Sign in to follow this  
Suldaanka

Reer Burco oo nabad ku caano maalay

Recommended Posts

Reer Burco oo Hawd U caana doontay :ka dib barwaaqadii guga

 

Burco(ONN)Guud ahaanba istaamada baaburta hawdka laga raaco ee malaagada burco ayaa ceeryoon ah ,

 

waxana laga yaaba hadaad u baahato in aad safarto in aad gaadhiba waydo qiyaas ahaan maalin walaba waxa istaankaa ka baxa ilaa 20 gaadhi oo u safraaya hawdaka gobolka togdheer

 

waxa la yaab igu noqotay shalay markaan arakay sadex gaadhi oo ah nooca xamuulka qaada ee ay reer burco u yaqaanaan ( waraadka ) oo taagan saldhiga dhexe ee magaalada burco , sababta keentay saldhiguna waxa weeye , dacwada uu ka ashtakoonaayay darawalka wataa baaburtaasi dadka sara gaadhiga , waxana aan maqlaayay dharawlka oo askarta ku leh " gaadhigu uu buux dhhaafay ee dadka iga kala dajiya ma qaadi karaayo intaas oo dad ah " , dadka uu ka cabanaayo ninkan daralawaka ah oo u badnaa dhalinyaro

 

guud ahaanab dadkii reer burco ee magaalada ba buuxaya xabadi kama joogto sababtuna wxaa weeye , dadkii oo dhamaantood u caano doontay miyiga , gaar ahaan hawdaka tobolka togdheer

 

magaaladada ayaa aad looga baxay guri kasta oo ka mid ah magalada burco waxa ku hadhay laba qof ama sadex qof dadka intiisa kale oo u badan dumara iyo caruur waxa ay u booqasho iyo caano doonteen , miyiyada oo dhamaantood hada naftu ku raaxaysanayso , barwaaqo iyo raxmada ALLE awogood

 

makhaayada kasta iyo goob kasta oo dadku isugu yimaadaan magaalada burco waxa aad maqlayasaa su.aalahan : " waar mee nin kii hebel ? . dee waakii caano doontay " :D

 

waxa intaa dheer inta hada hadal haysa , barwaaqada ayaa waxa ay ku soo beeganatay dad badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada xeebaha ool soo xagaa baxay iyo waliba fasaxyadii schoolada

 

" waxa aan qabanayaa( xalxalis iyo doonbiralay) , waana aan ku faraxsanahay in aan soo arko iyaga oo barwaaqo ah , waxana aan aad u xiisaynayaa geelayaga dhalay " sidaas waxa yidhi , muxiyadiin cali raage , 7. jir ah

 

oo aan maanta kula kulmay istaanka laga raaco baabuurta u baxda magaalada gaashaamo,

 

Nimco ciise . waa gabadh 17 jir ah , waxana ay iiga waranta sabatay ay u safrayso iyo xaga ay qabanayso , iyada oo markaa ku sugan istaanka laga raaco baabuurta u baxada degmada Oodweyne ,

 

" walaal foosi ( tifatiraha ONN)waxa aan aad u xiisaynayaa in aan soo arko banka TUUYO oo aan maqlo uun oo aanse waligay aragay , waxana halkaa degen ayayday , waxana aan doonayaa in aan soo daawado barwaaqada guga iyo xoolaha dhalay , waxana aan ku maqnaanayaa inta uu schoolka yaga maxadku fasaxa yahay "

 

Nin aanu saxiib nahay oo reer burco ah oo la yidhaa axmed xasan aadan , ayaa waxa uu xalay igalada soo hadlay degmada Oodweyne , waxana uu ii sheegay in uu usii kici timi doono dhanka tuulada cali faarax ee degmada odweyne , isga oo daraad tegey Oodweyne ,

 

galabata mar aan booqday istaanada baabuurta ayaa wxa aan qiyaas ahaan arkay ilaa 32. gaadhi oo u baxaaya , hawadka magaalada burco sida , gaashaamo , duruqsi, ina nuurmuuse, cadaada,jeelaylaaye , ramaale iyo dhamaan dhulka baaxada weyne ee loo yaqano hawdka

 

hasa ahaate , magaalada burco waxaasa oo dad ah may san tabin , waxana magaalada, burco maalintii abaara 11:00 aad meel aad ka marto waayaysa, dad badankoodu ka yimid miyiga oo magaalada keenay xoolo iyo caano ,

 

saylada xoolaha ee magaalada burco ayaa iyadu hada ladan waxana, ay adadkan badan ee reer miyiga ahi ay sare u qaadeen ganacsiga magaalada burco , hasa ahtee arintaasi waxa anu kaga hadlki doonaa barnaamij ay shabakada ONN hada gacanta ku hayso

 

hawdka oo hada si la yaab ah u barwaaqoobay , ayaa waxa ka dilaacday kaneeco aad u badan taas oo wara war ku haysa dadka u booqasho iyo caana doonanaanaya xiligan , waxana aay arintaasi sababtay in ay dadku sii miistaan kiniinka ka hortaga kaneecada

 

 

foosi saleebaan odwayne.com Burco s/land

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this