Sign in to follow this  
Jumatatu

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diiday shirka

Recommended Posts

Jumatatu   

Waraysi ay la yeelatay BBC-da, ayaa guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah Soomaaliya, Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku sheegay in aysan jirin in uu diiday in uu guddoomiyo shirka maanta ka dhacay Nairobi.

Wuxuu guddoomiyuhu cadeeyay in shalay loo soo gudbiyay codsiga ah in uu maanta kulanku dhaco, hase yeeshee, uu soo saaray go'aan ah in kulanku qabsoomo 17-ka bishan, maadaama qaar badan oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka ay maqan yihiin, arrinta laga doodayona ay tahay mid xasaasi ah.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ujeeddadiisu ay tahay in la gaaro go'aan la isla ogol yahay, oo aysan cid gaar wixii ay damacsan tahay si gooni ah u fushan.

 

Shaarif Xassan Sheekh Aadan, wuxuu sheegay in aysan jirin wax uu diidan yahay ee sababta uu 17-ka bisha u qabtay ay tahay in xildhibaanadu kala dhiman yihiin, uuna xaq u leeyahay in uu qabto waqtigii suurtagal ula muuqda in ay xidlhibaanadu ka doodo karaan arrinta xasaasiga ah.

 

Wuxuu guddoomiyuhu ka digay in go'aanka baarlamaanka aan lagu degdegin si loola ordo oo looga gaarsiiyo shir berito ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waana in axdiga la raaco ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray in aanuu baarlamaanku fariisan karin iyadoo uu joogo, amrinna.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa ay howshiisu tahay in uu qabto wixii uu guddoomiyuhu u diro, uusanna guddoomin karin shir, maadaama uu isagu u qabtay 17ka bisha in uu shirku dhaco.

 

Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay eedaha uu madaxwaynuhu u soo jeediyay, ayaa sheegay in 17-kii March telefishinada caalamka laga wada daawaday oo cajaladona laga duubay sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna intaasi ku daray in uu ku shaqeeyo rabitaanka dadwaynaha Soomaaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka dhinicii ay u bataan, uuna baarlamaanka mas'uul yahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye Shariif Xassan, ayaa ugu dambayntii sheegay in uusan jirin go'aan ka soo bixi kara kulanka maanta ee baarlamaanku ku yeeshay KICC, Nairobi, maadaama shirka rasmiga ah ee baarlamaanka uu isagu u qabtay in uu dhaco 17-ka bishan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this