Sign in to follow this  
Kamaavi

Ethiopia oo magacawdey guddigii doorooshinka Gobolka Somalida

Recommended Posts

Kamaavi   

Dowlada dhexe ee Ethiopia ayaa soo saartey liis ay ku qoran yihiin magacyada guddida doorasha Gobolka Somalia oo iyadoo magacyada ilaa iyo hada la shaaciyey ay badankood yihiin heer federaal marka laga reebo hal xubin oo laga magacaabay maamulka kililka ee magaalada Jigjiga.

 

Magacyada guddida doorasha Gobolka Soomaalida ee la shaaciyey ayaa waxay kala yihiin:-

 

(1) Maxmuud Dirir wasiirka dalxiiska iyo hidaha

(2)Bashiir Cabdullaahi Caydaruus wasiir ku xigeenka Beeraha

(3) Dr.Sarhaye Xidig Gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka Ethiopia

(4) Axmed Shide wasiiru dowlaha wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha

(5) C/fataax Sheekh Cabdullaahi gudoomiyaha xisbiga deegaanka Somalida.

 

Waxaa xusid mudan in liiska magacyada guddiga doorashada aan lagu soo darin madaxweynaha maamulka Kililka Daa'uud Maxamed Cali iyo hogaanka nabadgelyada Cabdi Maxamuud Cumar(Cabdi ileey) taasoo lagu fasiray inay jirto isbadal aragtiyeed oo dhanka dowlada dhexe ah kuna wajahan labadan masuul.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Daud oo ku Jiro Qal-qaalo ah in Gudiga Dooorshada ee Maamulka Kililka Lagu Daro.

 

2d8f4zp.jpg

 

Wararka isa soo taraya ee Naga soo kala gaaray Addiss Ababa iyo Jigjiga ayaa sheegaya in Daud Maxamed Cali, Madax Maamulka Kililka uu qal-qaalo xoogan oogu Jiro in aan laga reebin Gudiga Doorashada ee Maamulka Kililka, Gudgan ayaa awood ahaan naloo sheegay Inay Baxiyaan Aqoonsiga Musharaxa, Isbuucii Hore ayaa Shabakada Ogadeentoday loo soo sheegay in Daud Iyo Cabdi Illey Laga reebay Gudigaas.

 

Warka Adiss Ababa aan ka helnay ayaa sheegay in Daud uu Lakulmay Maxamud Dirir Kadibna Xafiiska Raysul Wasaaraha loo Gudbiyay Halkaas oo uu ku qaabilay Ninka ah Madaxwaynaha Dhabka ah ee Kililka ka Taliya oo ah Melez Zenawi Inadeerkiis oo Lagu Magacaabo Abay Tsehaye.

 

Maamulka Daud ayaa lagu eedaynayaa in Xoogaga ONLF aysan sidii Dowlada Itoobiya rabtay aysan waxba ka qaban, Balse qodobka kali ah ee Lagu qadarinaya yahay Astaanta Calanka Deegaanka oo uu ka saaray Astaanta Somalinimada.

 

Daud ayaa La Ogayn wax dhabta ah ee ay ka wada Hadleen Abay Sahaye Balse qal qaalo Xoogan oogu Jira in liiska Xafiiska Raysul Wasaaraha Miiskisa saaran ee ah Gudiga Doorashada Deegaanka wax laga Badalo.

 

Cabsida iyo Wal-walka oogu badan ee Daud haya ayaa ah in Musharaxnimada Laga reebo Isagoo Doonaya in Markale uu Is Sharaxo, Midaas oo Cabdi Illeyna uu ka war sugaya Safarka Daud.

 

Maamulka Kililka ayaa Dadka Ku nool Ogadeeniya Dhaliil Xoogan oo ah Dhanka Xuquuqda Aadamaha lagu eedaynayaa, Iyagoo lagu Tilmaamay in Xasuuq kala duwan iyo Xarig aan lahayn Cadayn dhab ah ay u gaystaan Shacabka.

 

O'gadentoday

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^It's oki. Nothing compared to the interloping atheist poofs bemoaning heavenly rewards not meeting their perverse taste. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^^Y'know from your post (and comments elsewhere), I get the impression that this topic is not the one you were dying to refer. Better you take your proxy comments to where they belong next time. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Madax Waynahii Hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo Diiday Inuu Doorahada Itoobiya Goob-Joog ka Ahaado.

