Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: 100-MP signed statement : laugh at the Charade, there was no VOTE

Recommended Posts

Baydhabo: Xildhibaano ka horyimid ansixinta Xukuumadda Nuur Cadde, eedeyayna Guddoomiyaha Baarlamaanka

15. December 2008

 

 

Baydhabo(AllPuntland)-Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa ka hor yimid kalsooni siinta Xukuumadda Nuur Cadde oo maanta Baarlamaanka KMG u codeeyay iney sii shaqeyso, waxaana ay tilmaameen in aysan jirin meel ay codka kalsoonida ah ku bixiyeen.

 

Afartan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo kulan ay ku yeesheen, waxayna halkaasi ay kula hadleen Saxaafadda iyagoo sheegay in aysan jirin wax xukuumad ah oo ay ansixiyeen, isla markaana aysan jirin cod kalsooni ah oo ay siiyeen Xukuumadda shalay Madaxweynuhu riday.

 

Xildhibaan C/qaadir Xuseen Nuur "Caraale" iyo Xildhibaan Xaawo Cabdullaahi oo la hadlayey Suxufiyiinta ayaa waxay sheegeen in aysan jirin meel ay codka kalsoonida ah ugu shubeen Xukuumadda Nuur Cadde isla markaana laga been abuurtay iyaga.

 

Waxayna Xildhibaanadan ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu u janjeero dhinaca Nuur Cadde isla markaana uusan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha socda, waxayna intaa raaciyeen in xiligii la ansixinta ay dhici laheyd la hor keenin wax ajande ah, ayna jiraan Xildhibaano dibada ugu baxay Baarlamaanka kadib buuq fara badan oo halkaasi ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano Ka tirsan baarlanka DFKMG ah oo qaadacay Go’aankii Baarlamanka...

 

Kudhowaad 95mudane oo ka Tirsan Mudaneyaasha Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Go’aanki manta mudaneyaasha Baarlamanka Soomaalia ay ku ansixiyeen xukuumada raiisulwasaare Nuur Xasan Xuseyn Nuurcade In ay sii shaqeyso waxaana bayaankaasi laga soo saaray aqalka Madaxtooyada magaalada Baydbabo .

 

Xildhibaan Nuur Caraale ayaa u Aqriyay warfidiyeenada waxyna ku tilmaameen in go’aankaasi uu ahaa Go’aan keli uu u qaatay Afhayeenka Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya Sh Aadan Max’ed Nuur Madoowe .

 

Xildhibaanadan oo ku kulmay Holka uu ka degenyahay gudah magaalada Baydhabo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa xildhibaanadaasi ka mid ahaa Xildhibnaanad Xaawo Claahi Qiyad oo sheegtay iin Sharcidaro ay tahay Go’aankii manta Mudaneyaasha Baarlamanka Ay Qaateen .

 

Sikastoo ay amuurtu ahaataba hadaladan ayaa waxy ku soo aadayaan ayadoo manta kalfadhi ay mudaneyaasha Baarlamanka ay ku yeesheen Gudaha Magaalada Baydhabo islamarkaana Codka Kalsoonida ay ku siiyeen Raiisulwasaare Nuur Xasan Xuseyn Nuur Cade .

 

Dhanka Kale waxaa Caawa la filayaa in Raiisul wasaare Nuur Cade ee Xukuumadiisa ay heshay kalsoonida Baarlamanka oo uu dhaariyo golihiisa cusub ayadoo imnka diyaargarow iyo marquul iyo ciriiri laga dareemayo holka uu ka degenyahay Raiisul wasaare Nuur Cade hotelka Bakiin waxana Raiisil wasaaraha lagu wadaa Saacadaha Soo socda in uu shaaciyo Golihiisa wasiirada Cusub .

