Sign in to follow this  
Jumatatu

Dagaalka Bay Dhabo

Recommended Posts

Jumatatu   

Fashilkii ugu horeyey Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusf ay kala kulmeen magalada Baydhabo

Warar ay soo kala sareen laba maalin gudahood Ra´´iisal Geeddi iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusf oo ay ku sheegeen in magalada Baydhabo ay xoog ku qabsanayaan ayaa soo shacbaxday saakay kadib markii waa barigii hore ay weerar gaadmo ah ku soo qadeen ciidamo tageersan garabka Cabdulaahi Yuusuf kuwaas oo ku libsinaa astaanta ciidanka xooga , waliba baabuurta dagaalka ay wateena waxaa ku buufsanaa astaanta ciidanka , ciidamadaan ayaa laga soo kala aruuriyey Jowhar , Bakool, Kilinka Shanaad iyo Garoowe si ay u qabsadaan magalada Baydhabo ayay ku jabeen ka gadaal gurmad dhinaca Muqdisho ka soo direen kooxo tageersan garabka Xabsade .

 

Qabsashada Baydhabo ay qadka isgarsiinta ku hogaaminayeen Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusuf ayaa fashilmay ka gadaal markii ay soo gareen jab lama filaan ah ciidamo in dhawaalo ay ku tababarayen kilinka shanaad oo ay islahayeen wey qabsan karaan magaladasi .

 

Isku soo dub tani waa fashilkii koowaad ee garabka Cabdulaahi Yuusuf oo horey u sheegay waxii dowladiisa ka horyimaado in ay qadi doonaa daadka da´´ayo deerta kasoo sanadkaan u da ay si wacan .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Abaanduulahii Maleeshiyadda Weerartay Baydhabo Sheekh Mukhtaar Cabdi raxmaan oo eheladiisa xaqiijiyeen inuu geeriyooday'warbixin dheer oo ku saabsan marxuumkaas iyo dagaalkaas khasaaraha uu dhaliyay.

21 qofood ayaa ku geeriyootay 32 kalana way ku dhaawacmeen dagaaladii dhinacyadda Jabhadda RRA ku dhexmaray Magaaladda Baydhabo sida ay cadeeynayaan goobaha Caafimaadka iyo dadka degaanka ku sugan.

 

Weriyaashu Jooga Baydhabo waxay leeyahiin duulaankaas oo dhacay saacadu markeey ahayd 3-da saqda dhexe ayaa Malaashiyadda Xildhibaan Xaabsade lagu tilmaami karay kuwa diyaar u sii ahaa marka la eego sida ay isaga caabiyeen.

 

Weriye ku sugan Baydhabo oo lagu magacaabo Bashiir Xabashoow ayaa wuxuu leeyahay markii gurxanka rasaasta mar qura is qabsatay ayay Maleeshiyooyinka Shaatigaduud iyo Xaabsade u suura gashay inay soo xira taraaraan difaacii ugu weeynaa ee Maxamed Ibraahim Xaabsade hasse ahaatee markii gudaha la isla soo galay ayay mar kale sii laba kacleeysay oo Maleeshiyadda Xaabsade waxaa lagu tilmaami karay kuwa sii ogaa duulaanka lagu soo yahay,waxaana ugu dambeeyn laga saaray Magaaladda oo xulufadii Wasiiradda dowladda federalka waxay noqdeen mid haaday iyo mid heeybshay waana kala firdhadeen.

 

Weriye Xasanoow Aliyoow ayaa waxaa uu leeyahay waxaa bil ka hor soo galay magaaladda baydhabo 7 gawaarida dagaalka ah oo sheegtay inay ka soo goosteen garabka Shaatigaduud hasse ahaatee sidaasi ma noqon oo waxay xabadda ku bilaabeen garabka Xaabsade oo ay mudo kula sugnaayeen baydhabo,waxayna soo goosashadooda ahayd xeelad siyaasadeed oo la doonayay inay gudaha Baydhabo ku soo galaan.

 

Weriyaha wuxuu leeyahay todobaadaas gaari iyo Maleeshiyadii saarneed ayaa sahashay inay in badan dagaalamaan xulufadda Adan Madoobe iyo Xasan Shaatigaduud.

 

Saxaafigga Xasanow Aliyow wuxuu xaqiijinayaa in dagaalkaas lagu kala qabsaday gaadiidka dagaalka wuxuuse jabka iyo guuldaradda ku dhacday maleeshiyadda wasiiradda tilmaamayaa inay sabab u ahayd kadib markii xabad dhashiike haleeshay Abaanduulahii horkacayay oo lagu Magaacabo Mukhtaar Maxamed Cabdiraxmaan oo meeydkiisa looga cararay Magaaladda Baydhabo.

 

Sheekh Mukhtaar Maxamed waxaa uu ka mid ahaa ganacsatadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Nairobi wuxuuna dukaamo dharka lagu iibiyo oo farabadan ku leeyahay Suuqa weyn ee Mubaarak Xaafadda Islii,waxaase uu waayahii dambe ku mashquulsanaa arrimaha siyaasadda isagoo taabacsanaa garabka Adan madoobe.

 

Dad badan ayaa ka naxay geerida Mukhtaar Maxamed oo lagu tirinayay inuu ka mid yahay dadka ahlu iimaanka ah.

 

Geerida Mukhtaar waxaa xaqiijiyay xigaalkiisa oo ay ka mid tahay Marwadiisa u dhaxday waxayna sheegtay inaysan tiiraanyo heeyso aawgeed ka hadli Karin sababaha keenay inuu seeygeeda horjooge u noqdo maleeshyo beeleedyo duulaan ah .

 

Maxamed Ibraahim Xaabsade,cabdilahi black iyo Adan saransoor ayaa weerarkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Madaxweyne Cabdilahi Yusuf iyo Ra'isulwasaare Geedi kuwaas oo ku haminayay in loo qabto baydhabo si ay fariisin uga dhigtaan.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaas dhexmaray dhinacyadda RRA ayaa ah mid tiiraanyo badan oo Somalida badankeed walaac ka muujiyeen.

 

 

Allah u naxaristo Sheekh Mukhtaar Cabdi raxmaan , eheledi uu ka tageyna samiir iyo iman Allah ka siiyo...it is sad that he had to die for the cause that is dividing our society right in the centre and driven by a political hegemony.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this