Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sh. Aweys oo ku tilmaamay Indhacade nin wajiyo badan

Recommended Posts

24 Mar 24, 2009 - 10:17:38 AM

 

Hogaamiyaha ARS-Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si kulul u weeraray Yuusuf Max'ed Siyaad [indhacade] oo xubin ka ah Xisbul Islam, isagoo ku tilmaamay nin isbadbadal badan.

 

Sh. Aweys, wuxuu sheegay in Indhcade uu ku biiriyay ururka ay ka tirsan yihiin ee Xisbul Islam, uuna iminka doonayo inuu xisbiga oo dhan baabi'iyo, wuxuuna waxba kama jiraan ku sheegay xil ka qaadistii dhacday Muqdisho.

 

"Waxaa u haboonayd inay iska yiraahdaan waxaan ku dhawaaqnay urur kale, mase jirto cid ka qaadi karta xilka Sheekh Cumar Iimaan, waayo isaga ayaa loo doortay inuu hogaamiyo Ururka" ayuu yiri Sh. Xasan Daahir.

 

"Runtii Indhacade waa nin kaalin wanaagsan qaatay xiligii Maxkamadaha ee dagaalka lagula jiray hogaamiye kooxeedyada, balse waxaa caado u noqontay inuu burburiyo koox walba oo uu ka tirsan yahay, "Horta Indhacade ma kala yaqaan awaamiirta Islaamka sida uu hadaba ku dhaqaaqay" ayuu hadalkiisa ****-dhigay Sh. Xasan Daahir oo ku sugan dalka Eritrea.

 

Xubno uu ku jiro Yuusuf Indhacade ayaa shalay kaga dhawaaqay Muqdisho inay xilkii ka qaadeen Dr. Cumar Iimaan oo ah hogaamiyaha Xisbul Islam, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu xagaldaacinayo ahdaaftii loo dhisay Jabhada.

 

Mar la weydiiyay Sh. Xasan Daahir sida uu u arko eedaha loo soo jeediyay Dr. Cumar Iiman oo ay ka mid yihiin inuu ku takrifalay awooda ururka uuna abuuray dagaalo aan loo dhameyn iyo inuu diiday go'aankii culumada ayuu ku jawaabay:

 

, waxaanse u sheegayaa in isaga aysan amar ku lahayn culumada ee uu ku raaci karo ama uu ku khilaafi karo awaamiirta diiniga ah, waase inuu ogaado in Aniga [sh. Xasan Daahir] iyo Sheekh Cumar Iimaan aan amar ku leenahay" ayuu mar kale yiri Sh. Xasan Daahir Aweys.

 

Hogaamiyaha ARS-Asmara, ayaa ku eedeeyay Indhacade inuu iska tuuray Al-shabaab oo uu kusoo barbaariyay gobolkiisa, Maxkamadaha Islaamka iyo Xisbul Islam, isagoo ku tilmaamay mas'uul u taagan burburinta ururkii la dhiso.

 

Sheekh Aweys oo la weydiiyay inuu ka warhayo dhexdhexaadin laga dhexwado isaga iyo Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dhexdhexaadin walba oo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafyada jira.

 

"Khilaafka jira ma ahan mid si shaqsi ah noogu dhexeeya aniga iyo Sh. Shariif, balse waa mid mabda'i ah oo loogu daneynayo ummada, hadii aan u aragno wanaag iyo dan umadeed waan soo dhaweynaynaa" ayuu yiri Sh. Xasan Daahir.

 

Dhawaanahan waxaa socday dadaalo ay wadaan Culumada Islaamka iyo dalalka Carabta qaarkood kuwaasoo lagu dhameynayo khilaafaadyada u dhexeeya garabyada Isbahaysiga ARS ee ay kala hogaamiyaan Sh. Aweys & Sh. Shariif.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Xil-ka-qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Xisbul Islaam ay sharci darro ahayd

 

Talaado, March 24, 2009(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa wuxuu jawaab ka bixiyay Xil-ka-qaadis ay xubno ka tirsan Xisbul Islaam ay ku sameeyeen Guddoomiyaha Xisbigaas Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar.

