada Garbahaarrey, hase ahaatee waxauu maanta kaga dhawaaqay madasha qado sharaf loo sameeyay in uu maalinimada barri ah la hadli doono bulshada ku dhaqan degmada Garbahaarrey halkaas oo la filayo in uu faafaahin dheeraad kaga bixiyo umuuraha la xariiro ujeedada socdaalkiisa.

 

A Gaaruf

Gedo News Desk

Garbahaarrey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale iyo xubna uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Geddo.

 

June 21, 2006 . HornAfrik. Mogadishu , Somalia .

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†iyo xubna uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Geddo kaddib markii uu degmada Ceelwaaq uu kaga qeybgalay kulan ay halkaas ku lahaayeen beelaha Sadde iyo Garre.

 

Wafdiga uu hogaaminyo Barre Hiiraale oo ay ka mid yihiin wakiilo, duubabka dhaqanka iyo waxgaradka beesha Sadde oo shalay ka soo kicitimay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Geddo ayaa xalay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Geddo.

 

Wafuuda uu hormuudka u yahay Barre Hiiraale oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Xasan Cumar Maxamed, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Afhayeenka isbaheysiga dooxada Jubba Bile Cabdulle Cabdi ayaa waxaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey madax ka tirsan maamulka magaaladaas iyo dadweyne isugu soo baxay goobta wafdiga ay dagayeen.

 

Wafdiga ayaa saaka kulamo hordhac ah la yeeshay duqowda iyadoo kulankaas uu ku saabsanaa soo dhaweeyn.

 

Imaanshaha wafdigan ay xligan ku tageen magaalada Garbahaarey ayaa xubno ku dhow dhow isabaheysiga dooxada jubba oo HornAfrik la xiriirtay ay sheegeen inuu la xiriiro qorsheynta iyo u googol xaarka wadahadal nabadeed oo lagu wado in halkaas ay ugu furmaan beelaha Sade.

 

Wafdigan ayaa hore u soo maray deegaano iyo tuulooyin ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka geddo halkaas oo uu ka soconayey shirka nabadeednta beelaha Sade iyo Gare, iyadoo shirkaas lagu gaaray qorshayaal iyo go'aamo la xiriira dhinaca nabadda.

 

Sidoo kale wafdigan ayaa hore u soo maray tuulooyin ay ka mid yihiin deeganada Cows-quran iyo deegaanka Ceelasha halkaas oo ay hore uga soo qaadeen jidgooyooyin goobahaas u yiilay kooxa burcad ah oo la sheegay inay ku heysteen gaadiid u sii socday dhinaca deegaanka Xadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this