Sign in to follow this  
NASSIR

Kulan balaaran oo loga hadlayo arimaha Dhinaca Amaanka magaalada Bosaaso.[pics]

Recommended Posts

NASSIR   

Kulan balaaran oo loga hadlayo arimaha Dhinaca Amaanka oo maanta ka dhacay Xarunta Dowlada Hoose ee degmada Bosaaso ee Xarunta G/Bari.

 

3960.jpg

 

Bosaaso:-kulankan oo ahaa kulan balaaran oo ay ka soo Qayb galaeen Guud ahaan Qaybaha maamulka iiyo bulshada kala duwan ee Magaalda Bosaso oo lugu Gorfaynayey Xaaaldaha Amaan ee Degmada Bosaso iyo Guud ahaan Degaanada Maamulka Puntland ayaa Waxaa uu ka dhacay Xarunat Dowalda Hoose ee Degmada Bosaso Waxaana Shir Gudoominayey MADAX WAYNE KU Xigenka Mamulka Puntland ahna sii hayaha Xilka Madax waynaha Xasan Daahir maxamud (Afqurac).

 

 

Waiirka Wasaarada Maaliyada Maxamed Cali yuusuf ( Gaagaab ) iyadoo ay nabadoonada iyo Wax ga radka Reer Puntland Gaar ahaan Reer Bosaso ay tusaale u soo qaateen Wax yaabihii ugu Dameeyey ee ka dhaca Degaanada Maamul Goboleedka Puntland iyadoo intuu kulankaasi Socdey Madax wayanah ahana sii hayaha Xilka madax wayne uu talefoon uga yimid Dagaal markaasi si Life ah uga Soconayey tuka Raq oo ay iskaga Hor yimadeen Maamulka Puntland iyo Somaliland Sida lugu soo Waramayo.

 

dhahar1_3.jpg

 

afqurac.jpg

 

dhahar3_1.jpg

 

Kulakaasi ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha RugtaGanacsiga jaamac dheere oo sheegay In Hadii loo doorto jagada madax wayne oo uu Rajaynayo uu balan qadayo inuu Xoraynayo Dib u soo Celinta Magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka ,isagoo sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagada Madaxnimo ee Maamulka Puntland.

 

 

Kulankankaasi ayaa Sidoo kale Waxaa hadalo dhaliila ka soo Jeediyey Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Sida isimada iyo Weliba wax garadka kale ee bulshada iyadoo ay ku eedayeen Qaybaha bulshada Degmada Bosaso Inaaney Wax Xiriira Wada Lahayn Shacabka taasina aytahay mid aan lugu wada shaqaysan karin.

 

DHAHAR10.jpg

Nabadoon Qaaxiyo oo ka mida ah nabadoonada Sida Wayn looga yaqaan gobolka bari ayaa Gashaanka ku Dhuftay inay jirto Dhibaato Wayn oo kala hasyata Maamulka iyo Dad Wayanah taasi oo uu buu yiri nabadoonku ah kala Warqab la,aan aan layska War Hayn oo Shacabka iyo maamulka Midba Goonidiisa uu shaqaynayo iyo Weliba la tashi,la,aan ay Maamulka keli ku yihiin oo nin Waliba uu ku howlan yahay Sidii uu isga oo keliya Wax u qabsan lahaa.

 

Geba Gebadii kulankaasi ayaa Waxaa hadalo ka soo jeediyey Madax wayne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Puntland ahan Sii hayaha Xilka Madax wayanah Maamulka Puntland oo Sheegay In Wax badan oo Amaanka ah ay Wax ka qabayaan Odayasha isimada iyo Qaybaha Haweenka ee Shirkaasi ka soo qayb galayana ka balan qaaday Inuu Wax badan ka qabayo Amaanka Wax kastoo ay kuq adanayso isgoo afqurax Hanjabaad kulul u diray Maamulka Somaluiland Mar uu ka halayey kulankaasina ku eedayey Falkii Ceerigaabo ka dacayee Dhaca ahaa FoolXumada iyo Musuq maasuqa Somaliland.

 

Kulankan ayaa Geba Gebadii ku soo Dhamaday Jaw aad u Wanaagsan iyadoo Inta badan Laysku waafaqay In hal meel loo soo jeensado Sidii looga qayb qadan lahaa Amaanka iyo Xasilonida Degaanka Gobolada Puntland Gaar ahaan Degmada Bosaso ee Gobolka BAri.

 

Kulankan oo u jeeda ugu Wayn ee Maanta looga hadlayey ay ahayd Arimaha Amaanka ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Sida Haweenka Nabadoonada Cuqaasah iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka bari iyadoo Si gaara laysugu Wada Raacay in si gaara Xil laysaga Saaro Amaanka Wixii amaanak wax u dhimayana bulshadu ay hal meel uga soo jeensato.

 

Source: Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso waa magaalada Soomaaliya ugu nabada badan... Waa goobta kaliya ee dalka Soomaaliya aan ka dhicin dagaal sokeeye ama saameyn ku yeelan... Waa muhiim in gadhwadeenku ka shiraa adkeynta nabada...

 

Caamir: Thanks for posting

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this