 

Max’ed Xaaji Xasan Abuukar

SBCInternational- Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

War saxaafadeed ka soo baxay kulankii Mudaneyaasha Baarlamanka Dowlada Federalka ay ku yeesheen madaxtooyada Baydhabo

 

15 December, 2008 By _Dowladnimo

In Ka Badan 120 mudane oo ka Tirsan Mudaneyaasha Baarlamanka Dowlada Federalka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Go’aankii manta ay qaarka ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamanka sharci daro ku ansixiyeen xukuumada Raiisulwasaare Nuur Xasan Xusen "Nuurcade" In ay sii shaqeyso waxaana bayaankaasi laga soo saaray aqalka Madaxtooyada magaalada Baydbabo .

 

Xildhibaan Nuur Caraale ayaa u Aqriyay warfidiyeenada waxyna ku tilmaameen in go’aankaasi uu ahaa Go’aan keli uu u qaatay Afhayeenka Baarlamanka Dowlada Federalka ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoowe.

 

Xildhibaanadan oo ku kulmay Holka uu ka degenyahay gudah magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlada Federalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa xildhibaanadaasi ka mid ahaa Xildhibnaanad Xaawo Cabdulaahi Qiyad oo sheegtay in Sharcidaro ay tahay Go’aankii manta qaarka ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamanka Ay Qaateen.

 

Sikastoo ay amuurtu ahaataba Waxaa shaki ku jirin in Sheekh Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde iyo inta yar ee taageersan heshiiskii qorsoonaa ee ay wada gaareen dhamaadkiisii lasoo gaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaannadii ka qeybgalay kulankii maanta oo tiradooda ay dhameyd 170 mudane ayaa 143 ka mid ah waxay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay diideen 20 mudane, halka ay ka aamuseen 7 Mudane oo kale.

Not so fast Mr JB: These MP;s were present today.

 

thus 170-100 = 70MPS's thats all Nur had?

 

You guys have no leg to stand on... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, As far as i know, the parliament has 235 members ,,, 170 were present, 143 voted for nur cade ...

 

100 against 143 is the minority sxb ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^JB adeer the Parliment has 275MPS.

The fabricated news of Nur Cade states there were a total of 170 present thus 100 of those have said no vote took place and thus not valid.

 

Thus saxib dont go round in circles the Praliment is with the Presdient and they will vote accordingly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano diidey codbixinta, Madoobe oo hadley

15 Dec 15, 2008 - 1:50:42 PM

 

Kadib markii Xildhibaanada DFKMG ah codka kalsoonida ah siiyeen Xukuumada Ra'isal wasaare Nuur Cadde maalin kadib [ Sida uu ku dhawaaqey Guddoomiyaha Barlamanka Somalia] markii Madaxweyne Yusuf xilka ka qaadey ayaa waxaa soo baxaya mudanayaal diidan sida ay u dhacdey codbixintaan.

 

Xildhibanada diidan qaabka loo qaadey codbixintaan ayaa saxaafada u sheegey in ay aheyd mid lasoo qorsheyey iyada oo Ra'isal wasare Nur cadde uu boobey codbixntan.

 

Xubin ka tirsan Xildhibanadan kulmey ayaa sidoo kale saxaafada u sheegey in mudanyaashaan diidan qaabka ay u dhacdey codbixntaan gaarayaan ilaa 80 xubnood taasoo ka dhigeysa in Ra'isla wasaare Nuur Cadde heli karin aqlabiyad ku filan.

 

Mudanayaashaan ayaa ku eedeyey Gudoomiyaha Barlamanka Aadan Madoobe inuu codka u boobey Ra'isal Nuur Cadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As a matter of fact, we don't have any accurate figure or whether the confidence motion was put before the parliament, but what is truly important is that the president has employed his constitutional authority to dismiss the PM for many objectively stated reasons. It's however too quick and premature for the Speaker to seize a media spotlight and sway the public opinion on the matter. The confidence motion should be put forward right after the President appoints a new PM.

 

The sacked PM has only complicated our crisis in his attempt to double the size of his government. If this isn't a good reason to fire him, I don't know what other alternative should the president take in light of the growing instablity we find ourselves in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this