Sign in to follow this  
raadamiir

Madaxweyne Abduallhi Yuusuf headed to America!!!

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf oo ku sii jeeda dalka Mareykanka

 

 

Mogadishu 12, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaaada Baydhabo C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qorsheenaya socdaal uu taageero kaga raadinayo Mareyanka iyo Q.M oo ku aadan sidii dowladiisa looga caawin lahaa arrimaha amniga iyo nabadgalyada.

 

Sida ay qortay jariirada Sharqal Awsat ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain, madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa go’aansaday inuu booqasho ku tago magaalada New York ee dalka Mareykanka todobaadka soo socda, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono kulanka golaha amaanka.

 

Jariirada waxa ay sheegtay in C/laahi Yuusuf uu u bandhigi doono Q.M codsi la xiriira in ay qaadaan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, si loo suurgeliyo in ciidamada nabada ilaalinta ee Afrikaanka ee horey loo go’aamiyey ay inay yimaadaan Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa la qorsheenaya in madaxweyne Yusuf uu la kulmi doono mas’uuliuyiin ka mida maamulka madaxweyne Bush oo uu kala hadli doono sidii dowlada Mareykanka ay xooga u saari laheyd in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee saaran iyo sidii dowladiisa ay Mareykanka ula shaqeyn laheyd arrimaha la dagaalanka argagixisda geeska Afrika.

 

Madaxweyne C/laahi Yusuuf waxaa kaloo la sheegay inuu sharaxaad ka siin doono Mareykanka xaaladaha murugsan ee hadda ka jira Soomaaliya , isagoo u xaqiijin doono in dowladiisa fadhisa Baydhabo ay diyaar u tahay in ay iskaashi la yeelato Washington sidii loo baabi’in lahaa waxa loogu argagixisada gobolka.

 

Afhayeenka dowlada KMG C/raxmaan Diinaari ayaa sidoo kale u sheegay jarirada Sharqal Awsat in booqashada madaxweynaha uu ku tagi doono Mareykanka ay ahmiyad u leedahay horumarka dowlada KMG ayna tahay mid heer sare ah.

 

Diinaari waxa uu beeniyey in baaqashada madaxweyne Yusuf uu kaga baaqday casuumadii ay fidisay dowlada Libya ay la xirirtay inuu diidanaa inuu la kulmo gudoomiyaha golaha Shuurada ee maxaakimta islaamka.

 

Waxa uu sheegay in Libya aysan markii horeba qorshaha ugu jirin in uu dhaco kulanka ay isku arki lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, hogaamiyaha maxaakimta iyo ra’iisal wasaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this