 

Shiikh Xasan oo isagoo Asmara ku sugan u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ragga xil-ka-qaadista ku sameeyay Dr. Cumar Iimaan aysan sharci u lahayn xil-ka-qaadista Guddoomiyaha, wuxuuna caddeeyay in ay xil-ka-qaadistaas sharci darro ahayd.

 

“Haddii aysan hoggaanka Xisbiga rabin, waxaa la gudbooneyd in ay Xisbiga isaga baxaan ee ma ahayn in ay yiraahdaan waxaan xilkii ka qaadnay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

 

Shiikh Xasan Daahir oo sii hadlayay waxaa uu eedeyn u jeediyay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo ka mid ahaa Xubnihii Xisbul Islaam ee shalay Xil-ka-qaadista ku sameeyay Dr. Cumar Iimaan, wuxuuna sheegay in Shiikh Yuusuf Indha-Cadde uu mar kasta wax abaabulo haddana uu uga baxo ciddii uu Isbaheysiga la noqday, “Al-Shabaab oo kale kaalin fiican ayuu ku lahaa, waana ka tegay, meeshan aan hadda joogno dadka jooga isaga ayaa nagu xiray, hadana waa ka baxay”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii Dr Cumar Iimaan,eedeeyna u jeediyay Sheekh Indhacadde.

 

 

Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn uga soo horjeestay xil ka qaadistii shalay xubno ka tirsan Xisbul Islaam ay ku saameeyeen gudoomiyaha Ururkaasi,isagoona eedeeyn u jeediyay Sheekh Yuusuf Indhacadde.

 

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xalay u waramayay Shabelle ayaa sheegay in xubnihii shalay sheegay in ay xilka ka qaadeen gudoomiyiha Ururka Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan abuu Bakar aysan xil ka qaadis sameyn karin islamarkaana aaney Awood u laheeyn.

 

 

 

Xasan Daahir ayaa tilmaamay in arintaasi ay tahay mid lagu deg degay oo aan suura gal aheeyn,isagoona tilmaamay in uu ka cabsi qabo in koox sedaxaad ay ka soo dhex baxdo arintaasi.

 

 

 

Gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta ee fadhigoodu yahay Casmara Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu dhaliil u jeediyay sheikh Yuusuf Indhacadde oo uu ku eedeeyay in wax waliba oo uu qeyb ka yahay uu meel cidlo ah ugu tago iyadoo aan la gaarin hadafkii loo aas aasay.

 

 

 

 

 

Sidoo kale sheekh Xasan Daahir oo la weydiiyay in xil ka qaadista Dr.Cumar Iimaan loo cuskaday go’aankii culumada oo uu ka soo horjeestay ayuu sheegay in Sheekh Yuusuf Indhacadde aysan qasab ku aheeyn in uu raaco warka culumada taa badalkeedana loo baahanyahay in uu ka danbeeyo madaxdiisa.

 

 

 

 

 

Hadalkaan ka soo yeeray Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ah gudoomiyaha isbahaysiga Casmara ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalinnimadii shalay kulan ka dhacay warshaddii Baastada xubno ka mid ah Ururka Xisbul Islaam ay sheegeen in ay xilka kaga qaadeen gudoomiyihii Ururkaasi islamarkaana ay doorteen gudoomiye cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Nothing new,

 

Just religious warlords accusing each other.

 

Reminds me of the infamous warlords of Mogadishu accusing each other on the radio.

 

Insha allah, the religious warlords will head the same way as the last warlords.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aways is wrong and IndaCade is right in this instances. IndaCade no matter how bad he is at least has stated he would work with the government if his conditions are met. Aways is foaming from the mouth with no clear light at the end of the tunnel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this