 

2remypv.jpg

 

Dowlada Itoobiya ayaa ku Marti qaaday Madax iskugu Jira Reer Yurub Iyo Maraykanka in ay Goob Joog ka ahaadaan Doorashada Bisha May ee Sannadkan, Balse Madaxwaynhii Hore ee Dalka Maraykanka ayaa Gabi ahaanba Maanta soo Gaarsiiyay Xukumada Addiss Ababa waraaq Diidmo ah oo ku cad inuusan Goob joog ka ahaynin.

 

Shabakada O'gadentoday oo warkan Maanta ka heshay Addiss Ababa ayaa loo sheegay in Madaxwaynuhu uu Saluugsan yahay qaabka wax u socdaan Isagoo Midaas ku daray in Doorshadii hore ee uu Goob Jooga ka ahaa ay ku dhinteen Dad badan.

 

Jimmy Carter ayaa leh Xarun loogu Magac daray Carter Centre oo Indha Indhaysa Arrimaha Doorashooyinka Dalalka Afrika kana Caawisa Qaarada Cudurada.

 

Dadka Indha indheeya Siyaasada ayaa ku tilmaamay in arrintan Dhabar jab wayn ku tahay oo siyaasadeed Xukumada uu Hogaaminayo Melez Zenawo oo kalsoonida laga qabo sii Xumaan doonto.

 

Gudiga Doorshada Indha-Indhaynaysa ee Reer Yurub ayaa la Filayaa in Maalinimada Khamiista ah ay Saxaafada la hadli Doonaan.

 

O'gadentoday/ File Photo World

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Ciddaan ayaga ah dantooda ma yaqaanin. Weli 2010 kefedda hal meel ayeey rabaan in aay ka saarnaadan ama ukumahooda oo dhan hal dambiil kuwada gurtaan. War toosa yaa idin yira o dantiina aqooda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Taas waxaad u sheegtaa kuwa ilmaa 30ka sano ukumahooda meelo kala duwan ku khabaystay ilaa haddana aan dhaaamin xabashiga kor ku xusan ,,, waa Daaude....oo qaxoontiga ila ah :D

 

Xornimo waxaan ahayn oo na daqaysa ma leh saaxiib ,,,,, sheeko baralayda hoos nooga dhig.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

^Xornimo waad gareysa haddii raggoo dhan ninba meel xaabo uraadi la yiraa dherigana hal meel dabka ku saarataan si wadajira (xornimada)caqli aya la raba taatiko soconeysa maha sida hadda walaal. Kuwa ku jira amxaarada hala gorgortamen Meles waxa laga raba jidadkii, dugsiyadii, dhisidii kaabayaasha kuwa hubeysana waxaa iyana laga rabaa in cadaadis halka ka sii wadan oo aay dhahan marnaba hubka dhigimayno. Maxaa hadda socda in ONLFtu disho qofkii u aragto inu la shaqeenayo sida ardayda jaamacadaha, macalimiinta, dhaqaatiirta iwm sidaa horumar laguma gaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Daaweeye:

Maxaa hadda socda in ONLFtu disho qofkii u aragto inu la shaqeenayo sida ardayda jaamacadaha, macalimiinta, dhaqaatiirta iwm sidaa horumar laguma gaaro.

Adoo mahadsan, ma noo sheegi kartaa hal dhakhtar oo ONLF wax yeelaysay? Hal arday? Hal macalin?

 

Adeer anaa arday reer Addis ah soo ahaa, macalin soo ahaa. Markaan gobolada hoose tagayno waxaan tusi jiray mutwaaqada schoolka pole horey ka soco inay dhahaan mooyee xitaa magacaa waana la ima o dhan.

 

Horumurka lama diid, waaba ka lo dagaalami, intii wadanka wax u qabana abaal gud ayaa loogu daraa. Akhirka ka wax badan qabta isla dawlad ku sheega ayaa xidha waxaana la dhahaa geed aad soo gooysaan mooyee geed ha abuurina.

 

Horumar doonka, xornimo doonka, deris wanaaga, iyo dadnimada wax naga jecel maleh. Fadlan waxaad u fahantaa in lanagu qasbay halkaanu taaganahay.

 

Illaah ayaa ne lehe, dee gaal xuna ooga amar qaadan mayno maamulka reerahaanga. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this