Sign in to follow this  
Saalax

Huteelka Cusub ee Golden Star - Ex Titanic - Xafaada Titanic - Burco

Recommended Posts

Saalax   

La soco dib u habayn casri ah Oo lagu sameeyay Huteelka Golden Star Ee Burco Oo hore loo odhan jiray TITANIC.

 

Burco(Ramaas) Dec. 02, 2009 - Huteelka Golden Star ee kuyaala Cidhifka Galbeed ee magaalada Burco ayaa dib u habayen casri ah lagu sameeyey ka dib markii ay dib ujediideyeen Mulkilayaasha Huteelkaasi ,kaas oo ka kooban dhisme afar dabaq ah .

 

me9fg166fpq4i0pvbkyi.jpg

 

 

Mulkiilaha Huteelka GOLDEN STAR C/laahi Yuusuf Dubad oo Ramaasnews uga waramey dib u habeynta casriga ah ee ay xiligan ku sameeyeen Huteelka Golden Star ee Magaalada Burco ayaa sheegay inuu yahey muwaadinkii u horeeyey ee kamid ahaa qurba jooga u dhashey dalka Somaliland, oo maal gashi ku sameeya dhulkiisa kaas oo uu huteelkii u horeeyey oo ka kooban dhisme afar dabaq ah ka dhiso Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer mudo imika laga joogo sideed sano.

 

 

i7iaklplmgqrdarcauki.jpg

 

 

Waxanu intaa ku darey C/laahi in uu huteelkaasi oo ah kan ay hadda ku sameeyeen dib u habeynta oo laga badalay magaca hore ee TITANIC ay hadda u bixiyeen magaca Golden Star, isagoo xusey in ay faa’iidadii dhismaha huteelka ee xiligaasi noqotey mid dalka wax weyn ku soo kordhisa ka dib markii ay ku deydeen kuna soo dhiiradeen ciida hooyo qurba joog fara badan oo u dhashey dalka Somaliland, kuwaas oo maanta dalka kusoo kordhiyay huteelo waaweyn oo ay kamid yihiin kuwa ugu waaweyn ee caasimada Hargeysa ka dhisani iyo kuawa ka dhisam Magaaladan Burco.

 

 

jbf8ue1djclmli59vnek.jpg

 

 

Ugu dambeyntiina mulkiilaha Huteelka Golden Star C/laahi Yuusuf Dubad, waxa uu daaha ka rogey in ay wakhtigan xaadirka ah dibuhabeyn casri ah ku sameeyeen Huteelka weyn ee Golden Star, kaas oo uu kusoo kordhiyay adeegyo farabadan oo raali galinaya guud ahaanba safarada, dalxiisayaasha, qurbajooga iyo dadweynaha reer Burco ee uu kuyaalo Magaaldooda.

 

Sidoo kalena waxa uu C/laahi faah-faahin ka bixiyay qeybaha kala duwan ee Huteelka Golden Star haddii ay noqoto qeybta cuntada oo ay ka sameeyeen Restuarent balaadhan oo laga heli karo cuntooyin heer sare ah oo si wanaagsan loo habeeyey, raaligalinayana cid kastoo nasiib u hesha in ay ku soo beeganto ama timaado huteelka Golden Star waxana loo adeegasanayaa haddii ay noqoto casuumadaha gaarka ah, xafaladaha, martiqaadka wufuuda iyo qeybaha kale oo dhan.

 

 

rcbxetwh1bhen403f27w.jpg

 

Waxa kale oo mulkiiluhu sheegey in ay dhinaca kalena si weyn oo heer caalami ah u hirgaliyeen huteelka qeybta hurdada oo ay u dhan yihiin dhamaanba qalabkii adeega oo qofku ka helayo hurdo raaxo leh oo uu kaga gam’o lacagtiisa.

 

Gabagabdiina waxa uu carabka ku dhuftey mulkiilaha huteelka Golden Star ee Magaalada Burco Mr C/laahi Yuusuf Dubad in uu hadda gacanta ku hayo dhisme hool weyn ah oo uu rajeynayo in uu dhawaan dhameystiro kaas oo uu ugu talo galey Xafaladaha Aroosyada shirarka iyo siminaarada in lagu qaban karo. Waxanu hadalkiisa ku soo xidhey in cidii ubaahataa ay kala soo xidhiidhi karto gudo iyo dibadba Telefoonada line 002522713000, mob:0025224355208/4331345.

 

 

Ramaasnews Desk

Burao

 

 

http://ramaasnews.com/news.php?readmore=2224

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lool horta why do you guys always have to bring members involved instead of commenting on the hotels new looks. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Norfsky yes sxb it already mentions this use to be Titanic hotel and the owner rebranded it and changed it completely as you can see it in picture 1 and renamed the hotel.

 

 

picture 1 how the hotel looks like in the present.

 

picture 2 is how the hotel looked like in the past.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this