Sign in to follow this  
Fiqikhayre

120 courts militia mobile on several donkeys outgunned by TFG Troops near Buurhakaba!

Recommended Posts

Buurhakaba : Ciidamada dawladda oo dagaalo la galay ciidamada maxkamadaha, sheegayna in ay guulo ka soo hooyeen.

 

Arbaco, November 08, 2006

 

APL

 

Buurhakaba (AllPuntland)- Dagaal aad u kharaar ayaa dhowaan waxa uu dhex maray ciidamada dawaldda Soomaaliya iyo koox la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Sida ay inoo cadeeyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka dawaladda federaalka ah iyo wariyaal ku sugan magaalada Baydhabo, ciidamada dawladda ayaa waxa ay hawlgal ay ka samaynayeen deeganada Manaas iyo Ceel bardaale isaga hor yimaadeen ciidamo la la sheegay in ay ka tisan yihiin ciidamada maxkamadaha.

 

Saraakiishani ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ciidamo gaaray 120 askari oo watay dameero, lana sheegay in ay ugu rarnaayeen miinooyin kala duwan oo la doonayay in la soo galiyo magaalada Baydhabo ay ciidamadu ka hor tagen.

 

Ciidamada dawladda ayaa waxa ay ka takhaluseen tiro aad u fara badan oo ka mid ah ciidamadaasi iyada oo sidoo kale ay gacan ta ku dhigeen 15 nin oo ka mid ahaa ciidamadii dawladda ka soo hor jeeday.

 

Sarkaal xukuumadda Federaalka ah u qaabilsan aarimaha sirdoonka oo la soo xiriiray AllPuntland ayaa waxa uu cadeeyay in ay ciidamadani ka mid ahaayeen ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Madaxda maxkamadaha ayaa waxa ay qirteen in uu jiro dagaalkaasi ay la galeen ciidamada dawladda.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^LoooL

 

 

"Sarkaal xukuumadda Federaalka ah u qaabilsan aarimaha sirdoonka oo la soo xiriiray AllPuntland "

 

I find this very odd. Shouldn't ministry of defense or Information be handling these matters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I say shoot every donkey, that makes the slightest move. I want to eradicate this specific species of animal from the Somali soil!

 

Donkeys are only good in Palestine!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^There is truth to the story, the TFG troops are close to Bur-Hakabo...

 

Dagaalo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan degmada Buurhakaba

Last Updated::2006-11-07 16:32:11

 

Baydhabo:- 24kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa jirta cabsi xoogleh oo laga qabo in uu dagaal dhexmaro Ciidamada DFKMG iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho.

 

Cabsidan ayaa ka timid dhaq dhaqaaq xoogleh oo laga dareemay labada dhinac, ayadoo magaaladan Baydhabo laf ahaanteedu uu ka muuqdo dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogleh.

 

Dowlada Ciidamadeeda oo ku sugan nawaaxiga magaalada Baydhabo, ayaa todobaadkii dhawr goor sameeya hawlaglo noocaan ah oo ay ku maraan qeybo kamid ah gobalka Bay, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buurhakaba oo ah halka ay isku horfadhiyaan labada ciidan.

 

Saraakiil kamid ah Ciidamada Dowlada oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay dhinacooda wadaan, balse ay ku jiraan diyaar garow iyo heegan sare.

 

Ciidamada Dowlada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dabrid ay ku tijaabiyaan hubka culus iyo madaafiicda goobta.

 

Sidoo kale Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ayaa sheegay in amniga deegaankaasi aad loo adkeeyey isla markaana uu hoos u dhacay isu socodka ayadoo halkaasina laga soo sheegay cabsi laga qabo in dagaal uga yimaado dhinaca Dowlada Federaalka.

 

Dagaal ka dhaca deegaanka Buurhakaba ayaa keeni kara khasaaro aad u xoogleh ayadoo labada dhinac ay ciidamo kumanaan gaaraya ay geeyeen tuulooyinka kamid ah degmada Buurhakaba.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this