Sign in to follow this  
General Duke

Furux: TFG will open port...

Recommended Posts

Muqdisho:Wasiiru dawlaha Dekedaha DFKGS oo sheegay in Dekedda wayn ee Muqdisho ay irdaha u furi doonaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

- Saturday, September 24, 2005 at 16:04

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiiru dawlaha Dekedaha DFKGS Md: Maxamed Jaamac Maxamed (Furux) ayaa sheegay in furidda dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ay u hawlgalayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

 

Md: Furux oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in dhowr goor la isku dayay in la furo dekedda magaalada Muqdisho hase ahaatee sababo kala duwan ay suuro galin waayeen inay si rasmi ah u shaqasyo.

 

Wuxuu xusay Md: Furux in hawshaasi ay qabanayso dawladda Fedderaalka ah ayadoo adeegsanaysa Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

 

Mar wax laga waydiiyay qaabka loo furayo dekedda Muqdisho oo xirnayd muddo 14sano ah ayuu sheegay in dawladdu ay isku dayi doonto qaab walba oo suurto galin kara in dekeddaasi lafuro.

 

Wuxuu xusay in dekedda magaalada Muqdisho ay tahay isha ugu wayn uu dawladda kasoo gali doono dhaqaalaha ugu badan sidaasi daraadeedna ay muhiimad gaar ah siin doonto inay dekeddu hawl gasho.

 

Md: Furuxu waxaa wax laga waydiiyay sida ay suurto gal ku noqon karto madaxwaynihii iyo raysulwasaarihii oo magaalada Muqdisho kamaqan in lafuro dekedda wuxuu sheegay in xafiisyadii madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha Soomaaliya labadaba in haatan ay yihiin kuwo diyaar ah oo sugaya inay yimaadaan masuuliyiintaasi.

 

Wuxuu kaloo sheegay in marka ay yimaadaan masuuliyiintaasi magaalada Muqdisho la kala ogaan doono cidda diiddan nabadda dalka Soomaaliya.

 

Md: Furux wuxuu kamid ahaa wasiiradii goostay inay magaalada Muqdisho tagaan xilligii ay dawladdu usoo guuraysay magaalada Jowhar , wuxuuse haatan u muuqdaa inuu tanaasulaad kasameeyay mawqifkii uu ku dhaganaa.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this