Sign in to follow this  
Dhubad.

Villa Somalia is under attack.

Recommended Posts

Dhubad.   

You will soon hear Yey running to Baydhabo as usual to avoid the carnage and the mayhem he caused....!

 

 

Mogadishu 11, July 07 ( Sh.M.Network)- Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la ogyahay Weeraro hoobiyeyaal ah oo caawa lagu qaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, oo ay ku jirto xarunta Villa Somalia sida ay sheegeen dadka deegaanadaasi ku dhow dhow,

 

Ilaa 5 hoobiye ayaa caawa abaarihii 9:25 Pm lala eegtay xarunta madaxtooyada oo fariisin u ah madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo sidoo kale weeraro kale oo hoobiyeyaal ah lagu qaaday qeybo ka mid ah W/magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay inoo xaqijiyeen in ilaa 5 hoobiye lagu weeraray xarunta madaxtooyada, iyadoo ilaa 3 hoobiye ay ku dhacday xaruntaasi, halka labada kalena ay ku dhaceen gudaha xarunta Fiyooraha, waxaana ku geeriyooday nin rayid ah halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Qofka geeriyooday iyo labada kale ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa ku wada sugnaaa Goob sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Sidoo kale hoobiyeyaal dhowr ah ayaa ku dhacay nawaaxiga degmada C/casiis iyo agagaarka Beexaani , iyadoo halkaasi lagu wado in uu ka furmo shirweynaha dib u heshiisiinta qaran 15 ka bishaan.

 

Sidoo kale weeraro hoobiyeyaal ah ayaa lagu qaaday agagaarka xarunta Xisbiga ee Stadium Muqdisho halkaasi oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia, iyadoo iska horimaadna uu ka dhacay agagaarka Staium Muqdisho.

 

Sida ay sheegeen dadka deegaankaasi, Madfac ay ku soo jawaabeen ciidamada Ethiopia ayaa ku dhacay xaafadda Towfiiq, lama oga wali qasaaraha ka dhashay.

 

lama garanayo si rasmi ah dadka ku waxyeeloobmay weerarada hoobiyeyaasha ah ee caawa loo qeybiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Wararka laga helayo dadka ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia ee ku sugan halkaasi ay ku jawaabeen Hal madfac oo BM ah oo wali aan la garaneyn halka uu aaday.

 

Dhinaca kale rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa wadada KPP, iyadoo rasaastaasi ay xigsadeen qaraxyo dhowr ah.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli maanta magaalada Muqdisho ay socdaal ku yimaadeen wafuud ka socotey kooxda xiriirka Caalamiga ah oo uu hogaaminayay wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, iyadoo wafuudaan ay u kuurgaleysay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran iyo xaaladda Magaalada Muqdisho.

 

Wixii ku soo kordha kala soco boggaan oo daqiiqad ka dib refersh dheh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

War deg dega: Villa Somalia oo lagu garaacay gantaalo aanan hore looga maqal Muqdisho.

Muqdisho , Arbaco, July , 11 , 2007 Waagacusub.com

 

 

Ugu yaraan shan gantaal oo la qiyaasay inay yihiin madaafiicda goobta ama laga soo tuuray badweynta ayaa ku dhacay goobo bartilmaameedsan gudaha Villa Somalia sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Cabdilahi Yusuf. Madaafiicdaas oo Muqdisho inta badan hareeysay sidoo kalana lagu duqeeyay gurigga Ra'isulwasaarre Geeddi ayaa markii hore looga shakiyay inay tuurayeen Ciidamada Amisom hasse yeeshee markii lala xiriiray waxay tibaaxeen inaysan xagooda wax huba ridin.

 

Dadka Muqdisho ayaa argagax xoogan helay waxayna Saraakiisha dhinaca madaafiicda ee dowlada federalka shaki badan ka muujiyeen gantaalaha lagu garaacay goobo muhiima oo ay ka mid yihiin, Xarunta shirka loo xaaray, guriga geeddi iyo Madaxtooyada.

 

Gantaal BM ah oo laga tuuray Madaxtooyada ayaa ku dhacay Towfiiq lamana ogga guud ahaan khasaaraha halka uu gaarsiisan yahay laakiin dhinaca kale dagaalo fool ka foola ayaa ka soconaya Xamar Jadiid iyo Howlwadaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa ku billaabatay C/llaahi Amxaar ayaantaan buu nastay...tolow ma wuxuu is lahaa madfac waa dhammaaday?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this